|

‘’BBC-du Weligaaba Madaxweyne Haku Tidhaahdee, Anagu Waxaanu Kuugu Yeedhaynaa Waxa Aad Tahay,.’’ Sheekh Aadan-Sunne Oo Si Adag Ugu Jawaabay Madaxweynaha DDSI

‘’Waxaynu leenahay ninkaas maxaa jawaab innooga ah Jawaab kale kuuma haynee adiga iyo anagaba awoowyaasheen iyo ayeey-yaasheen waxay odhan jireen ma taqaanaa? Waxay odhan jireen; Axmaarka uraaya intaad eridaan, Bal maad arrinkiina ALLAAH ku xidhaan, Alloow ligu attoor indhaha ka ridoo, Alloow   ubadkiisa agoon ka dhigeey. Adigay kugu socotaa imika adiga weeyaan,..’’ Sheekh Aadan-Sunne

Hargeysa,30November,2015(QJ/SDN)- Dhawaan ayay ahayd ka dib markii Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu sheegay in Albaabada la iskugu dhufto madaarista qur’aanka kariimka ah lagu barto gaar ahaan kuwo uu sheegay in ay faafinayaan fikirka Al-shaab, isagoona ku tilmaamay madaaristaasi waxa uu ugu yeedhay Al-shabaabta qarsoon.

Haddaba, Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa, ayaa si adag uga jawaabay hadalka uu Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ku sheegay inay jiraan Madaaris lagu dhigo Fikirka ay aaminsan yihiin ururka Al-shabaab isla-markaana ay tahay in la baa’biiyo.

Sheekh Aadan-Sunne ayaa arrintan kaga hadlay Khudbad uu ka jeediyay mid ka mid ah masaajida magaalada Hargeysa, iyadoo hadalkan sheekhu uu daba socday hadalka uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ku weeraray Maddarasadaha uu sheegay in lagu dhigo Fikirka Al-shabaab, ayaa eedaymo ugu jeediyay Madaxwaynaha Kililka Shanaad ee Itoobiya.

Waxa uu Aadan-Sunne oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi; “Geeska Afrika ka warran baa lagu yidhi (Madaxwaynaha Kililka Shanaad) markaasuu yidhi Geeska Afrika Cadow kaliya ayuu yeeshay, Cadawgaana idinku Al-Shabaab baad tidhaahdaan ee anigu Qushaash baan u aqaannaa’ ayuu yidhi. Laakiin, waxaan leeyahay haddaad adigu Qushaash tidhi Gaalada iyo Xabashidu waxay yidhaahdaan Al-Shabaab oo way ku Af-dhaamaan.”

Madaxweynaha Kililka Shanaad ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waraysigaas uu bixiyey ku sheegay inaanu Al-Shabaab u aqoonnin keliya inta hubaysan ama qoryaha sidata, balse ay jirto Al-Shabaab qarsoon oo aan dadka u wada muuqan. Waxaanu Madaxweynuhu xusay in Maddaariista Diiniga ah (Malcaamadaha) qaarkood lagu dhigo fikirka Al-shabaab.

Sheekh Aadan-Sunne oo hadalkaas Madaxweynaha si toos ah uga jawaabaya, waxa uu yidhi; “Wuxuu yidhi (Madaxweynaha Killilku) ninka qoriga haysta ee isqarxinaya dhib malaha oo mar baannu dili doonnaa, laakiin dhibta weyni waxay ka taagan tahay buu yidhi Maddaariska Diiniga ah ee fikirka Al-Shabaab soo saara. Maddarasadaha uu u jeedo Hargeysa kow bay ka tahay, waxaanan xog ku hayaa kuwii agtiisa (Maddarasadihii) beri hore ayuu u tashaday oo Midh xor ahi kama hadhin oo waxa loo wada dhiibay Firqatul-Xabuush.”

