Muqdisho 18. July 2017 (SDN/QJ):- Baabuur nooc Cusub ah oo aan horey loogu arkin magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka soo muuqday wadooyinka magaalada Muqdisho iyadoona ay arintaas si weyn u soo dhaweeyeen Shacabka ku nool magaaladaas Muqdisho.
Baabuurkaan oo ah nooca Raaxada ee loo yaqaan Limousine ayaa waxaa lagu magacaabaa Lincoln Town Car, Baabuurkaan oo ka mid ah baabuurta lagu tilmaamy inay ugu amaan wanaagsanyihiin islamarkaana ka mid ah baabuurta ugu Qaalisan ee soo maray wadamada Mareykanka iyo Canada ayaa waxaa sameeyey Shirkada Baabuurta Sameysa ee Ford Motor iyadoona Baabuurkaas ay soosaaridiisa Joojisay sanadkii 2011, Baabuurkaan ayaa waxaa uu ka mid yahay kuwa ay isticmaalaan madaxda aduunka.

