|

Saxariirkii ka qabsaday Soomaaliya, mucjisadii kaga dhacday Thailand, fursadihii uu ka helay Australia & Xildhibaan uu ka Noqday Somaliland!!

Sydney 12. September 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska caanka ah ee The Sydney Morning Herald oo ka soo baxa waddanka Australia, ayaa baahiyay in muwaadin u dhashay caasimadda Sydney uu ka mid yahay baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintan waxa wargeyskaasi ciwaan uga dhigay “Nin reer Sydney ah oo Xildhibaan ka ah Baarlamaanka Somaliland.” Waxa qormadan lagu sharraxay duruufihii adkaa ee Ibraahim Axmed Raygal iyo qoyskiisu ku gaadheen Australia. Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax, ayaa warkan innooga diyaariyey:-

“Lahaanshaha labada jinsiyadood lagama soo dhaweynayo Baarlamaanka Australia, hindisaha waddaninimada la xidhiidha ee uu wado Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Barnaby Joyce, ayaa arrintan ina soo xasuusisay. Laakiin Ibraahim Axmed Raygal oo u dhashay Australia ayaa xildhibaan ka ah Baarlamaanka Somaliland.

Mr. Raygal wuxuu wakhtigiisa u qaybiyey meeshii laga soo doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taalla Geeska Afrika iyo qoyskiisa oo degan koonfur galbeed ee magaalada Sydney.

Ibraahim Axmed Raygal oo 72 jir ah, wuxuu hore u soo noqday macalin dugsi iyo shaqaale dawladeed. Waxaanu ku soo galay Australia qaxoontinimo sannadkii 1995kii, balse muddo kadib wuxuu ku noqday Somaliland isagoo u tartamay doorasho.

“Hore waxaan u ahaa qaxoonti, haseyeeshee imika waxaan ahay Mudane Baarlamaan,”ayuu yidhi, waxaannu intaas ku daray; “Aad baan ugu faanayaa taas.”

Somaliland oo Ingiriisku hore u xukumi jiray waxay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalka dagaaladu halakeeyeen ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, hase ahaatee wali beesha caalamku umay aqoonsanin waddan madax-bannaan.

Sidaas oo ay tahay Somaliland waxay leedahay lacag u gaar ah iyo ciidammadii Booliska, waxaanay urursataa dakhligeeda. Waxa kaloo ay leedahay maamulkii dawladeed oo fuliya adeegyada bulshada iyo caddaaladda.

Muddadii uu dagaalka sokeeye iyo jaho-wareerka siyaasadeed ka jiray Soomaaliya, horaantii 1990-naadkii, Raygal waxa lagu tuuray jeelka, waxaannu la qabay dad badan oo degaankiisa ka soo jeeday.

“Waa la i garaacay, waxaana la ii jidh-dilay si aad u xun,” ayuu yidhi, waxaannu intaas raaciyey; “Waan nasiib badnaa ba haddii aan badbaaday, maxaa yeelay dad badan oo Somaliland u dhashay ayaa la xasuuqay oo lagu aasay xabaal wadareedyo.”

Xaaska Ibraahim Axmed Raygal iyo toddoba caruur ah, ayaa soo qaxay muddadii uu xidhnaa isagoo aan arag muddo shan sannadood ah.

Markii laga soo daayay jeelkii uu ku xidhnaa, kumuu badbaadi karayn dalkiisii, waxaanu u soo kicitimay dhinaca Australia, waxaannu sii maray Thailand, isagoo mangangelyo doon ah, markii uu dhawr bilood ku xanibnaa laanta socdaalka ee Villawood, waxaa loo aqoonsaday qaxoontinimo.

Mr.Raygal waxa ka saaciday inay u helaan qoyskiisii Bisha Cas oo muddo dheer markii ay raadinayeen ugu geeyay xero qaxoonti oo ku taalla Thailand.

Ibraahim Axmed aad ayuu u farxay maalintii uu dib ula midoobay qoyskiisii madaarka Sydney. “Inaan idhaahdo kalmada waan faraxsanahay way ku yar tahay marka loo eego dareenkayga. Waxaan odhan karaa waxaan ku dhawaaday inaan farxad u dhinto,” ayuu yidhi.

Mr. Raygal markii la dejiyey galbeedka magaalada Sydney, wuxuu ku shaqeeyay kaaliye macalin, turjubaan iyo ilaalo ammaan. Waxaanu noqday mid ka dhex muuqda bulshada Somaliland ee Australia.

Waxase xaaladdu is beddeshay 2004-tii oo uu u kicitimay Somaliland, si uu u soo booqdo hooyadii oo da’a ah. Dad badan oo saaxiibadii iyo taageereyaashiisa ahaa ayaa ugu baaqay inuu soo laabto oo uu u tartamo Baarlamaanka.

“Markii hore waan diiday waayo ma doonaynin inaan ka tago qoyskayga,”ayuu yidhi Ibraahim, laakiin kuwii ku riixayay inuu siyaasadda Somaliland galo, ayaa la hadlay xaaskiisii Aamina oo booriyey in ay ka dhaadhiciso in uu u tartamo kursiga Baarlamaanka, waxaannu yidhi; “Waxay igu tidhi ha I ceebayn ee waa inaad tagtaa Somaliland.”

Jamhuuriyadda madax-bannaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland waxa ku dhaqan illaa afar milyan oo qof, waana mid xasilooni buuxdaa ka jirto marka loo eego Soomaaliya oo jaarkeeda ah. Doorashooyinka Somaliland waxa loogu loolamaa si adag oo loo xushmeeyo si weyn.

Mr. Raygal waxaa laga soo doortay degaankii uu ku soo barbaaray oo ku yaalla bariga Somaliland, sannadkii 2005-tii, waxaannu xubin ka yahay xisbal-xaakimka Kulmiye. Waxaannu sannadkii muddo siddeed bilood ah soo joogaa Somaliland, isagoo ku soo laabta Sydney xilliga Baarlamaanku fasaxa ku jiro.

“Shaqadaydu waa inaan wax ku kordhiyo Somaliland. Dugsiyo badan iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa imika loo bineeyay dadkii i soo doortay, waxaanay ku timid dedaalkayga,”ayuu yidhi Mr. Ibraahim.

Sannadkan waxa Somaliland ku dhufatay abaar xun oo sababtay macaluul, waxaana meelihii laga soo doortay Mr. Raygal soo foodsaartay cunto yaraan, waxaanu yidhi; “Dad badan ayaa ku caydhoobay, deegaankii, si xun ayuu u waxyeeloobay. Laakiin ILAAHAY ayaa mahad leh dadku waxay isu caawinayaan si deeqsinimo leh.”

Raygal wuxuu aad ula dhacsan yahay nolosha iyo fursada ay isaga iyo qoyskiisu ka heleen Australia. Waxaannu doonayaa in Australia ay gacan qabato Somaliland oo baahi weyn u qabta gargaar horumarineed iyo mid maalgashiba.

Waxa kaloo uu danaynayaa in Australia ay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, “Waxaan doonayaa inay Australia ay wax badan naga saacido arrinta aqoonsiguna waa waxa aan ka dalbanayo,”ayuu yidhi Mr. Raygal.

cumarmfaarax@hotmail.com

Comments are closed