|

Dawlada Maraykanka oo Walaac ka Muujisay dib u dhacyo ka Jira Hanaanka Doorasho ee 2016 ee Somalia

Washington 21.May 2016 (SDN/QJ):- War kooban oo qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo nuqul ka mid ah ay Heshay Shabakada Qurbejoog ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka walaacsantahay dib u dhacyo ka jira hanaanka doorashada Somalia ee 2016ka.

6D616C7E-1D21-4AFC-BD06-87D4F066C03D_cx0_cy8_cw0_w987_r1_s_r1Qoraalkan waxaa lagu sheegay in dowladda Federalka Somalia, Baarlamanka iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadu ay ku celceliyeen inay ka go’antahay in doorashadu ay ku qabsoonto waqtigeeda, sida ku cad dastuurka Somalia, iyo qaraaraddii doorashada la xiriiray ee ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Qoraalkan ayaa lagu yiri., “ sii socoshada hey’ado federaali ah oo xalaal ah waa mid ku xiran hogaamiyeyaasha Somalida oo raaca hanaan siyaasadeed oo daah furan – ka hor inta uusan waqtiga ka dhicin xukumadda haatan jirta.

Qoraalkan ayaa ugu baaqay baarlamanka Federalka inuu qaato talaabo deg deg ah – oo uu ansixiyo oo uu hirgeliyo hanaankii doorashada Qaran ee heshiiskii Madasha.

Dowladda Mareykanku waxa ay qoraalkan ku sheegtay inay diyaar u tahay inay gacan ku siiso dadka Somaliyeed iyo dowladooda talaabadan ay u qaadayaan – helista xukun xasiloon oo si dumuquraadi ah ku yimaada.

 

Comments are closed