Webmaster

Hargaysa: Bukaanka Asma Aadan Cabdi Waxay heshay Taageeradiinii, DAAWO

Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Asma Aadan Cabdi oo ah gabadh ka xanuunsanaysay kelyaha oo taalla xarumaha caafimaadka ee Magaalada hargaysa una baahan qalliin dhanka kelyaha ah ayaa maanta waxaa la gaadhsiiyey qadar lacageed oo ay soo bixiyeen dad muxsiniin ah oo badankoodu ku nool dalka dibadiisa.waxana lacagtaa bukaanka waalidkeed ku wareejiyey weriye Cabdimalik Muuse Coldoon…

Read More

Markii Mo Farah jallaafada loo dhigay,Sida Dhakhsaha leh ee uu Uga Soo Kabtay Dhabaha Guushana u Haleelay DAAWO

London 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Soo kabashada iyo adkaysiga waa mid kamid ah arimaha sahla guusha. Mo Farax oo u ordayay dalka Ingiriiska hayeeshee Soomaali ah ayaa cayaarta dhexdeedii jallaafo loo dhigay, balse isma uusan dhiibine bartii ayuu oradkii kasii amba qaaday, guul lama illaawaan ahna waa soo hoyiyay. https://www.youtube.com/watch?v=nQvtMM_-01A

Read More

Safiiradda Dawladda Finland U Fadhida Kenya Oo Kormeertay Xarumo Caafimaad Oo Ku Yaalla Hargeysa

Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wefti ay Hoggaaminayso Safiirka Dalka Finland u fadhida Kenya Tajra Fernandes oo dhawaan Socdaal ku timid Somaliland isla-markaana kulamo la yeelatay Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sidoo kale kormeer ku samaysay Goobo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Hargeysa.   Safiirradda oo beddeshay Safiirkii Dawladda…

Read More

Washington Post oo Warbixin Cajiib ah ka qortay Guul daradii Maryan Nuux iyo Dareenka laga muujiyay +Sawiro

Washington 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Inkastoo orodyahanada Soomaaliya Maryan Nuux Muuse ay kaalinta ugu danbeysa ka soo gashay tartankii orodka 400 mitir ee hablaha Olimbikada Dunida hadana waxa ay dhiirogelin ka heshay Soomaali iyo dadyow kale oo badan. Wargeyska caanka ah ee ka soo baxda dalka Mareykanka ee Washington Post ayaa warbixin ay ka qortay orodyahanada…

Read More

Orod Yahanka Caan Baxay ee Mo Faarax oo markii saddexaad ku guulaystay billada dahabka Olympikada

London 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Orodyahanka asal ahaa kasoo jeeda Somaliland balse u orda Ingiriiska Mo Faarax ayaa  markii saddexaad ku guulaystay billadaha dahabka Olympic-ada.   Mo Faarax ayaa difaacday horyaalka 10-ka kun ee mitir ee uu horay ugu guulaystay Olympicadii 2012-kii, waxaana kaalinta labaad galay Orodyahanka u dhashay dalka Kenya ee lagu magacaabo Paul Tanui….

Read More

War Deg Deg ah: Madaxweyne Siilaanyo oo Isku Shaandhayn Baaxad Leh ku Sameeyay Golihiisa Xukuumada,Mas’uuliyiin Xilal Balaadhan ku Fadhiyey oo Loo Magacaabay Xilal Yar,Madax uu Sahayday Heshiiska DPW AKHRI

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Caawa isku shaandhayn ku sameeyey Xukuumaddiisa, isla markaana beddelaad iyo Xilka-qaadis Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsanaa, halka uu Masuuliyiin cusubna xilal kala duwan u magacaabay. Isku-shaandhayntan uu Madaxweyne Siilaanyo caawa sameeyey, ayaa saamaysay qaybaha kala duwan ee Xukuumadda, sida Golaha Wasiirrada iyo Xilal badan oo…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka

Muqdisho 14.Aug 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka. Madaxweynaha oo munaasabaddan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado. “Saxiixa…

Read More

Gunaanadka Shirkii Beelaha Koonfurta Hargaysa iyo Galbeedka Magaalada Burco iyo Go’aanadii ka soo baxay DAAWO

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Galabta la soo Gabo Gabeeyay Shir ay Lahaayeen Beelaha Koonfurta Hargaysa iyo Galbeedka Magaalada Burco Kaas oo Laga soo Saaray Go’aano. Warsaxaafadeed ka soo baxay shirwaynihii midaynta iyo horumarinta beel waynat garxajis ee tolwanaaje 1 maalmihii sabtidii iyo axadii ee bisha ogost ahayd 13 iyo 14 2016 waxa ku qabsoomay…

Read More

Somaliland: Xukuummada Somaliland oo Markii u horeysay Joojisay Bandhig Faneed lagu qabanayay Magaalada Hargeysa & Fannaanadii 1aad ee Amarkaasi Saameeyay

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliiska Somaliland oo amar ka haysta wasaarada diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa habeenkii xalley hor istaagay bandhig faneed ay fanaanada reer Puntland ee Nasteexo Indho ku  qabanaysay Magaalada Hargeysa. Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo adeegsanaysa Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa sheegay inaanay xukuummada Somaliland ogoleyn bandhiga Fanaanadani ay ku qabanaysay Huteel…

Read More

Wada hadalka Xukuumadda Iyo Khaatumo Jawaabta Cali Guray ee Madaxweyne Gaaska Punt land

