|

Nigeria: Koboca Dakhliga aan Shidaalka ahayn oo Kaabis u Noqday Qiimo dhaca Shidaalka

Nigeria  17.April 2016 (SDN/QJ):-Dalka Nigeria oo rajaynaya in dakhliga uga soo xerooda wax soo saarka aan shidaalka ahayn uu labanlaabmo sanadkan ayaa wadankan oo soo saara shidaalka ugu badan ee Qaaradda afrika waxa uu doonayaa in faa;iidadaasi kaabis dhaqaale uga noqoto cadaadiskii kaga imanayey qiimo dhaca shidaalka ee suuqyada caalamiga ah.

beesoMadaxweyne Muhammadu Buhari ayaa qorsheeyey miisaaniyad gaadhaysa 6.06 trillion oo lacagta dalkaasi ee naira ah una dhiganta ($30.6 billion) in lagu kiciyo dhaqaalaha ugu weyn Qaaradda oo ah ka wadankaasi oo dhaawacyo ka soo gaadheen hoos u dhacii qiimaha shidaalka, isagoo shidaalku ahaa 70% dakhliga guud ee Nigeria.

Wakaalada wararka ee Routers ayaa badhtamihii todobaadkan warbixin ay arintan ka samaysay waxa ay ku sheegtay in Dawlada Nigeria filayso inay sanadkan ka soo xarayso wax soo saarka kale ee aan shidaalka ahayn dakhli gaadhaya 3.38 trillion naira oo u dhigma ($17 billion), kaas oo samaynaya kor u kac gaadhaya 70% marka la dhinac dhigo sanadkii tegay ee 2015 oo dakhliga ka soo xerooday wax soo saarka aan shidaalka ahayn uu ahaa 1.81 trillion naira

 

Ururinta dakhliga cashuuraha ee sanadkii hore ayaa gaadhayey 700 Bilion oo lacagta dalkaas ah, xilli xukuumadu ballanqaaday inay daahqaadi doonto hanti badan oo hore loo lunsaday, taasoo qayb ka ah qorshaha hoos loogu dhigayo musuqmaasuqa, faa’iidads’ ugu badan sanadkan ayaa iyadana la filayaa inay ka soo xerooto wax loogu yeedhay ‘dakhliga madaxabanaan’

 

Qorshayaasha Madaxweyne Muhammadu Buhari waxaa ku jira in la tuujiyo ganacsiga yaryar ee aan rasmiga ahayn, kuwaas oo kalabadh ka ah dakhli soo saarka gudaha ee wadankaasi, talaabadan oo ka mid ah qorshayaasha kor loogu qaadayo dakhliga cashuuraha.

 

 

Wasiirka Maaliyadda ee Dalka Nigeria Kemi Adeosun ayaa todobaadkan waxa uu sheegay in dalkiisu sanadkan raacayo nahjigii dalka shiinaha ee PANDA ama dariiqadii wadanka japan ee Samurai bonds si ay maalgelin ugu sameeyaan miisaaniyadda.

Bishii March Dalka maraykanka ayaa waxa uu sheegay in dib loogu soo celin doono Nigeria in ka badan  458 MILLION oo Doolarka Maraykanka ah oo ay Dawladii Millateriga ahayd ee Sani Abacha  musuqmaasuqday isla markaana yaalla bangiyada dalka Maraykanka, iyadoo meelo ka mid ah qaaradda yurub-na laga helay oo lagu qabtay lacago la musuqay oo gaadhaya 1.3 Bilion oo Doolarka Maraykanka ah oo uu Sani Abacha dhigtay dalka dibadiisa, dhaqaalahaa oo lagu hirgelin doono mashaariic dhanka kaabayaasha nolosha aadamaha ah.

Comments are closed