|

BAQALI WAX MA DHASHO WAX DHALANA MA JECLA (Q..2AAD) Mujaahdi Cali gurey

saleebaan-gaal1991kii xukuumaii ugu horeysay ee AHN Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxu Saleebaan ka noqday Wasiirka Arimaha Gudaha oo wuxu noqday wasiir ilaa wasiir min Siyad Barre ilaa SNM. Lakiin wasiirnimada kumuu raagin ee markiiba wuxu ka soo jeedsaday dhinaca mucaaridka Axmed oo isagu aan wax xil ah aan ka qaban xukuumada ee xubin uun ka ahaa Golaha Dhexe ee SNM wuxu dhaliisha ugu wayn uga dhigi jiray isaga iyo qaar kale oo badaniba WAA NINKII CABDIRAXMAAN TUUR KEENAY isaga oon is waydiin ‘HORTA ADIGA YAA KU KEENAY SIDEEDSE KU TIMI’. Saleebaan hadana mar kale ayuu Wasiirka Maaliyadda ka noqday xukuumadii AHN Cigaal oo aynu ognahay, marka aynaan runta dafirayn, inay ahayd xukuumad dhinac ka rarnayd oo aan isu dheeli tirnayn halka oo uu Saleebaan kala soo qabsaday kooxdii ugu firfircoonayd mucaadnimada SNM ee magacyada badan lahayd laakiin markii intii ka dambaysay 1990kii markii ay isku dhex milmeen Calan Cas, Wadaado, Kornaylo loo bixiyay KHAAKHDA(dinosaurs)oo iyagu noqday kooxda ugu awooda badnayd xukuumadii Madaxwayne Cigaal. Xukuumadaa kumuu jirin Axmed Silanyo lakiin wuxu ahaa keliya xubin Baarlamankii Borame. Waxa ku hakasho mudan kooxda SNM ee Saleebaan ku biiray inay ahayd kooxdii Silanyo iyo Cabdiraxmaan Tuur mucaaridka adag ku ahayd eek u guulaystay inay labadaba dhulka soo dhigaan. Saleebaan Gaal oo markan faro istaawiyay hankiisiina sii durkistay wuxu u qaatay inu ninkii Silanyo iska reebay oo roonka ka dhaafay. Saleebaan oo dhoosha ka qoslaya Wasiirka Maaliyadana ah ragiisiina ku taxday goobaha ilaha dhaqaalaha ee muhiimka ah ayuu dagaalkii sokeeyuhu ka qarxay Hargeysa bishii November 1994kii. Wuxu falay wixii uu falay raad arooyona dib looma raaco aniguna halkaa u dhaafi mayo.
Waan idiin soo skeeko dhaafaye Saleebaan markii uu ka baxay xukuumadii Cabdiraxmaan Tuur ee mucaarka mayalka adag noqday waa tii dagaalkii sokeeyaha ee hore uu dhacay Saleebaana hadii aanu colaad ooge ahayn kolay kaalintiisu mid samo talisnimo loo nisbayn karayo may ahayn mucaarid nimadiisa awgeed. Dhinaca kale Axmed Silanyo oo laftiisu aan raali ka ahayn sida ay wax u waday Xukuumadda Cabdiraxman hadan lama dafiri karo, hadii aan taariikhda laga been sheegayn, in kaalintiisu ay ahayd ficil ahaan mid samo talisnimo ah. Waxa markhaati cad uu ah kaalintii uu ka qaatay Kulankii Nabadda ee Hargeysa dabayaaqadii 1992kii kaas oo uu ka dhashay Shirkii Sheekh ee lagu so oaf jaray dagaalkii sokeeyaha Shirwaynihii Beelaha Somaliland ee Boramena lagu gudoonsaday.
Bishii November 1992kii ayuu Gudoomiyihii Golaha Dhexe SNM, Ibrahim Maygaag Samater, isugu yeedhay Kalfadhigii ugu muhiimsanaa Kaladhiyada Golaha Dhexe oo ahaa kii ugu dambeeyay ee lagu dooran lahaa Gududa Qabanqaabada Shirwaynaha 6aad oo qabsoomi lahaa April ama May 1993kii. Saleebaan wuxu ka mid ahaa ragii ka soo horjeedsaday kana dagaalamay inu qabsoomo kalfadhigaas oo hadii uu qabsoomi lahaa lagu badbaadin karayay masiirka SNM urur ahaan marka uu qabsoomo Shirwaynaha 6aad oo isagu ahaa haya’dda ugu saraysay gebi ahaanba Dhaqadhaqaaqii Wadaniga Somaliyeed SNM. Hadii uu Shirwaynuha 6aad qabsoomi lahaa masiirka SNM laba ayuu mid noqon lahaa. In loo qaabeeyo xisbi siyaasi ah sida dhacda dhaqdhaqaaqyo badan oo gobonimodoon wadani ya ah dunida iyo in si rasmi ah loogu duuduubo oo meel lagu tiiriyo( official winding up). Labdaa midna may dhicin ee SNM malaha markii lagu gaadhay dantii laga lahaa ee laga maarmay ayaa gudaafadda lagu tuuray. Saleebaanna, kolay aniga aragtidayda, inta wax looga tirin karo ayuu ka mid yahaye bal ogaada

Caligurey
Hargeysa

Comments are closed