|

Bannaan Bax Lagu Diiddan Yahay Shilin Soomaaliga, Laguna Dalbanayo Shilinka Somaliland Oo Ka Dhacay Bariga Sanaag

Ceel-bu’ 12. September 2017 (SDN/QJ):- Dadweynaha ku dhaqan Degmada Ceel-bu’ ee Bariga Gobolka Sanaag, ayaa iskugu soo baxay Mudaharaad ay kaga cabanayaan Lacagta Shilin Soomaaliga ee Dalka Soomaaliya oo halkaasi laga adeegsado.

Dadweyne iskugu jira Waayeel, Dhallinyaro iyo Haween iskugu soo baxay Waddada Wadnaha ee Degmada Ceel-bu’ ayaa taayiro ku gubay halkaasi, iyagoo markii dambana Warbaahinta u soo bandhigay waxyaabaha ay ka cabanayaan, taasi oo ah in Shilin Soomaaligii ka shaqeynayey Deegaankooda ay Ganacsatadu diidday inay wax kaga iibiso, sidaasi darteedna ay dalbanayaan in Dawladda Somaliland ay Cabashadooda maqasho oo ay Lacagta Shilin Soomaaliga ka beddesho oo ay deegaankooda geyso Shilinka Somaliland.

“Doraad iyo Shalay Lacagtaan ku shaqeeyay ee qaatay Cidna way iga qaadan wayday oo waxba waa la igaga iibin waayay, markaa wax la eegan karayo maaha waxan la kala gurayo (Shilin Soomaaliga) ee waxaanu codsanaynaa in la soo keeno Lacagta Shilinka Somaliland.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka Mudaharaadkaa ka qayb-galay.

Mid ka mid ah Wastaadada Guryaha dhisa oo isaguna Mudaharaadkaa ka qayb-galay ayaa yidhi “Waxaanu nahay Dadka Muruq-maalka ah ee guryaha dhisa, waxaanu ku shaqeyn jirnay Lacagtaa Shilin Soomaaliga ee Puntland nooga timaadda, imikana waxa la diiday kunkii Shilin in wax la nagaga iibiyo, markaa Madaxda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay Shilinka Somaliland noo soo daayaan oo noo keenaan.”

Comments are closed