|

Beel iyo xildhibaan ka deyriyay dagaalka Laascaanood

Hargeysa Feb 19, 2023 (QJ) – Madax dhaqameedka beesha Garxajis ee Somaliland ayaa soo saaray bayaan ku saabsan colaada ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxa ay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Muuse Biixi Cabdi in ay xil iska saarto arrimahan.

Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen cuqaasha iyo waxgaradka beeshaasi ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda magaalada Laascaanood iyo wada hadaladii u socday xukuumadda Somaliland iyo bulshada Laascaanood ee hakadka galay.

Waxa ay rajo xumo ka muujiyeen xabad joojintii hore iyo balanqaadyadii ay sameysay dowladda oo aan la fulin.

Cuqaasha ayaa sidoo kale canbaareeyay shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Laascaanood, waxayna ku booriyeen ciidamada Milatariga Somaliland inay isaga baxaan magaalada, iyagoo carabka ku dhuftay in colaadaasi ay dhibaato u geysanayso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen dowladda in madaxda deegaanka ay u ogolaato in ay ka qeyb qaataan waanwaanta nabada iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaada.

Madax dhaqameedka SSC oo manta saxaafada kula hadlayna waxa ay soo dhaweeyeen baaqa beesha Garxajis ku canbaareeyeen dagaalka Laascaano ka socda malintii 12aad.

Geesta kalena Maxamed abiib oo ka mid ah xubnaha aqalka Wakiilada Somaliland oo isna shirjaarid manta qabtay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Laascaanood aanu aheyn mid qaran balse ah mid sokeeye, waxa uu meeshaka saaray sheegashada Xukuumada mudadeedii dhamaaday in Laascaanood dibedda looga soo duulay isla markaana dagaalku aanu heysan sharciyada bacdamaa aan la horkeenin golleyaasha sharci dejinta.

Waxa isa soo taraya baaqyada reer Somaliland ku diidan yihiin dagaalkan uu ku keliyeystay Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed