|

Barnaamij Diirada Saaraya Xidhiidhka Ka Dhexeeya Madaxweyne Farmaajo & Somaliland,Aragtiyaha Dekeda Berbera ee Maamulka Shirkada DPW Iyo abuuritaanka Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka DAAWO

Muqdisho 17. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Mudane Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa Xilka Madaxweyne ee Somalia waxa uu hayay Mudo Ku siman ilaa Lix bilood.

Intii uu ku Jiray Ololaha doorashadda Madaxtinimo waxa uu sameeyay Balanqaadyo tiro badan oo ku saabsan Somaliya guud ahaan iyo Somaliland waxa uga meel yaal.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Sheegay inuu sii ambo qaadi doono Wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland Iyo Somalia si loo helo sida uu Yidhi Midnimo Soomaali weyn,Waxaa kale oo uu xusay inuu Xidhiidh wanaagsan la samayn doono Somaliland.

Hasa yeeshee Tijaabadii Kowaad ee la Mariyo Xukunkiisa ayaa waxay noqotay La wareegista Dekeda Berbera oo Maamulkeeda gacanta loo geliyey Shirkada DPW Waxaa kale oo Xujo ku noqotay Saldhiga Mileteri ee Imaaraadku ka samaysanayo Magaaladda Berbera oo uu Si cad u sheegay inuu kala dhantaalayo Midnimada Somalia hasa yeeshee go’aan ka gaadhistiisu ay ku adkaatay,Dhinaca kale waxa uu cadeeyay in Somalia qaramada midoobay ay kala soo wareegayso maamulka Hawada Somalia oo ay dabcan ku jirto Somaliland taas oo ka mid ahayd qodobadii lagaga wada hadlay Shirarkii labada dal u dhexeeyay go’aanana laga soo saaray.

Mudane Maxamed C.laahi Farmaajo Waxaa jira caqabado badan oo Maamulkiisa ka hor yimid ha ugu weynaato amaanka Magaaladda Muqdisho,Sidoo Kale Ciidamada Amisom oo uu hore u balanqaaday inay Somalia Joogi doonin ayaa ka mid ah Caqabadaha ugu culus ee Xukuumadiisa ka hor yimid.

Comments are closed