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):-  Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa sheegay in Kooxda Khaatumo ee Prof Galaydh Hogaaminayo iyo Somalia aanay Waxba isugu Hadhin. Waxaa kale oo Cali Guray ka Jawaab celiyey Weedho Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land Ku Duray Wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo. Cali…

Read More

“Cali Khaliif, Riyadii Siyaad Barre Ka Quusay!” Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- “Qof kasta oo reer Somaliland ah, urur ha ahaado ama state ha sheegtee, wax tabanaya, wax ka maqan yahayna in laysku taagoo la waraysto waa waajib danta dalka ah” Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo soo dhaweeyay go’aankii ay Somaliland kaga mid noqdeen hoggaamiyihii ururka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo ciidankiisii https://www.youtube.com/watch?v=dAZ4q3Bnt0w

Read More

Hirdanka Ka Dhex Aloosan Siyaasiyiinta Reer Sool, Cali Sandule Iyo Baashaha Biyaha Oo Fiintu Dhex Miranayso Iyo Kulamo Lagu Heshiisiinayay Oo Lagu Kala Kacay + Saamaynta Cali Khaliif

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool ee Bariga Somaliland ee Xilalka kahaya Xukuumadda Madaxweyne Siilaayo ayaa si weyn ugu xafiiltamaya Sheegashada Soo Xero galinta Hogaamiyihii Kooxdii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Hanashada kalsoonida Beelaha Dega Gobolka Sool oo hadda u muuqda inay Aqlabiyadoodu u soo faruurmayso Dhinacan Somaliland, maadaama oo dhawr…

Read More

Cafis u Fidinta Madaxweyne Siilaanyo ee Siyaasiyiinta Masiirka Qaranka ka Hor Yimid Waa Tusbax Furmay DAAWO

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa Shaacisay Maalintii Shalay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Cafis Buuxa u fidiyey Siyaasiyiinta Dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda ee ka qayb qaatay Hanaanka doorashooyinka Somaliland. Madaxwayne Siilaanyo, waxaa uu sheegay in dadka aan awoodin inay Hargeysa kusoo noqdaan ay caawin doonaan sidii ay markale ugu…

Read More

Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye oo ka Hadlay Shirka Madasha Wadatashiga ee Dawlada Federaalka Somaliya uga Socday Muqdisho DAAWO

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Madaxwayne ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shirka madasha wadatashiga ee maamulka Goboleedyada Somaliya uga Socday Magaalada Muqdisho. Musharax Muuse Biixi waxaa uu sheegay inaanay jirin midow ay mar dambe iskugu imanayaan Somaliya iyo Somaliland, balse loo baahanyahay sidii loo noqon lahaa laba dalka…

Read More

Maxaa Kala Qabsaday Sheekh Umal Iyo Aqoonyahano Soomaaliiyeed Oo Diinta Faraha La Soo Galay? DAAWO

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa jawaab aad u kulul siiyay rag Aqoonyahano Soomaaliyeed ah oo ku nool gudaha dalka Mareeykanka, kuwaas oo faraha la soo galay Diinta Islaamka iyaga oon aqoon badan u laheyn . Aqoonyahanadaan Soomaaliyeed oo Profasooro u badan ayaa waxa ay carabka ku dhufteen in Mareeykanka uu naga…

Read More

Qabsoomidii Shalay ee Shirka Tol Wanaaje ee Beelaha Garxajis Iyo Weedhihii laga Jeediyey

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Shalay Magaalada Hargaysa ka furmay Shir ay isugu Yimaadeen Qaar ka mid ah Haldoorka Beesha degta Koonfurta Magaalada Hargaysa Iyo Galbeedka Magaalada Burco. Waxaa shirkan beelaha garxajis ee hargeysa ka furmay gaar ahaana hoteelka maroodi jeex looguna magac daray tol wanaaje kasoo qeyb galay in kabadan 250 ergo oo ka…

Read More

Doorashada Soomaaliya malaga bad baadin doonaa eeddii uu 2012 soo jeediyay Prof. Samatar ee ahayd “ii dhiib aan kuu dhiibee”

Muqdisho 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa la filayaa muddo dhow kadib in dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho madaxtinimo oo ay u sharaxan yihiin illaa haatan musharixiin gaaraya 10. Waxaa jira rag cad cad oo la is oran karo waxay noqon karaan madaxtinimada iyo kuwo kale oo aan rajo muuqata lahayn, balse doonaya in magocoodu soo muuqdo maalinta…

Read More

Qaybta 1aad Ee Barmaamij Gaar ah oo laga Diyaariyaay shaqaaqadii deegaanka bacaha DAAWO

Ceerigaabo 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxay dhawaan Deegaanka Bacaha ee Gobolka Sanaag Shaqaaqo Gacan ka hadal ahi ku dhex martay Laba beelood oo deegaankaasi wada dega, Wefti ka socda Xukuumadda oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Warancade ayaa Deegaankaasi u tegay sidii ay Xal waara uga gaadhi lahaayeen Shaqaaqadaas. https://www.youtube.com/watch?v=B4W-yDBrvXU&feature=youtu.be

Read More

Dadkii Doonayey Inay Dunnida Rikoodh Cusub u dhigaan ee Geeriyooday DAAWO

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Janaasadu mararka qaarkood waxay noqotaa mid uu qofku doorto isagoo laakiin uga dan leh inuu qayb noloshiisa ah ka dhigto ama ku horumariyo iyadoo dadka caadiga ahi isu bedelaan xidigo ay bulshooyinku taariikhdooda kala dhaxlaan kuwaas oo mid ka mid ahina gaadho hadafkiisa mid kalena uu masiirkiisu ku dambeeyo murogo xanuun…

Read More