Webmaster

    Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlay khilaafka Xisbiyada Qaranka iyo Wakhtiga uu Xilka Guddoomiye Banaynayo DAAWO

    Hargaysa, 06.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii u horaysay ka hadlay khilaafka xisbiyada qaranka. Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxaa uu ku dooday inaanay jirin khilaaf wayn oo xisbiyada soo kala dhex galay islamarkaana kala qaybiya ama ay ku burburaan xisbiyadu. “Xisbigii (KULMIYE) waxaa uu doortay candidate (Musharaxiin) markaa…

    Read More

      Jewigii Xalay ay Gaalkacayo ku Seexatay Kadib Dhawr Maalmood oo ay Ku Waa Bariisteen Dhawaqa Hubka Noocyadiisa Kala Duwan.

      Gaalkacayo 06.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xili maalmahaani ay qasneyd xaalada gaalkacyo ayaa waxaa durbadiiba Shalay Galab magaalada laga dareemay jawi degan oo ifafaalo u ah heshiiskii ay maamulada Galmudug iyo Puntland ku wada gaaren Gaalkacyo.   Guud ahaan xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid xasiloon waxaana Shalay dib u furmay wadooyinkii u kala xirnaa ciidamada galmudug…

      Read More

        Ciidammada Maraykanka oo baadhaya Miino loo dhigay Weriye Hinda Max’ud oo lagu dilay Muqdisho

        Muqdisho 06.Dec 2015 (SDN/QJ):- Ciidammada Maraykanka ee jooga Soomaaliya ayaa ka qeybgelaya baadhitaanada iyo noocyada miino oo adeegsaday dil qorshaysan oo dhawr cisho ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.   Dilkaa oo ku geeryootay weriye ka shaqeyn jirtay Telefishanka Soomaaliya iyo idaacada Radio Muqdisho oo magaceeda la odhan jiray Hindiya Hajji Mohamud, ayey sheegteen Xarakada…

        Read More

          Google oo Uganda ka bilawday fidinta Internet lacag la’aan ah iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta dalkaas oo ka qayliyey

          Kampala, 06 December, 2015-(SDN/QJ):- Shirkadda xagga macluumaadka Internetka ugu horreysa caalamka ee Google, ayaa Mashruuc faa’iido weyn shacabka u leh oo ah Internatka aan lahayn xadhkaha khadka xambaara ka bilawday waddanka Yuugandha. Si aad ugu isticmaasho adeegga Google Interntka aan xadhigga lahayn ee loo yaqaanno (Wireless network), waa in Shirkadaha Isgaadhsiintu lacag bixiyaan, sida lagu…

          Read More

            Ra’iisul Wasaare Cumar “Waxaan saaka ka Quraacanay Galmudug, Maantana ka qadeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”

            Muqdisho, December 05,2015 (SDN/QJ): -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maamullada Puntland iyo Galmudug si loo dhamaystiro heshiiskii horey loo gaaray. Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland…

            Read More

              Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil oo ka hadashay Khilaafka Ucid Farriin adagna u Dirtay Mas’uuliyiintii Shirkii Kulmiye Qaadacay DAAWO

              Hargaysa 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa ka hadashay Khilaafka soo kala dhex galay Xisbiga Ucid ee u dhexeeya Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen. https://www.youtube.com/watch?v=WnAjK9a5hbY

              Read More

                Wiil uu Marxuun Cawke Dhalay oo si qiiro leh uga waramay noloshii aabanimo iyo qaabkii u koriyey DAAWO

                Hargaysa 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Sakariye Axmed Xasan Waxaa Dhalay Alle naxariistiisii Janno ha ugu deeqee Weriyihii Ruug Cadaaga ahaa ee Axmed Xasan Suufi “Axmed Cawke” oo Bishii Hore ku Geeriyooday Magaaladda Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Somalida Itoobiya Laguna Aasay Magaalo Xuduudeeda Togwajaale. Kulan Baroor diiq ah oo Lagu qabtay Magaaladda London ayaa Sakariye Axmed oo…

