Webmaster

    Weedhihii ay Ka Jeediyeen Murashixiinta Guulaystay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye DAAWO

    Hargaysa 10.Nov 2015 (SDN/QJ):-Ergada ka qayb qaadanaysay Shirka 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxay ugu horayn u cusboonaysiiyeen Mudo Xileedkoodii Hogaankii Golaha Dhexe oo ka Kooban Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ku Xigeenkiisa iyo Xoghayaha Guud waxaa Markaas Kadib Khudbad Kooban madashaa ka Jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka waramay Shirkan…

    Read More

      Bankiga adduunka oo bogaadiyay Hufnaanta Nidaamka Maaliyaddeed ee dalka Somalia

      Muqdisho 10.Nov 2015 (SDN/QJ):-Bankiga adduunka ayaa bogaadiyay isla markaana ammaanay horumarka iyo hufnaanta Nidaamka maaliyaddeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, waxaana sidoo kale kulanka joogay khubaro…

      Read More

      Stocke City Oo U Baroordiiqdey Chelsea Maxayse Galabsatey?(DAAWO) By Jaahuur.

      London-(SDN/QJ) Saaxiibayaal wali waxaynu ku mashquulsanahay horyaalka ka ama tukaaleynaya carigaa Ingiriiska(Premier League). Haddaba ciyaartii ugu xiisaha badneyd waxay manta foodda isla galey Stocke City iyo Chelsea oo kooxihii aan tabarta lahaan jirin  jid mareen ka dhigteen,todobaayada soo socda waxaynu hoos u eegi doonaa mashaakilka ka aloosan naadiga Chelsea haddii Eebbe ka dhigo. W/Q Jaahuur…

      Read More

      Kooxihii Waa Weynaa Maxaa Ku Habsadey? Crystal Palace ooHanfariir Ku Ridey Liverpool (DAAWO) ByJaahuur.

      London-Oct-8-2015 (SDN/QJ) Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku bidhaamineynaa horyaalka Ingiriiska oo Naadiyadii ku dhibco badsan jirey kooxihii taabata darnaa oo boodhka iska jaafey una quusgooyey. Haddaba daawo sida loo karbashey Liverpool,dinaca kale kooxihii maanta ishirdiyey waxay ku kala faraxasheen sidantan Arsenal 1 Tottaham 1,Man City iyo Aston Villa 0-0. W/Q Jaahuur SDN/QJ.

      Read More

        Xisbiga Kulmiye wuxuu ku dhisan yahay dareen la kala xigsado oo qarsoon oo gacan wadaag ah ee kumuu iman kumana dhisna daryeel iyo dareen qaranimo

        Xukuumada maanta jirtaa marna may bud-dhigin oo dhidibada umay taagin Xisbi iyo Xukun ka reeban dareen beelnimo iyo mid kooxaysan, Waxay xukuumadani daah-furtay dawladnimo la kala xigsado oo ku dhisan dareen beeleed aad uga sareysa dareenka dawladnimo taasina waxay abuurtay wer-wer iyo walaac badan oo saameeyey dhamaan mujtamaca reer Somaliland , Wadamada deriska, Deeqbixiya-yaasha iyo saaxibadii Somaliland ee…

        Read More

          Zamzamay siday isku qabanaysaa musuqaan la dagaalamayaa iyo haayada hantidhawrka ma dhisaayo?

          Wasiirada maaliyadu Zamzam cabdi aden waxa ay in badan ku tiraabtaa musumaasuqa ayaan la dagaalamayaa hadaba siday isku  qabanaysaa in ay curyaamiso haayadaha islaxisaabtanaka sida hantidhawraha iyo maamul wanaaga. Hantidhawraha Somaliland waxa uu noqday ul lala dhaco  cida ka hortimaada Zamzam iyo kooxdeed,balse ma aha hantidhawra ka shaqeeya ilaalinta hantida qaranka,oo si joogta ah dabagal…

          Read More

            Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo Hadal Garnaqsi ah u Jeediyay Garabka Qaadacay Shirka Golaha Dhexe DAAWO

            Hargeysa 08.Nov 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa Sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aanu isaga ka dhigin Wasiir isla markaana uu ku qanacsanaa inuu bilaa Shaqo ahaado isagoo taas badalkeedana Shaqo siiyey Wasiiradii dhawaan iska Casilay Xukuumadiisa, Waxa uu Sheegay inaan doonistu sida ay rabaan u soconayn.

