|

Beelaha Mucaarida Somaliland iyo safarka Muuse Biixi ee Mareykanka

Hargeysa (SD) – Mucaaridka Beelaha Bariga iyo Galbeedka Somaliland ee ku nool woqooyiga America ayaa diyaariyay banaabax balaaran oo looga soo horjeedo safarka la sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku imanayo Washington.

Sida aanu ku heyleyno waraka diyaargaroowga dibedbaxa ayaa sheegaya in mucaaridka beelaha bariga iyo Galbeedka iyo midnimadoonka beelaha dhexe in ay dibedbaxa wadajir uga shaqeynaya.

Madaxweyne Biixi ayaa mucaaridada beelaha ee ku wejahan maamulkiisa ay sare u kacday ka dib cadaalad daro baahsan oo uu dalka ku maamulayay mudadii uu xilka hayay.

Waxa haatan socda diyaarinta muuqalada xadgudubyada ay ku kacday xukuumada Biixi oo la doonayo in dunida loo soo bandhigo.

Sidoo kale waxa haatan bilawday ururinta xogaha dadka ka shaqeynaya safarka Muuse Biixi iyo sidii loogu sheegi lahaa diidmada safarkan.

Halkan kala soco wixii ka soo kordha arimahan

Comments are closed