Webmaster

    Hogaanka Kulmiye ee Taabacsan Gudoomiye Muuse Biixi oo Hawraarsan ku soo dhaweeyey Go’aankii ay Shaaciyeen Gudidii Madaxweynuhu u saaray Khilaafka Kulmiye

    Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):-Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen guddidii madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hubinta liiska golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE. Sidaasna waxa lagu sheegay  war-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, waxaa kale oo uu xubnaha golaha dhexe ee aan wali si diiwaan-gelin ku boorriyay inay…

    Read More

      Guddida Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Turxaan Bixinta Liiska Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Go’aammo Soo Saaray DAAWO

      Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddida madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hubinta liiska golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada baadhis ay sheegeen inay muddo shan maalmood ah wadeen. Waxay sheegeen in si daacadnimo leh oo xaqiiq ku salaysan ay u baadheen islamarkaana go’aan uga qaateen hawsha madaxweynuhu u igmaday. Cabdikariin Xinif oo ka mid ah…

      Read More

        Madaxweyne Siilaanyo oo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Isbahaysiga qaadacay shirka Golaha Dhexe Iyo Bayaan ay soo Saareen

        Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dood adag iyo warar iska soo horjeeda ayaa ka soo baxaya qabsoomida shirweynaha Kulmiye ee loo asteeyey 10 bishan November, kaasoo aan la saadaalin Karin qabsoomidiisa, maadaama dhawr jeer guddiyo loo saaray xalinta khilaafka ka dhashay ay ku guuldaraysteen. Labadii maalmood ee ugu danbeeyey waxa laga dareemayaa dhinaca Madaxtooyadda dhaqdhaqaaq ay ku…

        Read More

          Madaxweynaha oo Xadhig ka jarid iyo Kormeer guud ku tegay Dhismayaal ay Dawlada Kuwait ka hirgelisay Caasimada Somaliland SAWIRO

          Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka xadhiga ka jaray Xarunta Agoomaha ee ay maalgelisay Dawlada Kuwait,  dhismahan ayaa gaar u ah hablaha agoomaha ah iyadoo ay hore uga hirgeliyeen Caasimada Hargeysa dhisme u gaara wiilasha.   Xadhig ka jaristaas ka dib waxaa  madaxweynaha  halkaasi warbixino  ku saabsan  Dugsiyada Kuwait…

          Read More

            Madax-dhaqameedka Subeer Awdal Oo Ku Baaqay In Dib Loo Dhigo Shirka Kulmiye, Fariina Udiray Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

            Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Qaar kamid ah madaxdhaqameedka Cuqaasha iyo aqoonyahanka Beelaha Subeer awal oo shir’jaraa’id ku qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa ayaa madaxweyne SIILAANYO ugu baaqay in uu dib udhigo shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka dambe ee xisbigaasi, Madaxdhaqameedkani waxay kadigeen in nidaam milateri iyo digteetar…

            Read More

              Laba Kaclaynta Khilaafka Kulmiye,Talo Urursiga ka Socda Madaxtooyadda,Iyo Gudi Madaxweyne Siilaanyo Xalay u Gudbiyey Go’aan

              Hargaysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ);- Laba maalmood ka dib oo ku beegan Salaasada 10 November waxa ay ku beegantahay maalintii loo asteeyay in shirka golaha dhexe ee KULMIYE ka furmo hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana magaalada Hargeysa ku soo dhammaaday inta badan ergadii ka qayb geli lahayd shirkaas. Hase yeeshee inkastoo uu kaabiga ina soo…

              Read More

                Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xilalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku Taxay Mas’uuliyiintii Dawladii Udub ee Naqdiyi Jirtay Kulmiye

                Hargaysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):-Digreetooyinkii u dambeeyay ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay masuuliyiinta cusub, ayaa waxa ka soo dhex baxay sawir xiiso badan oo is fasiraya. Digtrootooyinkan oo uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray ka dib markii ay is casileen wasiiro iyo masuuliyiin kale, ayaa waxa ay noqdeen kuwo ay bulshadu aad u falanqaysay ka dib…

                Read More

                  Wasiirka Madaxtooyada oo kormeeray Waddada Laasgeel Oo Daadadkii Ka Dhashay Roobkii Ugu Dambeeyay Waxyeeleeyeen

                  Dacar-budhuq 07.Nov 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu weheliyo, Wasiiru-dawllaha Madaxtooyada, iyo Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Xasan Cismaan, ayaa  Kormeeray Waddada Isku xidha Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan inta ku dhow deegaanka Laasgeel oo dhibaato ka soo gaadhay daadadkii ka dhashay Roobabkii da’ayey labadii maalmood ee u dambeeyay. Daadadkii ka dhashay Roobkii…

                  Read More

                    “Waxa Somaliland La Keenaa Raashin Aan Mudnayn In La Quuto oo Dhacay, Markaa Waa In Guddi Madax-banaan Loo Sameeyaa…” Xildhibaan Max’ed Weli

                    Hargaysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa ku baaqay in la sameeyo laababkii lagu baadhi lahaa badeecadaha laga soo waaridayo dalka dibadiisa. Xildhibaan Maxamed Wali, ayaa  sheegay in dalka lagu isticmaalo cuntooyin dhacay oo aan la hubin tayadooda waxaana  uu tilmaamay in  loo baahan yahay…

                    Read More

                      Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadkii Tegey iyo Soo Jeedinta Weriye Khaalid Foodhaadhi DHAGAYSO

                      Hargeysa,7Nov,2015(QJ/SDN)- Waa Barnaamij Koobsan doona Dhacdooyinka ugu Waaweyn ee ka dhacay Todobaadkii Tegey Degelada ay ku Nool yihiin Bulshadda Somaliyeed Waxaan Todobaadkan ku soo qaadi doonaa Qodobo ay ka Mid yihiin Faahfaahinta Weerarkii Koox ka Tirsan Alshabaab ka Fulisay Huteel Saxafi ee Muqdisho,22 Guurada aasaaska Ciidamada Booliska Somaliland Iyo Qodobo kale Waxaa Barnaamijkan inoo daadihin…

                      Read More

                        Siday ku Timid Is Casilaadii Madaxweyne Siilaanyo ee La Shaqaynta Xukuumaddii Marxuun Maxamed Ibraahin Cigaal?

