Webmaster

Maamulka Degmada Qardho oo ka hadlay Gaadhi lacag ah ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo ay qabteen DHAGAYSO

Kar-Kaar 08. September 2017 (SDN/QJ):- Xili dhawaan magaalooyinka Puntland ay kasocdaan hawlgalo lagu baacsanayo dadka  diidaya  lacagta Shilinka Soomaaliyga  ayaa ciidamada amanaanku ay sii laba jibaareen hawlgalada ka dhanka ah Lacagta Shilinka Soomaaliga.   Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar ayaa xalay lagu qabtay Gaari wadday Lacag shilin Soomaali  ah kaas oo u safrinayey gobol…

Read More

Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxtinimo ee Hirshabelle oo ka socda Magaalada Jowhar & Ciidanka AMISOM oo la Wareegay Goobta Doorashadu ka Dhacayso

Jawhar 08. September 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa  ka socda Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxtinimada ee maamulkaasi u sharaxan inay xilka ka qabtaan. Ilaa hada waxaa la diiwaan galiyey 6 kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtimimada maamulka Hirshabelle kuwaas oo dhawaan laga dhagaysan doono  inay soo bandhigaan waxqabadkooda madaxtinimo.   Dhankale…

Read More

Ururka Al-Shabaab Oo Sheegay inaanu Wax Xidhiidh ahi ka Dhaxayn Qalbi Dhagax Iyo Jab’hada uu ka Tirsanaa

Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay war ka soo baxay Dowlada Soomaaliya oo lagu sheegay in Sarkaalkii Jabhada ONLF ee dhawaan loo gacan geliyay dowlada Itoobiya uu xiriir la lahaa Xarakada Al-Shabaab. Qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu faafiyey goor dhow baraha internetka ee taageera kooxdaas ayaa…

Read More

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay iyo Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray

Nairobi 08. September 2017 (SDN/QJ):- Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka Bay ayaa la sheegay in lagu dilay saddex ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab. War ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu dhacay subaxnimadii shalay.   Afhayeen…

Read More

Doodda Qalbi Dhagax: Shan arrimood Dawladda Federaalka Somalia aanay Wax Sharaxaad ah ka Bixin (Akhriso)

Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Shir aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirada ka yeesheen Qalbi Dhagax ayaa markii dambe laga soo saaray war saxaafadeed, waxaana warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow. Golaha wasiirada ayaa sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood, Qalbi…

Read More

Xajka ‘’Haweenay Hadh ama Hoos u Noqotay Saygeeda’’ & Sawir Dunnida Muslimka Soo Jiitay oo Saamayn Yeeshay!!!

Maka 08. September 2017 (SDN/QJ):- Muuqaal uu qaaday sawir-qaade ka mid ahaa saxafiyiinta joogay xajkii sanadkan ayaa qabsaday baraha bulshada, kaasoo muujinaya haweeney ka mid ahayd dadkii xajinayay oo saygeeda hoos u noqotay xilli uu tukunayay. Waxay ahayd maalintii 9aad ee Xajka MAALINTA CARAFA la taagnaa, marka uma maleyn sawirqaade Raa’id Alxayaani in sawirkan uu…

Read More

Taariikhda Musilmiinta Myanmar Ama (Burma), Tiradooda Iyo Sababta Ka Danbaysa Gumaadkooda (Warbixin)

Myanmar 08. September 2017 (SDN/QJ):- Myanmar ( BURMA), waa wadan ku yaala koonfur bari Aasia wuxuu xuduud la leeyahay Bangladesh, China, Laos, iyo Thailand. Cabirka dhul ahaaneed ee Myanmar waa 676,578 square kilo meter, wuxuuna ku cabir yahay wadanka France. Tirada dadkiisu a waa 52 million, Magaca Waddanku Waa Jamhuuriyada Myanmar Republic of the Myanmar….

Read More

Midowga Yurub oo Adduun Dhaqaale oo Dhan 94 Malyuun oo Lacagta Euro ugu Deeqay Waddanka Tuunis & Waxa lagu qabanayo

Tunis 08. September 2017 (SDN/QJ):- Midawga Yurub ayaa ugu deeqay dalka Tuunis Mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ku kacaya aduun dhan  Afar iyo Sagaashan(94)Malyuun oo Euro sidaasina waxa sheegtey wakaaladda wararka dalka Sucuudiga. Mashaariicda lacagtaasi loo qoondeeyey in lagu fuliyo ayaa waxa ay kala yihiin dhinacyada Caafimaadka iy maamulka Guud  ee dalkaasi. Heshiiska mashaariicdan lagu …

Read More

Maxaad Kala Socotaa Shirkii Jaraa’id ee Caalamka Ugu Xumaa? !

Washington 08. September 2017 (SDN/QJ):- Robert Doer wuxuu ahaa siyaasi Maraykan ah, iyo Senatorka  wakiilka u ah Pennsylvania tan,  Sanadkii 1986  ayaa lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush, kaasi oo haddii lagu helo uu xukunkiisu noqon lahaa 55 sano oo xadhig. Robert Doer ayaa shir saxaafadeed qabtay maalin ka hor markii xukunkiisa oo maxkamadda ka socday…

Read More

Khubaro ka Digtay Maydhashada Badan ee Jidhka Oo Waxyeelo ku ah Caafimaadka Maqaarka !!

