|

Bulshadda Ku Dhaqan Xaafada Istanbuul Ee Magaaladda Hargaysa oo Cabasho Iska Soo Hor Jeeda u Diray Maamulka Gobolka Maroodijeex & Xukuumadda Dhexe DAAWO

Hargeysa 17. July 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Xaafada isku raranta ah ee Istanbul ee Magaaladda Hargaysa ayaa Cabasho ka muujiyey Xadhig uu Badhasaabka Gobolka Maroodijeex ku sameeyay Gudoomiyihii Xaafadaas oo uu ku eedeeyay inuu Gubi jiray Guryaha xaafadaas ku yaala,waxayna sheegeen in arrintu aanay sida uu Gudoomiyaha Gobolku sheegay ahayn Balse uu jiray Khilaaf u dhexeeyay Ninkan Xidhan iyo Nin kale oo Gudoomiye inuu xaafada ka yahay sheeganayaay.

Dhinaca Kale Qaar ka mid ah Bulshada Xaafadaas ayaa Mudaharaad la hor tagay Xarunta Maamulka Gobolka Maroodijeex iyagoo sheegaya inay ka hayaan Ninkan ay ka Cabanayaan.

Comments are closed