                Read More

                  Wasiir Xaglo Toosiye Maxaa Uu Ka Yidhi In Uu Ka Tartamayo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID? DAAWO

                  Hargaysa 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo maanta ka soo laabtay Dalka Kenya ayaa Markii u horaysay ka hadalay Warar sheegaya inuu damac kaga Jiro Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Sidii uga dhex tartami lahaa Gaar ahaan Jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka oo hada bannaan. https://www.youtube.com/watch?v=-VBd4LdNlqo

                  Read More

                    “Dhaqan-xumada iyo dhalan-darrada reer Gebilay uma ay dhalan ee waxa baday xukuumaddan abaalka daran” Boobe Yuusuf Ducaale DAAWO

                    Hargaysa 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Hadal-haynta Xisbiga WADDANI ee maalmahani waxay u badnayd Barnaamajkii Qabyada ahaa sidii loo qabyo-tiri lahaa annaga oo gude iyo dibadba ku baahinnay oo xataa Xisbiyada kale gaadhsiinnay. Madaxtooyada iyo Xarumaha Xisbiga Kulmiyena hadal-hayntooda maalmahani waxay ahayd in ay ku guulaysteen in ay ey u xidhaan calanka Xisbiga WADDANI. Intaa waxa raacayay halkudhegyadii…

                    Read More

                      Jidka Ceerigaabo Habka Dhismihiisu u Socdo Iyo Socdaalka Wasiirka Hawlaha Guud

                      Hargaysa 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamad (Cali Mareexaan), ayaa la filayaa inuu maanta socdaal ugu kicitimo dhinaca gobolka Sanaag, isla markaana waxa la sheegay inuu safarkiisu daaran yahay arrimo la xidhiidha dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco. Siday sheegeen xogo uu Wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo kala duwan, wasiirku wuxuu markii…

                      Read More

                        Madaxweynayaasha Rwanda, Brundi Iyo Jabuuti Oo Loogu Baaqay Inay Jidka U Banneeyaan Jiilasha Taladda Leh

                        London 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxda dalalka Rwanda, Brundi iyo Jabuuti ayaa lagu tilmaamay in sadexdooduba ay ku khasbayaan dadkooda inay iska sii fadhiyaan kuraasta, kadib markii ay dhamaysteen teeramyo ay taladda hayeenna, loo bedelay dastuuradda si ay ugu sii negaadaan taladda. Siday tibaaxday warbixin ay baahisay Guardian Newspaper  Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa mar sadexaad…

                        Read More

                          Ciidamada Galmudug iyo Puntlandoo la kala qaadey Iyo Xaalada oo Degen

                          Galkacayo 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Kadib markii maanta madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug iswaydaarsadeen casumaado, ayaa wararka magaalada Galkacayo ka imaanayaa sheegayaan in lakala qaadey ciidamadii isku horfadhiyey goobihii dagaalladu ka dhaceen. Wararka ayaa kusoo warramaya in ciidamada Dowlada Puntland la geeyey halka la yiraahdo Abaarey halka kuwa maamulka Galmudug fariisin looga dhigey Bandiiradley. Talaabadaan ayaa imaaneysa kadib…

                          Read More

                            Jaaliyada Somaliland oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Ururka Samafalka ee Table7 oo ka hawlgala Uk kuna mutaystay Hawlaha Samafalka

                            London05Dec15(SDN/QJ) Jaaliyada Somaliland ee Uk oo sanadkiiba Mar Shaahado Sharaf Gudoonsiisay Ururada ugu wax tarka badan ee ka hawl gala wadanka Uk , Ururka Samafalka ee Tabale7 oo ku bahoobay Caawinta Dadka bahan ee ku sugan Gobolada Dalka ayaa waxa sanadka la gudoonsiyyey shahaado sharaf . Xafladan oo lagu gudoonsinayey Shahada Sharafta ayaa Ururka Table7…

