Webmaster

Muqdisho: Wiil Indho Iyo Gacmo La’a Oo Fariimaha Telefoonkiisa Ku Dira Dibnihiisa DAAWO

Muqdisho 10.April 2016 (SDN/QJ): – Cali Aadan oo ka mid ah dhalinyaradda ku nool Muqdisho oo walxaha qarxaa ka naafeeyeen indha iyo gacmaha, ayaa la soo baxay farsamo cajiib ah oo telefoonkiisa gacanta uu ku qora dabnihiisa fariimaha iyo garaacida dadka uu doonayo inuu marka la hadlo. Cali Aadan ayaa ah Aabo leh Afar carruura…

Read More

Gudoomiye Cali guray oo waxba Kama Jiran ku tilmaamay xubno sheegtay inay yihiin anshaxmarin, sharaxayna siffooyinka xilka lagaga qaadi karo

Hargaysa 10.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa ka fal celiyey qoraal ay Shalay soo Saareen Gudida Anshaxa ee Xisbiga Ucid isla markaana ay ku sheegeen inay ku anshax mariyeen Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad oo uu waayay Xilkii iyo Xubin-nimadii Xisbiga Ucid. Qoraalka Cali ayaa u…

Read More

“Faysal oo masuul qaran ah iyo mid kale toona, caafimaadkiisa inaan wax ka sheego marna igama suurawdo,” Dr Gaboose

Hargeysa 10.April 2016 (SDN/QJ): -Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo la hadlay wargeyska Ogaal shalay galab ayaa si wayn u beeniyay war lagu sheegay in laga soo xigtay isaga oo baraha bulshada ee internetka qaarkood la soo geliyay,  una dhacayay in Dr Gaboose wax ka sheegay caafimaadka Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, kaasoo Digtoorku ku…

Read More

“Dawlada Somaliland ayaa ka gaabisay Durmaanka uu Ismaaciil Cumar Geele Tumayo” Xildhibaan Cali Aareeye

Hargeysa, 10,April,2016(SDN/QJ):-Xildhibaan Cali Aareeye oo ka mida mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda Gobolka Salel ayaa sheegay in dawlada somaliland ay ka gaabisay Xidhiidh wanaagsa oo ay la yeelato  dhigeeda Djabuuti.   Xildhibaanku waxaa uu sheegay in madaxwaynaha Djabuuti uu  kasoo jeedo gobolka Saylac, hooyadiina u dhalatay Gobolka Awdal, gabadhiisuna kasoo jeedo magaalada Hargeysa…

Read More

Waddanka Sweden oo uu ka Furmay Shirweynaha Jaaliyaddaha Somaliland ee Qaaradda Yurub SAWIRO/DHAGYSO

Sweden 10.April 2016 (SDN/QJ):- Kulan balaadhan oo si weyn losoo agaasimey ayaa ka kadhacay barlamanka Wadanka sweden kulankaas oo uu soo qaban qaabiyey xildhibaan Amir Aden iyo Somalilandriskaförbund ayaa waxaa kasoo qayb galey Guddomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Eng Faisal Ali Warabe, Pro Axmed Isamail Samatar Pro Jamac Muse Jamac Dr Axmed oo ka yimi Somaliland…

Read More

Kastamka Madaarka Hargeysa Oo Mukhallas Ay Shaqada Ka Joojiyeen Ku Xidhiidhiyey Been Abuur Laga Baahiyey Maamulaha Kastamka Iyo Taliyaha Turbataariyada AKHRI

Hargaysa 10.April 2016 (SDN/QJ):- Nuqullo kamid ah waraaqo isugu jira digniin iyo shaqo ka joojin uu maamulka kastamka madaarka Hargeysi ku sameeyey Muwaadin Mustafe Cabdillaahi Yaasiin oo ahaa Mukhallas ka shaqeeya kastamka madaarka kaasi oo masuuliyiinta turbataariyada madaarka iyo kastamka madaarku ku eedeeyeen in uu warbaahinta maxalliga ah ku fidiyey dacaayo meel ka dhac ku…

Read More

“Heshiiskii aynu la galnay Itoobiya, wuxuu keenayaa Tartarnka aynu kula jirno Dekeddaha” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Berbera 10.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti wasiirro ah oo uu hogaaminayo ayaa booqday dhismaha mashruuca dib u ballaadhinta dekeda Berbera ee Wajaale Terminal Berbera Port. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu socdaalkiisa ku weheliyo wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo…

Read More

Gaadiidka Dawladda Iyo Shidaalka Lagu Shubo Oo Masuuliyiinta Ku Magacaabani U Isticmaalaan Danahooda Gaarka Ah

Hargeysa 10.April 2016 (SDN/QJ): – Gaadiidka dawladda ay ku xidhan yihiin taariikada Doogada ahi, ayaa   noqday qaar loo adeegsado dano gaar ah, iyadoo intooda badanina dayac u yaalliin goobaha geerashyada iyo waliba dariiqyada magaalooyinka dalka dhexdiisa. Sida  lagu helay daba-gal arrintan uu ku sameeyey wariye katirsan wargeyska Hubaal, waxa gebi ahaanba meesha laga saaray ujeeddadii…

Read More

Jamaal Cali Xuseen Oo Hanjabad U Diray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbiga Kulmiye

Hargeysa 10.April 2016 (SDN/QJ): -Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in cida ay gacantiisa ay ku baxayso xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye yahay isaga, islamarkaana wuxuu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka gudubtay khadkii casaa, isla markaana shacabka ugu baaqay inay foojignaadan. Jamaal Cali Xuseen Isagoo arrimaha ka hadlay…

