Webmaster

Madaxweynaha La Doortay ee Maraykanka Donald Trump iyo Saadaashii Filimkii Simpison DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Qayb ka tirsan filim kartoonka musalsalka ah ee simpison oo la soo saaray sanadkii 2000 markii uu Bill Clinton madaxweynaha ka ahaa Dalka maraykanka ayaa waxay qisadiisu ku saabsanayd in nin fanaan ah oo ku fashilmay mihnadiisu uu soo baraarugi doono iyadoo ay walaashii Lisa Madaxweyne ka noqotay dalka Maraykanka…

Read More

Mas’uul Sare oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Walaac Weyn ka Muujiyey in Xukuumada lagu aamino Doorasho Xalaal ah oo Dhex Marta Xisbiyada Kulmiye & Waddani

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa walaac ka muujiyay nooca uu noqon doono tartanka doorashada ee dhex mari doona xisbiyada Waddani iyo KULMIYE, isagoo xukuumadda ku xidhiidhiyay inaan lagu aamini karin doorasho xor iyo xalaal ah. Md. Sulub, oo waraysi gaar ah uu…

Read More

Badhasaabka Gobolka Sool Mr Ramaax oo Markii uu Xilka la wareegay Kadib Ka Shaqo Geli waayay Gobolka Sool iyo Waxgarad Madaxweynaha ka dalbaday in laga bedelo DAAWO

Laascaanood 16. November 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka Gobolka Sool Maxamud Cali Saleebaan Ramaax oo Mudo ku Siman 4 Bilood Ku Magacaaban Gobolka Sool ayaa Markii uu Xilka kala soo wareegay Gudoomiyihii Hore ee Gobolkaas Waxa uu si Caadi ah u degay Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera.

Read More

Deegaano ka Tirsan Magaalada Oodweyne oo Diyaarado lagu Duqeeyay & Laamaha amaanka oo ka hadlay

Oodweyne 16. November 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Booliska  gobalka Daad-madheedh  Maxamed Cali Cabdi ayaa ka hadlay Diyaarado duqeeyey isla markaana rasaas ku riday Deegaanka Bali reer Cilmi oo hoos yimaada Oodweyne, waxaanu sheegay in ilaa hadda cid ku dhimatay ama wax ku noqotay aanay jirin, balse ay xaqiiqo tahay oo rasaastii hubka ay gacanta ku hayaan….

Read More

Doorkii Warbaahinta Somaliland ee Halgankii Dalka Lagu Xoreeyay,Idaacadii ay isticmaali jireen ee Radio Halgan & Duruuftii Adkayd ee ay Ku Shaqayn Jireen DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Warbaahinta Somaliland ayaa Door Mug leh kaga Jirtay Halgankii Dib u Xoraynta Qarankan Inkasta oo Warbaahintii Xiligaas la adeegsan Jiray ay u weynayd Idaacad Yar oo Rakaal ah hadana waxay Dhinbiil ku ahayd Taliskii Siyaad bare.

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo & Wefti uu Hogaaminayo oo La Filayo inay Saaka Kormeer ugu Baxaan Gobolada Bari ee Dalka oo Xaalad abaareed Ka Taagan Tahay

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Warar lagu Kalsoon yahay oo Shabakada Qurbejoog ka heshay Ilo ku dhow dhow qasriga Madaxtooyaddu waxay Sheegeen in Saaka Madaxweynaha iyo Wefti uu hor kacayaa u baqooli doonaan Gobolada bari ee dalka oo Xaalad abaareed ka taagan tahay. Warku Waxa uu…

Read More

Maxaa dhacaya hadii aynu Liqno Timaha Madaxeena Ku Yaala? (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Sida ay caddaynayaan culimada caafimaadku timuhu waxay ka samaysan yihiin maadada loo yaqaano Kratine waana maado aan dheefshiidku waxba ka bedeli Karin sidaa darteed waxay bahda caafimaadku kaaga digayaan inaad timo badan liqdo si aanay xiidmayaasha iskaga kaa duubin. https://youtu.be/DFVdl8-BmVk

Read More

Maxkamad Ku Taal Dalka Maraykanka Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay In Ay Qorshaynayeen In Ay Ku Biiraan Daacish

Minneapolis 16. November 2016 (SDN/QJ):- Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa xukuno kala duwan waxa ay ku riday dhalinyaro Somaaliyeed oo kunool dalkaasi, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay qorsheenayeen in ay ku biiraan Kooxda Daacish.   Cabdullaahi Yuusuf oo kamid ahaa dhalinyarada xukunka lagu riday ayaa lagu helay in uu u…

Read More

Maxay Dunida Kubada Cagtu Ka Tidhi Doorashada Madaxtinimada Mareykanka & Guusha Donald Trump?

