|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Soo Saaray Wareegtooyin Saamayn Ku Yeeshay Wasaaradaha Dawladda,Tiro badan oo Agaasimeyaal ah oo uu Shaqada ka Joojiyey Iyo Maamulo uu Si gaar ah u Bartilmaameedsaday

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Ku simaha Madaxweyne Siilaanyo ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay waxa uu soo saaray Wareegtooyin ku saabsan Sidii ay Wasaaradaha iyo Hay’ada Dawladu u soo Gudbin lahaayeen Waxqabadkii intii u dhaxaysay 2010-kii ilaa 2017 maadaama uu gabaabsi yahay Mudo xileedkii Madaxweynuhu.

Mudane C.raxmaan Saylici waxa uu ku adkeeyay dhamaanba Madaxdda Wasaaradaha dawladu inay Warbixinta Waxqabad ku soo Gudbiyaan Mudo toban  cisho ah kuna eeg 7-da bisha September, isla markaana soo raaciyaan Sawiro Muujinaya Waxqabadka la hirgaliyey.

Wararkan oo Qurbejoog ka heshay Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa waxa uu intaas ku darayaa in Madaxweyne Ku Xigeenku uu Shaqo ka Joojin u Qoray 25 Ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha dawladda,Waxaa kale oo Madaxweyne ku xigeenku uu Gudiyo u diray Gobolada Awdal iyo Togdheer iyadoo sababta labadaas gobol uu guddida ugu diray ay la xidhiidho murano ka dhex taagan Maamulada heer gobol iyo mid degmo.

Maalintii Isniintii ayaa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland waxa uu Shaqadii ka Joojiyey Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise Shiine Isagoo ku eedeeyay inuu faro geliyay Maamulka Dhulka ee Magaaladda Boorama.

Comments are closed