Read More

Mucaaradka Dalka Jabuuti Oo Naqdiyay Dorashada Ka Dhacday Dalka Jabuuti Kuna Eedayay Madaxwayne Geele Inu Kali Ku Ahaa Dorashadaasi

Jabuti 10.April 2016 (SDN/QJ): -Aqoonyanada Ka Falooda Siyaasadda Africa Iyo Waxgaradka Somalida Iyo Xisbiyada Mucaradka Ee Dalka Jabuuti Oo Naqdiyay Doorashada Ka Dhacay doraad dalka Jabuuti. Habeen hore Ayay Ahayd Markii Lagu Dhawaaqay Natiidada Doorashada Madaxtinimada Jabuuti Ee Lasheegay Inuu Mar Afaraad Ku Guulaysatay Madaxwayne Geele Oo Isagu Is Doortay.   Hayada Xaququl Insaanka Uu…

Read More

Madaxwaynaha Somaliya oo ka hadlay Doorashada Djabuuti ee uu ku Guuleystay Mudane Geele

Muqdisho 9,April,2016(SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , ayaa Maanta u Hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle doorashadii markii Afraad loo doortay xilka Madaxweynenimo ee Dalkaas, kaddib doorashadii madaxweynaha ee shalay ka dhacday. Xasan Sheekh, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku yidhi. “Madaxweyne Geelle waxaan kuugu Hambalyeynayaa guusha weyn ee aad kasoo hoysay Doorashadii madaxtinimada ee shalay…

Read More

Gudida Anshaxa ee Xisbiga Ucid oo ku dhawaaqay inuu Cali Guray Waayay Xubinimadii Xisbigaas iyo Kala Dhantaalnaanta Qoraalkooda AKHRI

Hargaysa 09.April 2016 (SDN/QJ):- Gudida Anshaxa ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Sheegay in  ay Maanta Go’aamiyeen inuu Xubin-nimadii Xisbigaasi waayay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo ay Sheegeen inay Hore u siiyeen Digniin kama danbays ah. War qoraal ah oo uu ku Saxeexan yahay Gudoomiyaha…

Read More

Daawo Hablaha Guban iyo Xeeb ee Reer Uk oo Casho sharaf ku Maamusay Maamulaha Madaarka Hargeysa

London09April16(SDN/QJ) Xaflad aad iyo aad u qima badan oo kulmisay dhamaan bulshada reer Uk ku dhaqan oo ay soo qaban qabiiyeen Habalaha Guban iyo Xeeb o  lagu soo dhawaynayey Maamulaha Madarka Hargaysa Mudane Maxamed Yusuf ayaa waxa ka dhacday Galbeedka London,Xafladan oo ka soo qayb galeen Fanaaninta reer Uk Odayaal dhaqameed iyo La taliyaha madaxwaynaha…

Read More

Heshiiskii Lagu Saxeexay Garoowe Oo Galaaftay Rejadii Uu Cali Khaliif Ka Qabay Xasan Sheekh+ Prof Galaydh oo Xidhiidhka u Jaray Somalia DAAWO

Buuhoodle, 08.April 2016 (SDN/QJ):- Kooxda la baxday Khaatumo ee ka dhaqdhaqaaqa Deegaannada Buuhoodle iyo Sool, ayaa sheegay inay jareen Xidhiidh ka dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu saameyn culus ku yeeshay heshiiskii ay Xukuumadda Somalia iyo maamulka Puntland ay dhawaan ku kala saxeexdeen magaalada Garoowe. Kulan Kooxda Khaatumo ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, ayay kaga…

Read More

Wasiiradda Dawlada Federaalka Somalia oo Waraystay Weftigii Odayaasha ahaa ee Gurmadka Abaaraha u Yimid Somaliland DAAWO

Muqdisho 08.April 2016 (SDN/QJ):- Wefti ka socday dalka Somalia ayaa Maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Magaalooyin ka tirsan Somaliland iyadoo Ujeedada Socdaalkoodu uu salka ku hayay Kaalmo dhaqaale oo ay kaga qayb qaadanayeen Gurmadka iyo Samato bixinta dadka abaaraha Somaliland ka Taagan ku Tabaaloobay. Weftigan ayaa dib ugu laabtay Magaaladda Muqdisho ee ay ka yimaadeen…

Read More

Hargaysa oo Lagu Qabtay Xus la Xidhiidha Sannad Guuradii Labaad ee Ka Soo Wareegtay Markii Xukuumadu Albaabada u Xidhay Xaruntii Wargayska Haatuf iyo Nuxurka Khudbadihii laga Jeediyey DAAWO

Hargaysa 08.April 2016 (SDN/QJ):- Munaasibad lagu xusayey sanad-guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay maalintii sida sharci-darada ay xukuumadda Siilaanyo albaabada ugu laabtay xaruntii guud ee Haatuf Media Network ayaa lagu qabtay hotelka Xaraf ee magaaladda Hargeysa. Munaasibad oo ay kasoo qaybgaleen siyaasiyiin ka kala socday axsaabta mucaaridka, ururadda bulshadda sida kuwa ururada saxaafadda iyo xuquuqal-iinsaanka ee…

Read More

Saaka oo dalka Jabuuti looga Dareerayo Doorasho Natiijadeeda la sii hayo Iyo Qaar ka mid ah Muwaadiniinta Jabuuti ee Gobolka Awdal oo loo Daad Gureeyay dhanka Jabuuti DAAWO.

Jabuti 08.April 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Saaka Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti looga dareerayaa doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi kadib dhawr Cisho oo Olole Xoogani uu ka socday Guud ahaan dalka Jabuuti. Doorashada waxaa ku tartamaya lix musharax, kuwaasi oo ku loolamaya inay ku guuleystaan kursiga madaxtooyada Djabuuti. Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka mida Musharaxiinta ku tartamaya…

Read More