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Dad badan ayaa ay dhaqan u tahay in ay maalin kasta hal mar maydhaan jidhka oo dhan subaxdii ama gelinka dambe, iyaga oo aaminsan in maydhashada badani u fiican tahay caafimaadka, laakiin xeeldheerayaasha caafimaadku maydhashada waxa ay ka qabaan fikir kaas ka duwan, oo ku bilaabanaya in maydhashadu ay wax…

Read More

Somaliland:Sagaal Qof oo Galabta & Caawa ku kala Geeriyooday Gobolada Awdal Iyo Saaxil kadib shilal ka dhashay Danab Roob iyo Mid gaadiid!!

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):-Ilaa Shan ruux ayaa Geeriyooday Laba kalena way ku dhaawacmeen Kadib Markii uu Galabta Roob Xoogan oo danab iyo dabayl wataa uu ka Da’ay Deegaano ka Tirsan Gobolka Awdal. Roob xoogan oo Mahiigan ah ayaa galabta ka da’ay Jiido badan oo ka tirsan Gobolka Awdal Warku waxa uu sheegayaa in Tuulada…

Read More

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Cisbitaalka iyo Guryahooda Ku Soo Booqday Taageerayaal Ka Tirsan Xisbigaasi oo Xaalad Caafimaad u Jiifa DAAWO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr/Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka dib soo laabashadiisii safarkii uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uu guryahooda iyo weli ba Cisbitaalo ku yaala gudaha Hargeysa ba uu ku soo booqday dad u jiifa xaalad caafimaad oo ka mid…

Read More

Xisbiga UCID Oo Maanta Xaflad Soo Dhawayn Ah Magaalada Hargaysa Ugu Sameeyay Ururada HALDOOR, IFTIN Iyo SAMO-TALIS Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID SAWIRO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaasha laxaad-ka leh ee UCID ayaa maanta ka dhacday Hargaysa . Waxaana xafladdan lagu soo dhaweenayay, Xisbigana ku soo biiray ururada ugu miisanka culus ee ka dhisan Caasimadda Hargaysa oo kala ahaa, Haldoor, Samo-talis iyo iftin…

Read More

”Waxba Kenya Ha Ku Hal qabsanina Somaliland & Kenya Doorashadoodu way Kala Duwan Tahay” Komiishanka Doorashooyinka S.land DAAWO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay Weheliyaan Saraakiil Matalaysay Xisbiyada Qaranka ayaa Waxay xaruntooda Kulan kula qaateen Xubno ka Tirsan Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland.   Xubnaha ka socday Ururada bulshada Rayidka ah ayaa ku Celceliyey sidii ay Doorashadda Somaliland uga baydhi lahayd fashilkii ku yimid doorashadii waddanka Kenya.

Read More

Wefti uu Hogaaminayo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye oo Si Diiran Loogu soo dhaweeyay Magaaladda Allay Baday Iyo Muuse Biixi oo sharraxay qodobada uu dheeryahay murrashaxiinta Kale ee Dhiggiisa ah SAWIRO/DAAWO

Allay-baday 07. September 2017 (SDN/QJ):- Wefti culus oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmadda Allay-baday iyo deegaannada Idhanka Deeroyahanka iyo Geed-ballaadh oo dhammaantooda ka tirsan Gobolka Gabiley.   Weftigan oo hawlo shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan galbeedka dalka, kana kooban…

Read More

Xisbiga Ucid oo Sheegay in Shaqaale ka Tirsan Wasaaradda Warfaafintu aanay Mushahar Qaadan,Isla Markaana Buriyey Hadalkii Wasiir Caddaani & Gudoomiyaha Kulmiye oo ay Ku eedeeyay Meel Ka Dhac uu ku sameeyay Gobolka Sool DAAWO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Ucid ayaa sheegay in Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland aanay Mudo ka badan Sanad qaadan wax Mushahar ah waxaa kale oo ay ka Jawaabeen Hadal uu Sheegay Wasiirka Warfaafinta oo xusay in  Xisbiyada Mucaaridku ay iska diideen Warbaahinta Dawlada. Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdi ayaa…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Gurigiisa Kubooqday Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi Waraabe Oo Xanuun U Jiifay Mudooyinkii U Danbeeyay DAAWO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta gurigiisa ku bookhday Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaarabe) oo xaalad caafimaad u jiifay gurigiisa maalmihii u danbeeyey. Xaaji Cabdikariim ayaa madaxweynaha iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnaqay ka warhaynta xaaladiisa, sidoo kalena waxa uu xaajigu u duceeyey qaranka iyo shacbigiisaba, dhinaca kale marwada…

Read More

Maayerka Caasimada Hargeysa oo Sheegay inaan Shaqaalaha Dawladda Hoose Laba Bilood Mushahar la Siinnin iyo Sababta Keentay DAAWO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shaaca ka qaaday inaan Shaqaalaha Dawladda hoose ee Hargeysa muddo laba bilood ah wax mushahar ah la siinnin, taasoo ay sababtay inaanay Dadweynuhu bixin badi Cashuurta ku waajibtay, sida uu ku dooday Duqa Caasimaddu. Maayer Soltelco waxa uu sidaa ku sheegay mar…

Read More