|

AXYAA REER HARGEYSAAY

Waa goor galab ah waxaan dhex socdaa suuqa magaalada hargeysa , anigoo ku doogsanaya kuna indho kuulanaya bilicda fooqaqa dhaadheer ee aad moodo kuwii dubia ku yaalay, jawigu waa qurxoon yahay waa casar laacdan ay cadceedu si dhacayso, mana saari wax baabuura, waxaan ahay lug ku socod maalaya lugihiisa, hadaba intaan dhex laafyoonayay Jidka weyn ee halbowlaha hargaysa, kolba waxaa idhaafayay wadar dad ah, oo midd mid usocday, iyo waliba qaar wadar _wadar isku la haystay sheekada,badankoodu way gurxamayeen sida geela ,waxay se fiiq_fiiqayeen farahooda, balse nasiib wanaag way sheekaysanayaan, waxayn is waydaar sanayaan hadalo kaftan iyo sheeko xariiro ku dhisan, waan is weydaaranay dhamaan anagoon isa salaameyn, qaarkood waxay ag marayeen garbahayga, waanan maqlaayey weedhahay is dhaafsanayeen, lahjaday ku hadlayeen maaha tii hargeysa waad dareemi kartaa luuqadan ay kuwada hadlayasn iney tahay asal ahaan mid ka soo jeeda Beriga somaliland ,badi waa dad ku nagaadshaa nalka ka baxaya caasimada, waxaan intaas ka fikiraayey ama aan is weydiinaayey, toloow aawey reer hargeysaadkii hore ee aad wajiyadooda iyo waliba dadninadooda taqaaney  markay hargeysi _hargeysa ahayd ,cimiladduna wakhtigaa wanaagsanyd waxaad arki kartaa iney soo buux dhaafiyeen badi dad ka yimi gobolada dalka oo idil gaar ahaan berigga iyo waliba kumanaan ajaaniba ah , waxay hargeysi la cakiran tahay bulshadii reer somaliland oo dhan iyo waliba kuwii geeska afrika , macnaha markaas dadkii la odhan jirey reer hargeysa meesha way ka baxeen oo imika waxaa maraysa bahweynta reer hargeysa, hadaba su,aasha aan isweydiiyey waxay ahayd toloow xagee bay aaddeen amba helay reer hargeysadii hore ee deegaan ahaan tobanka awoow iyo macooyo tirsan jirey , bal adba ka masee balo waata danbeysee•

 

La soco qaybaha danbe………….

 

W/Q;  AXMED CABDI XASAN

Comments are closed