|

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Oo Amaro Adag Dul Dhigay Ciidamada Amaanka Somaliland DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka Maroodijeex mudane Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug ayaa ciidamada amaanka ku amray inaanay kaantaroolada ka gudbin dhalinyarada kooxaha u wada socda ee wiilasha iyo hablaha leh, ee doonaya inay ku soo ciidaan gobolada kale.

Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuux Badhasaabka gobolka Maroodijeex waxaa uu ciidamada abniga ku amray inay hakiyaan wiilasha iyo gabdhaha gobolada dalka u kala gooshaya maalmaha ciidaha waxanu yidhi “In la yidhaaho maaha maanta waa ciid ee halkaad doontaan ka dhaca oo habla iyo inamo inta leysku raaco dhaqan xumo meelaha loot ago aad iyo aad ayaanu uga digeynaa waxaanay ku amran yihiin taliyayaasha ciidamada galbeedka iyo bariga iyo dhammaan saldhigyada iyo kaantaroolada waxaanu leenahay hala waabiyo oo hala hakiyo oo hala joojiyo ubadka kaligood socda ee gaadiidka wata, yaaney kaantaroolada ka bixin yaanay ka gudbin soodimaha hana ku eekaadaan gobolkooda iyo degmooyinkooda oo haku ciidaan”

Comments are closed