|

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay colaada Sool

Muqdisho August 27,2023(QJ)-Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen 22 dal iyo 5 hay’adood oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa lagu cambaareeyay isla markaana ku baaqay in si deg deg ah xabadda loo joojiyo colaada dhawaan ka dhacday magaalada Laascaanood.

“Saaxiibada beesha caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.” ayuu lagu yiri warka saaxiibada caalamiga ah.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah.”

Dagaalkan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, burbur baahsan iyo in ciidamada Somaliland ee ku suganaa gobolka Sool laga saaro.

Bayaanka beesha caalamka ayaa ku baaqaya in nabadda lagu soo celiyo wada hadal iyo in loo hogaansamo wada xaajood aan shuruud ku xirneyn.

“Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka.”

“Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo gargaarka bini’aadantinimo ee aan la hor istaagin iyo gaarsiinta gargaarka dadka baahan”

Dhawaaqan waxa uu imaanayaa kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka ay ku lug leeyihiin maamulada Somaliland iyo Khaatumo, waxaana barbar socda abaabulo cusub iyo walaac.

Baaqa beesha caalamka ee xabbad-joojinta waxay ujeedediisu tahay in la joojiyo colaadda, laga hortago dhiig kale oo daata, iyo horumarinta wadahadal si xal nabadeed loogu helo xaaladda.

Comments are closed