|

Soomaaliya iyo Shiinaha oo amniga iyo Dawlad wanaaga ka wadahadlay

Muqdisho March 29, 2024 (QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao.

Intii uu socday kulanka ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha waxa ay ka wada hadleen sare u qaadida iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhanka amniga iyo la dagaalanka argagixisada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinayo taageerada iyo kaalmada ay dowladda Shiinaha siiso Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao ayaa sheegay in Soomaaliya ay saaxiib qaali ah la tahay Shiinaha, wuxuuna bogaadiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sugidda amniga iyo adkeynta hannaanka dowlad dhisidda.

Comments are closed