Washington 16. November 2016 (SDN/QJ):- Donald Trump ayaa loo doortay madaxweynihii 45aad ee dalka Mareykanka isagoo tartanka Aqalka Cad kaga badiyay Hillary Clinton. Waxaan idiin soo gudbineynaa waxa ay dunida kubada cagta ka tidhi doorashada Mareykanka iyo natiijadii uu ku soo baxay Donald Trump,Taas oo Ra’yul Caalamka adduunka lama filaan ku noqotay. Daafaca kooxda Tottenham…

Read More

Madaxweynaha Oo Kulan Sagootis ah La Yeeshay Xulalka Awdal Iyo Saaxil Oo Iyagu Sanadkan Noqday Horyaalada Koobabkii Gobolada Dalka DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 15. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta kulan sagootis ah la yeeshay xulalkii ku guulaystay koobabkii Gobolada dalka loo dhigay sanadkan oo ka koobnaa saddex koob kuwaasoo ay ku guulaysteen xulka gobolka Awdal oo qaaday laba koob oo kala ah Koobka kubbadda Cagta iyo Koobka Orodada, halka…

Read More

“Ma Jiro Nin aan Aniga ahayn oo Ictiraafka keeni karaa, Cirro Ma Go’da ayuu la fadhiisan,Lama Tartami Karo C.raxmaan Cirro oo Haysta Lacagtii UN & Tii Beeshiisa Waayo Beeshaydu Waxba ma Bixiso..”Faysal Cali Waraabe DAAWO

Germany 15. November 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanu Aqoonsiga Somaliland Nin aan isaga ahayni keeni karin, isla markaana uu haysto Qorshe fiican oo uu xusay inuu ku keeni karo haddii uu talada dalka qabto. Sidaa waxa uu Faysal ku sheegay waraysi ay Weriyaal kala duwani kula yeesheen…

Read More

Dib u dhac Ku Yimid Wada Hadaladii Somaliland Iyo Khaatumo uga Furmi lahaa Addis ababa iyo Sababta Keentay

Addis Ababa 15. November 2016 (SDN/QJ):-Warar hoose oo soo ka baxaya madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in ay dib u dhaceen wada hadaladii magaalada Addis-ababa uga furmi laha dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.   Waxaana wada hadaladan oo sida la sheegay loo balansanaa inuu bilaabmo 17 bishan aynu ku guda jirno ay noqdeen kuwo dib u…

Read More

‘’Go’aan sahlan maaha Nin Beertiisi Furay oo Walaalkii ku soo dhaweeyey oo daaq iyo Calaf wuxuu hayeyba intaa yar ee uu haystay la wadaagay’’ Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi DAAWO

Hargaysa 15. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, ahna ku simaha Gudoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Abaaraha Somaliland, oo ay wehelinayaan Xubnaha guddida abaaruhu waxay deeq isugu jirta Raashin iyo Bal ama Caws kala wareegeen maanta Guddida Taakulaynta Gobolada Galbeedka Somaliland ee Awdal, Gabiley iyo Selel.

Read More

Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee Lagaga Lib Roonaaday Xisbiga Ucid oo Shaaciyey Wada hadal ay la fureen Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani & Su’aal ka taagan Sababta Jamaal Ku Ogolaaday Xisbiga Kulmiye oo uu Ku Eedayn Jiray Khilaafkii Ucid

Hargaysa  15. November 2016 (SDN/QJ):-Garabka uu hoggaaminaayo Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga UCID ayaa wadahadal rasmi ah la furay xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI sida uu bartiisa Facebook-ga ku faafiyay Mohamed Gacayte oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UCID ee garabka Jamaal Cali Xuseen Isla Markaana ah Xoghaynta gaarka ah ee Jamaal Cali Xuseen ayaa Qoraalkiisu u…

Read More

Dawlada Maraykanka oo Daboolka ka Qaaday inay Bixinayso Kharashka Daabacada Kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland 

Washington 15. November 2016 (SDN/QJ):-Dawladda Maraykanka ayaa shaaca laga qaaday inay bixinayso kharashka lagu soo iibinayo kaadhadh madhan iyo qalabkii lagu daabacayey ee codbixiyeyaasha Somaliland, oo ku baxayso dhaqaale gaadhaya hal milyan oo dollar. Mr. Michael J. Zamba, madaxa warbaahinta, hay’adda Creative Association International ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaalaha ku baxaya iibka kaadhadhka codbixiyeyaasha…

Read More

“Cirro Burburkii ka dib Wuxu Ruushka ka Noqday Maggafe Wax Tahriibiya, Xirsina Waa Kulmiye..” Daawo Saado Axmed DAAWO

Hargaysa 15. November 2016 (SDN/QJ):-Saado Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee waddanka Jarmalka, ayaa weerartay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanay Sheegtay in Cirro markii uu Ku-xigeenka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Ruushka ahaa ee ay burburtay Dowladdii Soomaaliya inuu…

Read More