Webmaster

Dawlada Qatar oo Tababar siisay Dublamaasiyiin ka Socday Somalia & Culuunta Lagu Tababaray DAAWO

Doha 15. October 2017 (SDN/QJ):- Diblumaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya ayaa Tababar loogu soo xidhay magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qadar, Waxayna intii uu Tababarku u socday ka Faa’iidaysteen Casharo kala duwan oo la Xidhiidha Siyaasadda Arimaha debeda iyo sida Dalalka Horumaray ay u Maareeyaan. Tababarkan ayaa sidoo kale waxaa ka Faa’iidaystay Diblumaasiyiin ka socday…

Read More

Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo amartay inaan Xildhibaan Axmed Nacnac aanu soo Geli Karin kadib markii uu ka baxay Xisbiga Kulmiye

Hargaysa 15. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay in laga mamnuucay in uu gudaha u galo Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ka dib markii Khamiistii uu ku dhawaaqey in uu ka baxay xisbiga Kulmiye kuna biiray Waddani . Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in go,aankan lagu war galiyey ciidamada amaanka ee ilaaliya madaxtooyada oo…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ka Hadlay  Qoxoonti ka Yimid  Yemen oo Laga Celiyay  Berbera

Berbera 15. October 2017 (SDN/QJ):- Shan qof oo qoxoonti u dhashay dalka Yemen ayaa doraad dib loogu celiyay markabkii ay saarnaayeen oo ku soo xidhay dekedda Berbera, kuwaasoo weli ku xaniban markabka dushiisa.Kuwaas iskugu jiray dhallinyaro iyo caruur ay diiftii qoxoontinimadu ka muuqatay. Sababta loo celiyay shantan qof ayaa badhsaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, …

Read More

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha oo Qaramada Midoobay u soo Jeedisay Inay Ciidamo gayso Gobolka Rokhina ee Muslimiinta Myanmar

New York 15. October 2017 (SDN/QJ):- Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee (Human Rights Watch) Mr: Robet Kolfil, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro gobolka Rakhiin ee dalka Mayarmar si nabad galyada loo soo celiyo. Mr: Robet Kolfil waxa uu intaasi ku daray in ay…

Read More

Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya oo ku adkaystay inuu ka hadhayo Tartanka Doorashadda ee Dabayaaqada Bishan dhici doona

London 15. October 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha mucaaridka Kenya ugu awood badan Mr: Rayle Odinge oo ku sugan magaaalda London ee dalka Ingiriiska, ayaa mar kale difaacay go’aankiisa uu kaga baxay tartanka doorashada madaxtinimo ee loo balansan yahay bishan lix iyo labaatan keeda. Mr: Rayle Odinge waxa uu sheegay in doorasho cidda ku guulaysanaysa la sii…

Read More

Sirdoonka Ruushka oo lala Xidhiidhinayo inay Xadeen Siro ku saabsan amniga Guud ee Qaranka Maraykanka!!

Washington 15. October 2017 (SDN/QJ):- Laba wargeys oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa baahiyey in sannadkii 2015 ka ay kooxo ka mid ah sirdoonka dhinaca internet ka ee dalka Ruushku ay xadeen siro culus oo ku kaydsanaa kombiyuutarrada aadka loo ilaaliyo ee wakaaladda maniga Qaranka Maraykanka. Wargeyska Wall Street Journal ayaa isaga oo soo…

Read More

Wuxuu Xaaskiisa ka Badbaadiyey Xasuuqii ka Dhacay Las Vegas Hasa yeeshee Isagii ayaa Ku Naf waayay!!

Las Vegas 15. October 2017 (SDN/QJ):- Arbacadii toddobaadkii hore waxaa talefishanka Maraykanka ee NBC u warrantay Haydar Golish oo ah haweenay uu qabay nin ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii dhowaan uu ninka hubaysani dadka badan ku laayey magaalada Laasfeegaas ee dalka Maraykanka. Haydar inta ay warramaysay marar badan ilmada ayaa ay xejin kari…

Read More

Gabadh Geeriyootay Kadib markii ay Shaqaysay 159 Saacadood oo Dheeraad ku ah Saacadihii Shaqada

Japan 15. October 2017 (SDN/QJ):- Saxafiyad u dhalatay dalka Jabbaan oo 31 jir ahayd ayaa afar sano ka hor u dhimatay sababo aan markaas dabiici loo qaatay, laakiin dhowaan ehelkeeda iyo duniduba ogaadeen in sababta dhimashadeedu ay la xidhiidho shaqadeeda warfidiyeennimo, oo ay kala kulantay culays badan oo shaqo. Gabadhan ayaa la ogaaday in bishii u…

Read More

Madaxweyne Adduunka Caan ka ah oo Jaggo  Eedadii Haysay  Ku Bedelay Walaashii!!

