Webmaster

    Musharraxa Madaxweynaha UCID Oo Meel Isugu Keenay Madaxdhaqameedka Beeshiisa Iyo Qoddobo Garnaqsi Huwan Oo Uu Ku Baaqay In Lagu Lagu Wajaho Tabashadiisa

    Hargaysa 04.Dec 2015 (SDN/QJ):- Musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga Caddaalada iyo daryeelka(UCID) Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa Kulan albaabadu u xidhnaayeen Magaalada Hargeysa kula yeeshay Qaar kamid ah Madax-dhaqameed beelaha subeer Awal, waxana uu odayaasha u bandhigay Baahida loo qabo inay qayb ka noqdaan dhibaato uu sheegay inuu Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali-waraabe ku Hayo musharraxnimadiisa. Xubnaha…

    Read More

      Wasaarad Shaacisay inay hirgelinayso Qorshe ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo Caqabad ay sheegtay inay hor-taagan tahay

      Hargaysa 04.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasaarad ka tirsan Wasaaradaha dawladda Somaliland, ayaa la sheegay inay qorshayanayaan fulinta tallaabo ka soo horjeedda Diinta Islaamka, oo ah sidii gebi ahaanba looga joojin lahaa Somaliland gudniinka Hablaha, balse waxay intaas ku dartay inay jirto Hay’ad dawladeed oo diiddan tallaabadaas. Sida lagu baahiyey Warbixin laga diyaariyey saamaynta Gudniinka Fircoonigu ku leeyahay…

      Read More

        “Reer Gabilay Haddii Ay Kab Iyo Ey Nagu Salaameen,WADDANI Karaamo Iyo Ehelnimo Ayay Ku Salaamayaan” Muj. Cabdisalaam Yaasiin

        Hargaysa 04.Dec 2015 (SDN/QJ):- Waxay shalay iyo doraad You Tube ka la soo geliyay laba war oo ku saabsan dhalinyaro reer Gabilay ah oo wafdi xisbiga Waddani ka socda kala hor yimi mudaaharaad; kuna salaamay kabo iyo ey ay calanka Xisbiga Waddani u xidheen. Waxay dhalinyaradu salaantaa anshax iyo ehelnimada ka baxsan raaciyeen oo ku…

        Read More

          Madaxweyne Ku Xigeenkii 2aad ee S.land Yeelato Muj. C.raxmaan Aw Cali oo Is barbar dhigay Khilaafkii Kulmiye ee 2008 iyo Kii Sannadkan Iyo Dhaliisha Xisbiyadda uu u Hayo

          “Anigu xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahaan jiray, malaha waa markii u horaysay een ka hadlaye Burco plaza kala jabkii nagu dhacay iyo doorasho xumadii lagu kala dhaqaaqay,haddana tii oo kale halkan ka dhacday  Waa nasiib darro, waa Jug-jug meeshaada joog,”  “Maaha kaliya Ucid, Kulmiye shalay ayuu ku kala dhaqaaqay hotelka ay shirka ku qabsanayeen,…

          Read More

            Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir oo ka waramay nabadeynta Gobollada Bari ee Somaliland, Fariina u Diray Prof Galaydh DAAWO

            Hargeysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee nabadeynta Gobollada Bari Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, oo uu dhalay mid kamida hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee ugu caansan gobollada SSC, ayaa ka war bixiyey halka ay marayan howlaha nabaddeynta Gobollada uu ka soo jeedo ee SSC, isla markaana uu madaxweynaha la-taliyaha uga yahay. Eng. Garaad Cabdinaasir oo…

            Read More

              “Waxbarashadii waxa cidhiidh galiyay 19 Hay’adood Ayaa Ku Xidhiidhsan Waxbarashada, Haddana Wax Muuqdaa Ma Jiraan” Wasiirka Waxbarashadda Somaliladn

              Hargeysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa sheegay in waxbarashada ay cidhiidhi geliyeen hay’addo iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay oo mid kasta man-haj shisheeye sito. Wasiir Habbene oo ka hadlay kulan lagaga hadlaayey qorshaha jaamacadaha ee shanta sanno ee soo socota, ayaa tilmaamay in aanay jirin dawlad awood leh oo cilmi-baadhis…

              Read More

                Maamulka Telefishanka Bulsho Tv oo Xisbiga Waddani ka raaligeliyey War Sheegayay in Dhallinyaro Reer Gebilay ahi ay Ku Mudaharaadeen,Calanka Xisbigaasna Ey Loo Xidhay+ Dhallinyaro Cadeeyey inay Falkaas ka Danbeeyeen DAAWO

                Hargeysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Televisionka bulsho oo xisbiga wadani iyo dadwaynaha Reer Gabiley ka raaligeliyeen War Been Abuur ahaa oo Habeen Hore Bulsho Tv  laga Baahiyay,Kaas oo Sidoo kalena lagu faafiyey Baraha Xidhiidhka Bulshada,kaas oo ku saabsanaa Madax ka Tirsan Xisbiga Waddani oo dhallinyaro Magaaladaasi ku nooli ku Mudaharaadeen Xili ay hawlo shaqo u…

                Read More

                  Nairobi: Firkanaxii Ardayda Iyo Fashilaadda Hawlgalkii Hubinta Feejignaanta

                  Nairobi, 03 December, 2015-(SDN/QJ):- Barnaamij dawladda kenya ugu talagashay in lagu ogaado feejignaanta ardayda iyo  hababka ay isku difaaci karraan haddiiba ay dhacdo in Alshabaab soo weerarto goob waxbarasho, ayaa tijabadiisii u horaysay sababtay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ardayda Jaamacadda Strathmore ee magaaladda Nairobi ay ka diddeen niman u soo lebistay sida Alshabaab oo…

                  Read More

                    Sheekh Dirir oo Dhinac isaga Leexiyay Nin Ku eedaysan inuu Guurka & Fasaqa ku fulin jiray Kaas oo sheegtay Inuu Wakiil u Yahay Sheekha

                    Hargaysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay inaanu la kulmin, wejigiisana arkin Nin la sheegay inuu xilligan ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Booliiska magaalda Hargeysa oo ku eedeysan inuu Meherka iyo Fasaqaadda Dumarka fulin jiray, isagoo sheeganaya inuu yahay Wakiilka Sheekh Dirir. Ninkan oo Ciidamada Booliisku ka qabteen magaalada Hargeysa…

                    Read More

                      Shacabka Magaalada Burco oo werwer ka muujiyey caqabado golaha deegaanka, dhalinyarada ilaaliya xaafadaha ka haysta

                      Burco, 03 December, 2015-(SDN/QJ):- Xog-uruurin Hay’ad caalami ahi ka  samaysay degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa lagu ogaaday caqabado dhinacyo kala duwan ah oo ka jira, oo wax-ka-qabashadoodu u baahan tahay inay u hawlgalaan dhinacyada ay khusayso ee Baarlamaanka, Xukuumadda Somaliland iyo Golaha deegaanka Burco.   Xog-uruurintan oo ku saabsanayd xallinta khilaafaadka iyo qiimaynta…

                      Read More

                        Warbixin “Dagaaladii Puntland iyo Galmudug ee Gaalkacyo Waxay Ka Barakiciyeen Shacab Gaadhaya 40 Kun oo Qoys”

                        New York 03.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabbilsan isku-xidhka arrimaha gargaarka ee OCHA, ayaa shaacisay in dagaallada u dhexeeya Ciidammada Maamullada Puntland iyo Galmudug magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ka barakiciyeen Guryahoodii Shacab lagu qiyaasay illaa afartan kun oo qoys. Hay’adda OCHA oo Warbixintan soo saartay, ayaa sheegtay inay xogtan ka heleen Ururrada…

                        Read More

                          Boorama oo Dadwaynaha ku dhaqani Ka Cabanaya Dhibaatada Ay Eeydu Ku Hayaan DAAWO

                          Boorama 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Bulshada ku Nool Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama ayaa Cabasho weyn ka Muujiyey Korodhka Ey Tiro badan oo ku nool Magaaladaasi,Taas oo Saamayn Caafimaad mararka qaar Sababi karta. Qaar ka Mid ah haweenka ku dhaqan Magaaladaasi ayaa ka dalbaday Maamulka Magalada Boorama inay Xil iska saaraan Sidii Xayawaanka Eyda ah…

                          Read More

                            Maxaa kusoo kordhay Ciidamadii iyo Diyaaradihii ay Kenya soo dhoobtay Xadka Somalia ?

