Uncategorized

Baaq iyo War-murtiyeed ka soo baxay Shirweynihii Samotalis ee Mideynta Beelweynta Subeer Awal kaas oo ka dhacay London

London Dec 22,2014(SDN/QJ)Waxaa bishan December 20-keedii ka qabsoomay Galbeedka Caasimada London Shirweynihii  Beelweynta Subeer awal ee SAMOTALIS. Wuxuu shirkaasi ahaa mid si  mug-leh  looga soo qayb galay, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen Beelweynta Subeer Awal ee ku-dhaqan daafaha Cariga Ingiriiska gaar ahaan Birmigham, Manchester, Bristol, Cardhif, Coventary , Shefield, and Leicester. Shirka waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka ah. Shirku wuxuu ku saleysnaa mideynta beesha iyo doorka ay horena uga qaateen hadana uga qaadan-karaan qurbe-joogta Beeshu Horumarinta Degaanada ay degaan gaar ahaan arimaha bulshada.Waxaa shirkaa war bixino togan oo mug leh ka bixiyey Ergooyinkii ka kala socdey, magaalooyinka kala duwan ee UK. Waxaa iyana goobta shirkaa ka hadley garabyada haweenka ee hogaamiya daladaha samafalka ee waxtarka la taaban karo ka geystey horumarinta arimaha bulshada ee degaanada ay beeshu degto.
                             Shirka Samotalis  waxaa si qoto dheer loo qaa-daa-dhigay oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan:
1– Sidii dar-dar xoogan loo gelin lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada ee degaanka balaadhan ee ay beeshu degto,gaar ahaan Waxbarashada, Caafimaadka iyo wadooyinka.
2– Adkeynta midnimada,wadajirka iyo wax wada qabsiga beesha dhexdeeda  iyada oo mar kasta meel looga soo wada-jeesanaayo horumarinta arimaha bulshada ee degaanka ay beeshu degto.
3– Sameynta gudi joogto ah oo ka kooban 33 xubnood oo ay ku jiraan khuburo aqoonyahan ah taas oo ay saamiyo ku wada yeelan doonaan dhamaan magaalooyinka waaweyn ee UK oo dhan ee qurbe joogta beeshu ay degan yihiin.
4– In la unko oo la diyaariyo xeer beesha u gaar ah, kaas oo hagi doona aayo ka tashiga beelweynta ee dhinaca Siyaasada, Horumarinta, Degaanka iyo  arimaha bulshada.
5– In la isku xidho maal-qabeenada iyo ganacsatada hoose ee beesha, si loo unko Bangi Ganacsi oo hormuud ka noqda kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dib u-dhiska ganacsiga dalka , kaas oo ay Saami ku wa yeelan doonaan dhamaan beelaha Somaliland ee gobolada dalka oo dhan dega.
6– In la abuuro Sanduuq dhaqaale laguna maamulo danaha guud ee beesha.
7– Shirka Samotalis wuxuu dhamaan beelaha walaalaha ah ee wada dega S/land uu ugu baaqayaa nabad kuwada noolaansho, isqadarin ay walaaltinimo iyo qaranimo ku dheehan tahay.
8– Waxaa Shirka la gudoonsadey in mudo hal sano ah ka dib la abaabulo shirweyne ku magacaaban Samotalis 2 laguna qabto magaalo madaxda Hargeisa ee S/Land, kaas oo ay ka soo qeyb geli doonaan wafuud badan oo beelaha ah oo ku kala nool Geeska Africa sida D-jibuuti, Dawlada Degaanka Eitopia iyo qurbejooga ku nool dunida daafaheeda.
9– In midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar kasta iyo goob-kasta biyo kama dhib-caan Lama-taab-taan muqadas ah.
10– Hadii Horweynta Geela uu aarankiisu xumaado, Awrka ayaa loo bedelaa sidaa daraadeed waxay beeshu isku raacdey Cudud mid ah Caqli mid ah iyo Cod mid ah.
                BAAQ KU WAJAHAN XUKUUMADA
1– Waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in ay wax ka qabato cadaalad darada baahsan ee dalka ka jirta, boobka dhulka iyo hantida qaranka, cabudhinta saxaafada iyo xadhiga sharci darada ah ee lagula kaco shacbiga.
2– Waxaan xukuumada ugu baaqeynaa in la xakameeyo ciidanka RRU-da, lana ilaaliyo guulihii halgalkii hubeysnaa ee SNM.
3–  Isbedelku maaha oo keliya in Madaxweyne Madaxweyne kale lagu bedelo ee waa in Nidaamka habacsan ee dawladnimo wax laga bedelaa oo madaxweynuhu la yimaadaa maamul wanaag ( good goverance), Hogaamin ( leadership), aftahannimo (eloquence ) iyo soo jiidasho shacab (charismatic ). taas oo aan hada shacabka umuuqan.
4– Waxaa qurbejoogta beeshu ka soo horjeeda Ciimada loo qoraayo ilaalinta shirkadaha sahamiya shidaalka ee Oilfield Protection Unit ( OPU ) maada ay yihiin kuwo si gaar ah loo maamulay oo aan la garaneyn goobta laga hagi doono. Waxaana aanu dawlada ugu baaqeyaan in shuruucda kheyraadka dalka la dhameystiro oo baarlamaanka laga ansixiyo.
5- In doorashadu waqtigeeda ugu dhacdo si xor ah oo xalaal ah.
Guntii iyo geba-gebadii- Waxaa shirka lagu soo gunaanadey duco iyo quraanka kariimka ah, Waxaana uu shirku ku dhamaadey Jawi- aad u-farxad badan iyo heshiis wadareed af garad ah oo la isku wada waafaqey.
Allaa Mahad Leh,
Waa – Bilaahi -Towfiiq.
Wehelkiin- Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
GUDIDA  MIDEYNTA BAHWEYNTA SUBEER AWAL EE
INGIRIISKA – UNITED KINGDOM.