Byonyang 15. October 2017 (SDN/QJ):- Mid kamid ah madaxweyneyaasha waqtigan caalamka caanka ka ah ayaa eedadii oo kamid ahayd xubnaha sar sare ee xukuumada wadankiisa ku bedelay walaashii, isaga oo xilkaasi ka qaaday eedadii. Madaxweynaah Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un ayaa walaashii oo lagu magcaabo Kim Yo Jong  u dalacsiiyey una magcaabay xubin kamid ah …

Read More

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka digay saldhiga Turkiga uu ka dhisanayo Soomaaliya

Hargaysa 14. October 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay saldhiga Militari ee Turkigu ka dhistay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya, waxaanay sheegay in saldhigaasi khatar ku yahay geeska afrika. Faysal Cali Waraabe ayaa sidaas ka sheegay mar uu maanta ka soo degay madaarka Hargeysa, isagoo ka soo laabtay safar…

Read More

Dad 30 Ka badan oo Ku Dhintay iyo illaa Boqol Qof oo Ku Dhaawacmay Qaraxyo Muqdisho Gilgilay – Warbixin

Muqdisho 14. October 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan 30 Ruux, ayaa lagu soo warramayaa inay ku nafwaayeen oo ku dhinteen laba Qarax oo ka dhacay Galabta Muqdisho, halka ay Dad Tiradooda lagu sheegay illaa Boqol Ruux oo kale lagu soo warramayo inay ku dhaawacmeen Tiro badan oo kalena ku dhaawacmeen. Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda…

Read More

Masuuliyiin, Xildhibaano & Odayaal dhimasho & dhaawac uu ka soo gaadhay Qaraxii Zoope ee Magaaladda Muqdisho (Akhriso Magacyadooda)

Muqdisho 14. October 2017 (SDN/QJ):-Waxaa weli isa soo taraya faahfaahinta ku saabsan qaraxii weynaa ee maanta ka dhacay isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho kaasoo galaaftay nolosha dad badan, halka qaar kale oo ka sii badana ay isbitaalada caawa ugu hoyanayaan dhaawacyo kala duwan. Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somalia ayaa ku naf waayey qaraxaas, waxaana ka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo magacaabay Guddiga Dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Dawlada Somalia

Muqdisho 14. October 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare k/xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxana ay isugu jiraan shan (5) Wasiir iyo shan (5) xubnood oo ka imaanaya ururrada…

Read More

Qaraxii ugu Xooga weynaa oo Galabta ka Dhacay Isgoyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho & Khasaaraha oo Marba Marka Xiga sii Kordhaya!!

Muqdisho 14. October 2017 (SDN/QJ):-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta. Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku geedaameen isgoyska iyo dhismayaasha ka ag…

Read More

Garabka Raadinta Guusha Qaranka ee ay ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan leh oo la Midoobay xisbiga KULMIYE SAWIRO

Hargaysa 14. October 2017 (SDN/QJ):-Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiin miisaan leh oo ku bahoobay Garabka Raadinta Guusha Qaranka oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin miisaan leh oo kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee UCID. Munaasibad si heersare ah loo agaasimay oo maanta lagu soo dhaweeyey siyaasiyiinta, kana qaybgaleen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Daboolka Ka Qaaday inay Joojisay Gebi ahaanba Jaadkii laga Keeni Jiray Dalka Yemen Baqdin laga qabo Cudurka Kalooraha awgeed DAAWO

Hargaysa 14. October 2017 (SDN/QJ):-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta Shaacisay inay Gebi ahaanba dalka Somaliland aan la Keeni Karin Jaadka Laga Keeno Dalka Marin Biyoodku inoo dhexeeyo ee Yemen oo uu Ka Jiro Cudurka Halista ah ee Daacuunka oo ay u dhinteen dad aad u tiro badan.

Read More

Murashax C.raxmaan Cirro iyo Nuxurka Su’aalo Laga Weydiiyey Qodobo ay Shacabka Somaliland Khaati ka Istaageen Todobadii Sanno ee Xil Haynta Xukuumadda Kulmiye!!

Hargaysa 14. October 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shacabka Somaliland u balan qaaday inaanay qoyskiisu wax saamayn ah ku yeelan doonin talada iyo nidaamka dawladnimo ee wadanka, haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee November qabsoomaysa. Md. Cirro, oo toddobaadkan ay koox suxufiyiin ahi su’aalo ku weydiiyeen magaalada…

Read More

”Qaran kuma dhismo qoys iyo laba qoys oo xuluafo noqda ama jeegaan noqda” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland

Hargaysa 14. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si sarbeeb ah uga jawaabay hadal ay dhawaan Burco kaga dhawaaqeen laba Suldaan oo ay bulsho badani u aragtay mid taladii Somaliland ku soo koobaya laba beelood oo ka mid ah beelaha Somaliland. Wasiir Xaashi oo hadal ka jeediyay munaasibad gaadhi Ambalaas ah lagu wareejinayay…

Read More