                            Nairobi, 03 December, 2015-(SDN/QJ):-Ciidamadii ay Dowlada Kenya gudaha asbuucaani geysay xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya ayaa  bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kawadaan xadka. Ciidamadaani oo bilowga asbuucaani Xadka la imaaday ilaa Afar diyaarad nooca dagaalka ah ayaa waxa ay hada lasoo hareen Laba diyaarad nooca Helikobterka loo yaqaan. Ciidamo dhan 180 oo bilowga asbuucaani…

                            Read More

                              Safiirka Somaliland Ee Itoobiya Oo Ka Jawaabay Eedo La Xidhiidha Musuq Maasuq Lagu sameeyay Deeqo Waxbarasho DAAWO

                              Addis Ababa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin eedaymo ka soo yeedhay dugsiyada sare ee Dayib guray iyo Quule Aadan ee Hargeysa, kuwaasi oo dhawaan sheegay in deeqdii waxbarasho ee ay ka heleen Ethiopia la musuqmaasuqay. Danjire Galaal ayaa sidoo kale…

                              Read More

                                Baahin Cusub oo Idaacadda VOA oo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Joojisay Iyo Jebitaanka Heshiis ay hore u wada Galeen DAAWO

                                Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Sheegay in Idaacadda VOA ay Jebisay Heshiiskii ay la Gashay Wasaaradda Warfaafinta. Hadalka Wasiir Cukuse ayaa ka danbeeyay Kadib Markii Idaacadda VOA Laanteeda Afka Somaligu ay Maalintii Shalay Bilowday Baahin Cusub oo Soo Gashay Saacada Bariga Africa Markii ay…

                                Read More

                                  Madaxweynaha Somaliland oo oo La Xisaabtamay Hogaanka Sarre ee Wasaaradda Warfaafinta DAAWO

                                  Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta Kulan Xog waraysi ah Waxa uu kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyadda Madaxda Sare ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland. Kulankan uu Madaxweye Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo la Yeeshay Madaxdda Wasaaradda Warfaafinta ayaa Salka ku haya Warbixin ay Gudidda Ilaalinta iyo Daba galka Hantida…

                                  Read More

                                    Dhaqan Yaab Leh Oo Koox Abaabulani Kala Hortageen Masuuliyiin Ka Tirsan WADDANI Iyo Sunnaha Foosha Xun Ee Ka Dhalan Kara DAAWO

                                    Gebiley 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Waxa kamaradaha ka soo baxay koox dhalinyarro ah oo si abaabulan kabo ugu taagay masuuliyiin ka socday xisbiga WADDANI oo socdaal ay xafiis ku furanayeen ku tagay magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, balse wadada dhinaceeda loogu diyaariyay dad calanka xisbiga WADDANI ugu jeeni qaaray ey, isla markaana kabo u taagay…

                                    Read More

                                      “Jariiradaasi Way Xidhantay Dadkii Lahaana Maaha, Iyaguna Maxkamadda Ayay Iska Difaaci” Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

                                      Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Mr. Xasan Axmed Aadan, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhig loo gaystay wariyayaal ka hawl-gala magaalada hargaysa, kuwaasi oo la sheegay in ay u xidhan yihiin xeer ilaalinta qaranka. Saxafiyiintan oo kala ah Cabdirashiid Nuur Wacays Iyo Siciid Khadar Cabdilaahi ayaa xeer-ilaaliyuhu sheegay inay xidheen, ka dib…

                                      Read More

                                        Xukuumadda Siilaanyo oo Ku Hawlan inay Xiddidada u Siibto Gudoomiye Baashe iyo Cali Yuusuf Iyo Gudoomiye Cirro oo Xeelad Dublamaasiyadeed Ciyaaray

                                        Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland qorshaysay in golaha wakiiladu xil ka qaadis ku sameeyo labada guddoomiye xigeen ee golahaas Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, oo ah laba xildhibaan oo ka soo jeeda KULMIYE balse ay madaxtooyada isku seegeen qaabkii loo maamulay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE…

                                        Read More

                                          Tobanka Madaxweyne ee Dalalka Africa ee Ugu da’ Weyn Iyo Kaalinta Madaxweyne Siilaanyo kaga Jiro

                                          Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Toddobaadkan waxa ay qaar ka mid ah warbaahinta qaaradda Afrika baahisay magacyada 10-ka madaxweyne ee ugu da’ weyn qaaradda Afrika ee haddana hoggaaminta dalalkooda weli haya. Madaxweynayaasha Afrika ee talada haya, haba u kala hayaan doorasho ay ku yimaadeen iyo inqilaab ay ku yimaadeene, waxa ugu da’ weyn Madaxweynaha wadanka Zimbabwe oo…

                                          Read More