Sheekh Aadan-Sunne waxa uu tilmaamay in hadalka uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ee ahaa wax ha laga qabto Maddarasadaha uu sheegay in lagu dhigo fikirka Al-shabaab ay u fahmayaan inuu ku baaqayo in la xidho Maddarasadaha. “Wax ha laga qabto Maddarasadaha waxaannu u fasiranaynaa halla dabar-gooyo oo albaabada halla isugu dhufto.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Sunne.

Dhanka kale, Sheekh Aadan Sunne ayaa Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ku sheegay in uu Daba-dhilif u yahay itoobiyaanka ama xabashida sida uu sheegay, isagoo xusay in aanu Cabdi Maxamuud Cumar u qalmin in loogu yeedho Madaxweyne ‘’BBC-du weligaaba Madaxweyne haku tidhaahdee anagu waxaanu kuugu yeedhaynaa waxa aad tahay, waxa aad tahay kaliya waa maxay? Badhasaab dabadhilif Itoobiyaanka u ah baad tahay, badhasaab kidhimeed ayaad weliba tahay mid madax-bannaan ma tihid, kidhimada la haysto mid ka mid ah ayaad haysataa weliba waxa aad tahay ee runtaa waxa ay tahay saaxiibada maamulka kidhinka kula soo maray ninkii ugu liitay baad tahay, haddaad xabashida agtooda ammaan ka heshay oo wakhtiga lagugu baaqi yeelay ee labadii doorasho ee tobnaad kuu socdaan, raggii kaa horreeyay shanta sanno ee u horreeya may dhammeysan jiran jeelna kamay sokeyn jirin, adigu waxaad noqotay Ibni baarri ah, xayle salaasayaasha ayaad baarri u tahay..’’ ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne

Kiniisadda Wareegta waad ogoshahay, meesha waddanka boqolkiiba boqol lagu yahay waxaad ogashahay in Kiniisad laga dhiso, laakiin madarisada Qur’aanka iyo Sunnadu inay furnaato ma ogolid xattaa halkaad ka taliso iska daaye Soomaaliyada kale inay ka furnaato… waxaynu leenahay ninkaas maxaa jawaab innooga ah Jawaab kale kuuma haynee adiga iyo anagaba awoowyaasheen iyo ayeey-yaasheen waxay odhan jireen ma taqaanaa? Waxay odhan jireen; Axmaarka uraaya intaad eridaan, Bal maad arrinkiina ALLAAH ku xidhaan, Alloow ligu attoor indhaha ka ridoo, Alloow   ubadkiisa agoon ka dhigeey. Adigay kugu socotaa imika adiga weeyaan,..’’ ayuu markale yidhi Sheekh Aadan Sunne isagoo la hadlaaya Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Sheekhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi ‘’Axdi malaha Xabashidu ninkii aaminaayoow, Nin abeeso koriyoow, adiguun baa u aayi,’’

Ugu danbeyntii, sheekha ayaa ummadda uga digay Calmaaniyadda iyo manaahijka shisheeye ee dugsiyada dalka ardayda loogu dhigo ‘’shil dil ku dhimo nin rag ahi waa gayaa, sharaf se nooloow, waar diintani quyuuriin ayay halkan kusoo gaadhay quyuurkiina waa dhalan maantana wuu noolyahay, idinka daahoosho inaad noqotaanbaan idiinka digayaa, oo aydaan Calmaani iyo amxaar iyo ingiriis iyo maraykan iyo manaahijtooda ay idiin soo rareen/qoreen taas in aanay diinta islaamku cisi ku gaadhayn’’ ayuu khudbadiisa ku sheegay Sheekhu.

Si kastaba ha ahaatee, Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar Wareysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da uu ku sheegay in albaabada la iskugu dhufto madaarista qur’aanka kariimka ah lagu barto gaar ahaan kuwo uu sheegay in ay faafinayaan fikirka Al-shaab, isagoona ku tilmaamay madaaristaasi waxa uu ugu yeedhay Al-shabaabta qarsoon.

 

Contact:Khaalidfoodhaadhi@gmail.Com

Qurbejoog: Hargeysa

Comments are closed