                            Read More

                              Xildhibaan Qamar Talleex Oo Walaac Ka Muujisay Sun Ka Soo Caariday Xeebta Gobolka Sanaag

                              Hargaysa 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax (Qamar Talleex) oo ka mid ah Golaha deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ayaa qaylo dhaan ka muujisay sun  badda lagu daadiyay  oo ka soo caariday xeebta  gobolka Sanaag. Xildhibaan Qamar oo shalay warbaahinta kula hadashay magaaladda Cerigaabo ayaa xukuumadda u soo jeedisay inay wax ka qabato sun ay u…

                              Read More

                                Jaaliyada Somaliyeed ee ku dhaqan Uk oo Habeenka Qosolka la qadatay Abwaan Ibraahin Dayrwaa iyo Fanaanka Maxamed Bk oo kala qayb galay iyo fanaanita reer London Sawiro daawasho wacan

                                london05Nov15(SDN/QJ) Waxa habeenkii xalay lagu qabtay Casimada London habeen loogu talagay Abwaanka iyo Majaajilastaha Ibraahin Dayrwaa habeenkan oo loogu magac daray Habeenka Qosolka ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan iyo Marti sharaf badan oo u horeyo Agaasimaha Tvga Qaranka Somaliland Cabdi Bacaw oo ka shekeyey Tariikhda iyo Halgamaaga Ibraahin Darwaa…

                                Read More

                                  Mulkiilihii Hotel Casablanca oo booliska Hargeysa ay baadi goobayaan, maxeyse tahay sababtu?

                                  Hargeisa Dec 04,2015(SDN/QJ)-Mulkiiliihii Hotel ka Casablanca ee magaalada Hargeisa ayaa waxa loo jaray warqad qabasho sharciga lagu horgeynayo,sida ay warar loo qaateen ahi ku soo gaarayaan qurbejoog.com. Hotel ka Casablanca oo todobaadyadii u dangeeyayba xirnaa ayaa mulkiilihiisii Md Maxamed Cabdiraxmaan Garyare dhawaan waxa uu shaaciyay in loo cimaamadi doono Suldaanka Guud ee Beesha uu ka soo jeedo ee Cabdi…

                                  Read More

                                    “Dhamaadka Khilaafkii Kulmiye Iyo Bilowga Khilaaf kii Hore ka Culus oo ka Dhex taagan Xisbiga Ucid Iyo Saadaasha Wakhtigu Siday u aragto Xalka” Warbixin Qurbejoog ka Diyaarisay {DHAGAYSO}

                                    Hargaysa 04.Dec 2015 (SDN/QJ):- Waxaa Werwer laga Qabaa Sida iyo Halka uu ku danbeeyo Khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid kaas oo Saamayn weyn ku yeelanaya Taageerayaasha Xisbigaas,Sidoo kale Waxa Mugdi gelaysa Hadii Xisbiga Ucid Mar kale Maxkamada Distooriga ahi ka garnaqdo Asbaabaha qaynuun ee Murankani ku fadhiyo. Dhaqdhaqaaqyadan Is qabqabsi ee…

                                    Read More

                                      Golaha Wasiiradda Iyo Agaasimayaasha Guud oo Madaxweyne Siilaanyo ku amray inay Xidhiidh Wada Shaqayneed la Yeeshaan Xisbiga Kulmiye DAAWO

                                      Hargaysa 04.Dec 2015 (SDN/QJ):- Fadhigii Todobaadlaha ahaa Ee Golaha Wasiiradda Somaliland oo uu Shir Gudoominayay Madaxweynaha J.S.L Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Ayaa Lagaga hadlay adkaynta Iyo Xidhiidhka Wada shaqayneed ee Xarumaha Kala duwan Ee Xukuumadda Iyo Xisbiga ay ka dhalatay ee Kulmiye.

                                      Read More