|

Baaq Ku Wajahan Beelaha Gabooyaha Ee Reer Somaliland

  • ‘Beelaha Gabooyaha Waxaan ugu baaqayaa inay si weyn oo mug leh uga qeyb-qaataan diwaangalinta ka socota Somaliland guud ahaan, gaar ahaan imika oo ay Maroodi-jeex ka socoto iyo labada gobol ee hadhay’.

Aniga oo ah Rashiid Sulub Caalin , isla markaana laygu yaqaano inaan ka shaqeeyo danaha guud ee reer Somaliland, ayaa waxa aan maanta aan halkan ugu soo jeedinayaa beelaha laga tiro badan yahay ee reer Somaliland ah inay dhammaantoodba intii awoodaysaa ay is xil-qaamaan oo ay isku diwaangaliyaan doorashooyinka soo socda. Diwaangalintaas oo imika ka socota dalkan Somaliland, oo ay 3 gobol dhammaadeen, imikana ay gobolka Maroodi-jeex ka socoto. Taasi oo la rajaynayo inay gun-dhig u noqoto doorashooyinka waddankan ka dhacaya horraanta 2017-ka.

Rashiid Sulub CaalinSidaynu wada ogsoonahay, diwaangalintaas oo ah fursad qaaliya oo reer Somaliland  u sahlaysa u codaynta doorashooyinka Somaliland iyo aayo-ka-tashiga hogaaminta ummaddan. Taasi oo macneheedu yahay in muwaadinku xaqa uu u leehayay inuu waddanka talo ku yeesho uu cod ku muujiyo. Halkaasi oo ay ka soo bixi doonaan madax aad ku soo saartay codkaaga oo muwaadinka metelaya.

Dariiqa ugu wanaagsan ee lagu heli karo waqti xaadirkan nidaam wanaagsan iyo nabad ku wada noolaanshana waxaan filayaa inay tahay nidaamkan dimuqraadiga ah ee aynu ku dhaqano oo ah inuu qofku hal cod yeesho oo uu ku codeeyo (one man one vote).  Taasi oo dhabbaha u xaadhaysa inuu waddankani  hore ugu sii socdo hanaqaad wanaagsan oo dhinaca dimuqraadiyada ah.

Haddaba, diwaangalintani waxay ahmiyad weyn ugu fadhidaa dadka la sheego in laga tiro badan yahay oo ay faa’iido weyn u tahay. Maadaama ay codkooda ku taageeri karaan shaqsiyaad ay is leeyihiin waxay wax ka qaban karaan xuquuqda iyo xaqa aad waajibka u leedihiin ee la duudsiyey. Waxaana ka mid ah muhiimada ay u leedahay beelahaasi.

  1. In codkoodu noqdo cudud lagu xisaabtamo, oo ciddii iyo xisbigii hagaajinaya danahooda gaarka ah iyo xuquuqdooda marka danta guud ee loo dhan yahay laga yimaado, ay codkooda siiyaan oo ay kula gor-gortamaan intaan doorashada la gaadhin xisbigii dantooda ka shaqayn doona.
  2. Inaan la yaraysan oo ay is muujiyaan, isla markaana ay talada waddanka wax ku yeeshaan.
  3. Inay ka qeyb noqdaan nidaamka waddankani doortay oo aanay ka hadhin. Kaasi oo sahlaya inay qeyb laxaad leh ka qaataan hanaanka siyaasadda ee waddankan.
  4. Inay helaan xuquuqdoodka ka maqan kuna dhacaan dariiqii ay ku heli lahaayeen oo nabadgalyo ah.
  5. Inay bartaan kala dambaynta iyo is qaddarinta dhexdooda.
  6. Inay ku soo dhiiradaan saaxadda siyaasadda oo ay danahooda meel uga soo wada jeestaan.
  7. Inay ka soo dhex baxaan madax u daacadda oo goleyaasha amma xukuumadda ku jira. Kuwaasi ka shaqeeya danahooda kulana xisaabtamaan madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta metelaysaa.

Anigoo mar walba la jecel walaalahayga inay ka qeyb-noqdaan horumarka waddanka iyo himilooyinka uu hiigsanayo. Sidoo kale, inay ka  mid noqdaan dadka waddankan ka muuqda ee aan xagga dambe la marin, oo ay iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ee ragaadiyey, isla markaana ay helaan xaqa iyo xuquuqda ay waddankan ku leeyihiin, oo ay gutaan wixii xaq iyo xuquuq ah ee waddanku ku leehayay. Waxaan ku boorrinayaa siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka iyo guud ahaan beelahaas laga tirada badan yahay, inay si mug leh uga qeyb-galaan diwaangalinta, isla markaana ay cudud mid ah noqdaan oo ay danahooda si wada jir ah u wada raadiyaan. Sidoo kale, bulsho weynta reer Somaliland waxaan u sheegayaa, inay taageeraan beelahan oo maanta ku sugan duruufo aad u qalafsan oo ah xagga bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeedba in cid kasta oo wax u qaban kartaa ay wax u tarto oo aan indhaha laga qabsan.

Waxaanan ku soo gunaanadayaa, anigoo mar walba u diyaar ah inaan wixii talo iyo taageero ah ee ay iiga baahdaan in Ilaahay talada toosan uu ina wada waafajiyo.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:sulub2007@yahoo.com

Comments are closed