Webmaster

Ruushka oo Gantaalaha S 300 Ku Rakibay Suuriya (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Xukuumada Mosko ayaa sii wadda inay dhegaha ka furaysato dhaleecayn kasta oo looga soo jeediyo arimaha Suuriya, xilli ay xiisadda u dhexaysa maraykanka iyo ruushkuna ay cirka isku sii shareerayso waxana ruushku ku rakibeen gantaalaha difaaca cirka ee noocoodu yahay S=300 saldhigooda ciidan ee ay ku leeyihiin ay Magaalada darduus…

Read More

Xisbiga Waddani iyo Garabkii Isbahaysiga Kulmiye oo Midoobay iyo Dood Ka Dhalatay Xil Cusub oo Xirsi Cali X.Xasan Loo Magacaabay

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Garabkii isbahaysiga siyaasadeed ee KULMIYE, ayaa shalay ku dhawaaqay inay si rasmi ah ugu biireen xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Shirjaraa’id oo ay wada jir u qabteen xisbiga Waddani iyo siyaasiyiintani, ayaa waxay ku cadeeyeen inay soo gunaanadeen wada hadaladii islamarkaana heshiis lagu gaadhay in lagu midoobo xisbiga Waddani ee…

Read More

“Waxaad Moodaa inaanay Xukuumadu Garanayan Siyaasada aynu Beesha Caalamka ku soo Jiidan Karno” Xildhibaan Maxamed Saalax Cige

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Salaax Cige oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inaanay weli bulshada caalamku ku qancin dib u dhigista doorashada wakiilada. Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Shirka Golaha Dhexe ee Waddani natiijada…

Read More

Burburka, Googo’a, Foolxumada Iyo Dayacnaanta Wadada Madaarka Hargeysa & Mooganaanta Maayirka Hargaysa DAAWO

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Jidka Taga Madaarka Cigaal International Airport Waa Jid Hal bawle ah Isla markaana Sawir ka Bixiya Horumarka kala duwan ee Caasimada Hargaysa iyo Somaliland-ba ku Talaabsatay ayaa waxaa ka Muuqda Dayac baahsan. Maayarka Iyo Ku Xigeenka Magaalada Hargaysa ayaa Mar ay Dalka Keeneen Qalabkii lagu dayactirayay Jidadka Hargaysa Waxay Sheegeen…

Read More

Halkee ayuu Marayaa Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaalada Hargaysa ee Bulshadu u Ooman tahay? DAAWO

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Hargaysa Ibraahin Siyaad Yoonis oo ay Weheliyaan Xubnaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa Kormeer ku Tagay Deegaanka Biyo Shiinaha oo ah Goobta la dhigay Agabka Suurto gelinaya Mashruuca Biyo balaadhinta Caasimada Hargaysa ee Mudada dheer soo Jiitamayay. Gudidaas Joogtada Ee Guurtidu Ay Warbixin…

Read More

Maayirka Berbera Cabdi Shakuur Cidin ” Ma Ogin Dhul la Wareejinayo Laakiin Dawladu iyadaa Awoodaasi Leh” DAAWO

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa sheegay inaanu waxba kala socon warar laga baahiyay in xukuummada Somaliland ay madaarka Berbera iyo Warshada Sibidhka ay ku wareejinayso Dawlada Imaaraarka Carabta. https://www.youtube.com/watch?v=vNURd2qUzJA

Read More

Roobab Shan Saacadood oo Xidhiidh ah ka da’ayay Deegaano ka Tirsan Gobolka Saaxil iyo Dhimashada Xoolo Tiro badan DAAWO

Berbera 06, October 2016 (SDN/QJ):- Roobab Xoogan oo Dhawr Saacadood oo Xidhiidh ah ka Da’ay Deegaano ka Tirsan Degmada Madheera ee Gobolka Saaxil ayaa Sababay Dhimashada Xoolo Tiro badan Kuwaas oo qaadi kari waayay Roobka xoogan Maadaama ay Xili abaareed ku Jireen,Waxaana Deegaanadaasi Booqday Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Mas’uuliyiin Kale oo Wehelinaysay. https://www.youtube.com/watch?v=qJMvPQwe_ZQ

Read More

Abwaan Hure Walan-Wal oo Qaab Suugaaneed uga Hadlay Sidii uu Ku Bilaabmay Kaftankii Hargaysa iyo Burco DAAWO

Burco 06, October 2016 (SDN/QJ):- Abwaan Hurre Walaan-wal oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed, ayaa qaab suugaaneysan uga hadlay kaftan maalmahii ugu dambeysay barahsa bulshada ee Internetka ku dhex-maraayey dad ka soo kala jeeda magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. DAAWO, muuqaalka Abwaanka oo sheegay in uu ka xun yahay in kaftankii dib looggu leexiyey waxyaabo aan…

Read More

Wasaarada Waxbarashada “Waanu Hakinay Ardeydii Deeqaha Waxbarasho laga Siin Jiray Jaamacadaha Dalka” DAAWO

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Somaliland  ayaa joojisay ama Hakisay Fursadihii waxrasho ee ay Jaamacada Dalka ka siin jirtay Ardeyda aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta lagu dhigto Jaamacadaha. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Proffesor Cabdi Cali ayaa sheegay in ay sanadkan kor u kaceen Araajiida Ardeyda soo codsatay in Bilaash…

