|

Baanka Aduunka oo u digay Soomaaliya

Muqdisho March 28, 2024 (QJ) -Bankiga Adduunka ayaa digniin u diray dowladda Soomaaliya oo ku aadan dib u dhaca ku yimid soo gudbinta warbixintii hanti dhowrka ee mashaariicda uu bangiga adduunka bixiyo.

Warbixinta oo la sugayay June 30, 2023 ayaan weli la soo gudbin, waxaana dib u dhacan uu saameyn ku yeelan karaa ansixinta mashaariic cusub oo uu Bankiga Adduunka qorsheynayo in Soomaaliya laga hirgeliyo.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in haddii warbixinta xisaab xirka xisaabaadka mashaariicda Soomaaliya aan lagu helin muddo sagaal bilood ah oo ka bilaabaneysa taariikhda la sugayay in Bankiga uu qaado tallaabooyin lagu joojinayo mashaariicda la qorsheeyay.

Hadda, waxaa jira saddex mashruuc oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka oo sugaya in la ansixiyo Abriil 2024.

Bankiga Adduunka ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya, muddada sagaalka bilood ah ee ku eg 31-ka Maarso, 2024, inay qaado tallaabo looga hortagayo cawaaqib xumada ka dhalan karta dib u dhaca ku yimid soo gudbinta warbixintii hanti dhowrka ee mashaariicda uu Bangiga Adduunka ka fuliyay Soomaaliya.

Comments are closed