|

Wasiir Ciise Keyd oo beeshiisa ku wergeliyay in uu iscasilayo, iyo sababta

Hargeisa (QJ) – Wararka ka imanaya magaalada Hargeisa ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland uu goaansaday in uu iscasilo, ka dib markii madaxweyne Biixi u sheegay in uu xilka u bedelayo.

Wasiirka Ciise Keyd ayaa la sheegay in uu goaankiisa ku wargeliyay madax dhaqameedka beesha Hawd oo u muuqtay in ay isugu biyo shabaneyso Kulmiye.

Goaanka Wasiir Keyd ayaa imanaya xili Madaxweyne Biixi uu dib ugu gacan haatinayo siyaasiyiin reer Bari ah oo uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi iyo Baashe Cawil, oo iyagu daneynaya xilkan.

Wasiirka ayaa lagu wargeliyay in loo bedelayo wasaarada Caafimaadka, taa oo uu ku gacan seyrtay.

Wasiir Ciise Keyd ayaan la hubin halka siyaasiyan uu sal dhigan doono marka madaxweyne Biixi goaankiisa shaaciyo.

Beesha Hawd ayaa shaki la gelinayaa in ay ku sii sugnaan doonaan Kulmiye iyo in ay sidii hore xisbiyada ku kala biiridoonaan.

Comments are closed