Read More

Booliiska India oo xidhay Shimbir la Sheegay inuu Wax Basaasayay iyo Fariimo loogu soo Dhiibay Raysal Wasaaraha Hindiya DAAWO

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada booliiska Hindiya ayaa soo bandhigay Muuqaalka Shimbir nuuca Soomaalidu u taqaan Xamaam ay uga shakiyeen in uu basaas u ahaa lagana soo diray dalka ay dariska yihiin ee Pakistan. Shimbirtan ayaa lagu qabtay deegaan kuyaala Gobolka Kashmiir qeybta Hindiya maamusho, waxaana Shimbrtan la qabtay la sheegay in ay ku…

Read More

Muwaadin Soomaali ah oo Qaab Khasab ah looga soo Tarxiilay Waddanka Norway Lagana Soo Dejiyey Madaarka Muqdisho & Xidhiidh Qarsoodi ah oo ka dhexeeya Madaxda Madaarka Iyo Norway

Muqdisho 06, October 2016 (SDN/QJ):- Dalka Norwey ayaa dhowaan si khasab ah looga tarxiiley dad Soomaali ah oo gaaraya illaa 10 ruux kuwaasoo intooda badan ahaa dad loo diidey sharciga magangalyada wadanka. Waxaa dhamaantood laga dejiyay garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho Waxaana halkaas ku qaabiley saraakiil ka socoto laanta socdaalka ee dowlada federaalka ah…

Read More

Colombia: Xukuumadda Xilka Haysa Oo Heshiis La Gashay Jabhad 50 Sannadood Dagaalamaysay

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Madaxda dawlada Colombia ayaa shaaciyay Inay joojinayaan dagaalka sokeeye ee ka socday dalkooda muddo 50 sano ah, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 220 kun oo qof isla-markaana uu dagaalkaasi bara kiciyay ugu yaraan 7 Millyan oo qof . Go’aanka ay Xukuumadda dalkaasi shaacisay ayaa waxa uu soo baxay…

Read More

Yaa Ku Guuleystay Abaal-marinta Sannadka 2016-ka Ee Caafimaadka ?

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Yoshinori Awsome oo u dhashay Dalka Japan, ayaa ku guuleystay Abaal-marinta Sannadka 2016-ka ee Nopel ee caafimaadka.   Guddida qiimaysa Dadka ku guuleysta, ayaa xafladdii abaal-marinta lagu guddoonsiiyey Dr. Yoshinori Awsome ka sheegay inuu dedaal badan oo caafimaad sameeyay isla-markaana uu baadhis xeel-dheer ku sameeyay cudurro fara badan oo Adduunka…

Read More

MASAR: Booliiska Oo Toogasho Ku Dilay Laba Nin Oo Ka Mid Ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin

Qaahira, 6 October, 2016-(SDN/QJ) – Booliska Dalka Masar, ayaa toogasho ku diley laba Nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Dalkaasi laga Mabnuucay. Labada Nin ee la diley, mid kamid ah ayaa ahaa Maxamed Kamaal, kaas oo kamid ahaa hoggaamiyaasha Uururka Ikhwaanul Muslimiin oo Masar laga mamnuucdey, sida laga soo xiganayo…

Read More

Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo Ka Jawaab Celiyey hadal ka soo yeedhay Hogaamiyihii Hore ee Gal Mudug Cabdi-Qeybdiid

Garowe 06, October 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Puntland ayaa cambaareeyay hadal dhawaan magaalada Gaalkacyo uu ka jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland C/Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku saabsanaa duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa sheegay in hadalkii kasoo yeeray Cabdi Qeybdiid 29 kii bishii lasoo dhaafay uu yahay…

Read More

Wasaarrada Arrimaha Gudaha Dawlada Federaalka oo ka Hadashay Go’aankii ay Qaateen Ergaada Jowhar ku Shirsan

Muqdisho 06, October 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, Yaxye Cali Ibraahim, ayaa qiray in ergada Magaalada Jowhar u fadhisa Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, ay maanta dood adag ka yeesheen qoddobo laga tilmaamo karo halka ay noqonayso Caasimadda Maamulkaasi.   Xoghayaha, ayaa sheegay si koox koox ah in…

Read More

Dhismaha Gole cusub oo looga dhawaaqay Deegaanada hoos taga Al-Shabaab

Baydhaba 06, October 2016 (SDN/QJ):- Al-Shabaab ayaa shir ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bay isugu keenay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed oo ay ka soo ururiyeen degaanada kooxdaas ay maamusho, iyagoo doortay Hoggaan cusub oo dhanka dhaqanka ah.   Munaasabad ballaaran oo odayaasha dhaqanka ay ku dooranayeen hogaankooda ayaa waxay kaga dhawaaqeen guddoomiyahooda iyo golayaashooda fulinta….

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘’Daawee Nabaradaadda”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 05, October 2016 (SDN/QJ):-Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo…

Read More

Xildhibaan Nac-Nac Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay Weriye Cali Xaraare Kana Jawaabay Liiska Guul-wadayaasha S.land ee uu Kaalmaha Hore ka Galay DAAWO

Hargaysa 05, October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ee Sida Weyn u Taabacsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Dareen Cadho leh kaga Jawaabay Barnaamijka Kaftanka Siyaasada ee Ka Baxa Kalsan Tv ee uu soo Saaro Weriye Cali Xaraare Kadib Markii uu Xildhibaan Nacnac ku soo daray…

Read More