                        Hargaysa 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Tan iyo Markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay iska Casileen Raxan ka Mid ah Golihiisa Wasiiradda ayaa waxaa dib loo dhugtay Sooyaalkii Madaxweyne Siilaanyo ee Maamuladii dalka soo Maray oo uu Marar kala duwan iska casilay la shaqayntooda, Mujaahid Cali Guray ayaa qoraal uu ku faafiyey bata Facebook kaga Sheekeeyey Is Casilaadii…

                        Read More

                          “Xilka anigaa iska casilay oo Xornimada qaatay, haddaan Lacag lunsaday” Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha Somalialnd

                          Hargaysa 05.Nov 2015 (SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Axmed Cabdi Kaahin (Casood), oo Shalay Wasiirka cusub ee Wasaaradda loo magacaabay ku wareejiyey xilkaas oo uu toddobaadkii hore isagu iska casilay. Wasiirkii hore Ciyaaraha oo xilka iska casilay ka dib markii Golaha Wakiillada uu kursi uga bannaanaaday, ayaa khudbad kooban oo uu…

                          Read More

                            ”Wasiiradda xilka iska casilayna waa Wasiiradii uu Muuse Biixi ku karbaashi jiray, maanta yaanu cid cid ku karbaashine…” Xildhibaan Obsiiye

                            Hargaysa 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ahna Guddoomiyaha Guddida Nabadgaliyada Golaha Guurtida, ayaa Madaxweynaha talo u soo jeediyey, waxaanu ugu baaqay inuu dhex u noqdo Musharixiinta ku loolamaya Kulmiye, oo aanu cid gaar ah taageerin, waxaanu kula taliyey inuu magaciisa iyo sharaftiisa ilaashado. Xildhibaan Axmed…

                            Read More

                              Prof Cali Shoonbe Wasiirka Cusub Ee Qorshaynta Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa, Madaxweynahana Uga Mahad Celiyay Xilka Uu u Magacaabay

                              Hargaysa 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ahna Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey waddanka Kenya Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.   Wasiir Cali Shoombe oo Shalay Galab ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport  ee Magaaladda…

                              Read More

                                “Weligey Waxaan Ka Fikiri Jiray Inaan Maalin Uun Ka Hoos Shaqeeyo Madaxweynaha Tiina Way…” Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyadda

                                Hargaysa 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Afhayeenka Cusub ee madaxtooyada Somaliland Mudane  Xuseen Aadan Cigge (Dayr), ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay afhayeenkii hore ee madaxtooyad Axmed Saleebaan Dhuxul. Munaasibad ballaadhan oo loogu tallo galay xil wareejintan ayaa lagu qabtay xarunta Qasriga Madaxtooyada, waxaa ka soo qayb galay Wasiirro  ka tisan xukuumadda, aqoonyahano iyo mudan badan oo…

                                Read More

                                  Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya oo su’aal ka keenay awoodaha ciidanka

                                  Muqdisho 05.Nov 2015 (SDN/QJ)-Dad badan oo uu ka mid yahay agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa su’aal ka keenay awoodda ay dowladda federaalka Soomaaliya u leedahay inay ka hor-tagto weerarrada kooxda Al-Shabaab geysaneyso sida kii toddobaadkan dhacay ee lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Fiqi ayaa ku eeedeeyay ciidanka ammaanka…

                                  Read More

                                    Maamulka Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil oo Soo Bandhigay Khaladkii 1aad ee Maamulka Macaash-doonka ah ee Haamaha Berbera ku Kaceen DAAWO

                                    Berbera 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Maamulka Cusub ee la wareegay Gacan ku haynta Haamaha Shidaalka Berbera ayaa Gebi ahaaba jarey lacagtii kabka aheyd ee lagu tageeri jirey Waxbarashada iyo Caafimaadka Degmada Berbera,islamarkaasina Suuqa ku siidayeen Tiro Shaqaale ah oo sifo aan sharciga waafaqsaneyn loo eryey. Sidoo kale Maamulayaasha iyo Macalimiintin Dugsiyada Waxbarashada ee Degmada Berbera ayaa…

                                    Read More

                                      “Cidna kama aqbali doonno inay kala qaybisa safafka mujaahidiinta, gacanta ayaana lagu qabanayaa cid walba oo isku dayda tallaabadan,” Cali Dheere

                                      Muqdisho 05.Nov 2015 (SDN/QJ)-Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sh. Cali Dheere oo la hadlayay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andullus ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay inuu Al-shabaab u dhexeeyaan, kaasoo ku aaddan inay ku biirto Daacish iyo in kale.   Sheekh Cali Dheere ayaa xusay inaanay aqbali doonin cid kasta oo kala qaybinaysa safka muslimiinta,…

                                      Read More

                                        Gudoomiyaha gobolka oo deeq u qeybiyay bukaanada cusbitaal Madiina

                                        Muqdisho 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo  cusbitaalka Madiina ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday  hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  maamul ahaan ay garab taagan yihiin bukaanada jiifa cusbitaalka. Guddoomiyaha ayaa mid mid u booqday bukaanada ku jira isbitaalka oo uu xaaladooda wareystay, kuwaas…

                                        Read More