|

Baanka Adduunka: Dhaqaalaha Afrika ma samaynayo kobocii Laga Filayey 2016.

Hargaysa 17.April 2016 (SDN/QJ):- Bankiga Adduunka ayaa hoos u dhigay kobocii dhaqaale ee sanadkan 2016 laga filayey dalalka saxaaraha ka hooseeya ee Qaaradda Afrika , isagoo  Bankigu hadda saadaaliyey in kobocu ku ekaan doono 3.3%, halkii bishii Oktober 2015 la sii saadaaliyey in dhaqaalaha qaaradda afrika uu sanadka 2016 samayn doono korodh 4.4% ah. Isbedelkan oo lagu macneeyey inuu ka iman doono qiimo dhaca ku yimid badeecadaha caalamiga ah gaar ahaan shidaalka oo 67% qiimihiisu hoos u dhacay.

dhaqaalahaMr Punam Chuhan Pole oo ah dhaqaalayahan ka shaqeeya baanka adduunka oo isagoo u waramaya shabakada wararka Afrika ee http://www.africanews.com waxa uu sheegay in hoos u dhaca qiimaha badeecadaha ee sayladaha caalamku keenay in uu 16% yaraado is dhaafsigii ganacsi ee Qaarada Afrika gudaheeda.

Baanka Adduunku waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan meelo uu dhaqaalaha Afrika ka samaynayo koboc la isku hallayn karo oo xoogan sida Dalka Ivery-coast oo ku jirab jawi siyaasadeed oo wanaagsan iyo maalgashi shisheeye oo balaadhan, waxana soo raaca dalalka Kenya, Rwanda iyo Tanzania.

Warbixintan baanka adduunka ayaa lagu sheegay in wadamada afrika ay haystaan fursad kale oo ay koboca dhaqaalahooda ku sii hagaajin karaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya dakhliga ka soo xeroonaya cashuuraha, xilli la saadaalinayo in quwadaha dhaqaale ee Afrika, sida Nigeria, K/Afrika iyo Angola ay samayn doonaan sanadkan 2016 dhaqdhaqaaq dhaqaale ooh hore u riixa koboca loo baahan yahay.

Mr Punam Chuhan Pole oo arintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi sidan: ‘waxaanu ogaanay in dakhliga cashuuraha ee dalalka qaarkood uu aad u hooseeyo, sida dalalka dhoofiya badeecadaha aasaasiga ah iyo kuwa aan lahayn kheyraad badan’.

.Wadamada Nigeria iyo Angola waa labada wadan ee shidaalka  ugu badan ka dhoofiya Afrika, dhaqaalahoodana waxa cadaadis kaga yimid qiimo dhacii ku yimid saylaha caalamiga ah ee shidaalka, xilli dhaqaalaha K/Afrika uu isna dhibaato kala kulmay hoos u dhacii ku yimid qiimaha macaadinta ay ka mid yihiin platinum, iron, ore iyo coal.

Dhanka kale waxa la filayaa in wadamo kale oo qaaradda ka mid ah ay sanadkan sameeyaan koboc dhaqaale, Dalka Ghana waxaa laga rajaynayaa inay soo hagaagto xaaladda maalgashi, iyadoo daboolka laga qaadi doono ceelal shidaal oo cusub lana yarayn doono dhibaatada dhanka laydh tiriiga ee dalkaasi ka jirta, iyadoo wadanka Kenya isna korodhka dhaqaalihiisu samayn doono sanadkan lagu tilmaamay mid xooggan, maadaama laga fulinayo maalgashi balaadhan oo dhinacyada kaabayaasha nolosha aadamaha ah.

Comments are closed