            Read More

              Madaxweyne Siilaanyo oo Mar Kale Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Hoos geeyay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Damacii Wasiir Cali Mareexaan oo rumoobay

              Hargeysa 08.Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ooh ore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta…

              Read More

                Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo Laga Mamnuucay in uu Raaco Diyaarada Ethiopian Airline

                Adiss ababa 08.Nov 2015 (SDN/QJ):- Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ee Ethiopian Airline, ayaa wasiirka Arrimaha -dibadda Soomaaliya Hadliye ka mamnuucday inuu ku safro Diyaaradooda, kadib markii uu dhowr mar falal anshax darro ah ku dhex sameeyay gudaha Diyaarada. Wasiirka ayaa la sheegay inuu 2 jeer dagaal iyo rabshad ka dhex sameeyay Diyaarada xili uu ku safrayay….

                Read More

                  Macluumaad Ku Saabsan Wareejinta Dekeda Berbera Talaabada Ku Xigta Dekeda Casab ee Eretria DAAWO

                  Hargeysa 08.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wareejinta Dekedda Berbera ayaa ahayd Mawduuc Saamayn ku dhex lahaa Bulshada Somaliland. Waxay ahayd arrin ay Axsaabta Siyaasadda iyo Qaybaha Mujtamacu ay ka soo Horjeedeen iyagoo u Sibir saarayay inay amuurtani Meesha ka saari doonto Lahaanshiyihii dawlada dhexe,Sidoo kalena ay Qadiyadani Muujinayso Sida ay Xukuumadda talada haysaa u dhaxal wareejinayso Goobihii…

                  Read More

                    Baarqabka Reer Buuhoodle ee Xaglo Toosiye oo Dhoolatus Siyaasadeed Hargaysa ka Sameeyay DAAWO

                    Hargeysa 08.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo u taagan Murashaxnimada Madaxweyne KuXigeen ee Xisbiga Kulmiye marka uu Furmo Shirka Golaha dhexe ee Ku mudaysan 10-ka Bishan November. Murashax Xaglo Toosiye oo loo arko Siyaasi Xiligiisi doobta ridayana isla markaana u taagan xaqiijinta wax wada lahaanshiiyaha iyo dhamaystirka…

                    Read More

                      Duufaanadii Ku dhuftay Xeebaha Galbeed ee Somaliland Iyo Khasaaraha ay Gaysteen iyo Gurmadkii Kowaad oo la Gaadhsiiyeey DAAWO

                      Berbera 08.Nov 2015 (SDN/QJ):- Todobaatan qoys oo ka mid ahaa dadkii ku barakacay Duufaantii dhawaan ka dhacday Xeebaha dhinaca galbeed ee Somaliland ayaa Xukuumadda Somaliland gaadhsiisay deeq Mucaawimo ah oo isugu Jira Bacaha Roobka laga galo iyo Raashin ay quutaan. https://www.youtube.com/watch?v=pPJtGPKc9-8&feature=youtu.be

                      Read More

                        Wasiirkii Hore ee Waxbarashada oo Sheegay inuu ka Qoomamaysan yahay Qaabkii uu Dawlada Madaxweyne Siilaanyo isaga Casilay oo uu ku Sheegay Iin ku Taala DHAGAYSO

                        Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Maxamud Geedoole ayaa Maanta Sheegay inuu ka Xun yahay qaabkii uu Xukuumadda isaga Casilay. Wasiirkan oo ka Mid ahaa Xubno tiro badan oo Xukuumadda iska casilay Mudo laba Maalmood gudahood ah ayaa sheegay inuu Qoomamaynayo habkii uu is casilaadiisa u…

                        Read More