|

HEEGO oo saxaafada Somaliland ka hor joogsatay qabsashada Goojacade iyo tebinta xaalada Sool

Hargeysa August 26, 2023 (SD) – Xukuumada Somaliland ee ciidamadeeda laga soo saaray gobolka Sool ayaa ka horjoogsatay saxaafada madaxa banaan in ay soo bandhigto xogta iyo xaalada degaanadaa.

Sida ay noo xaqiijiyaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha hayadaha warbaahinta Somaliland, kooxda dalka sida dadban u maamusha ee HEEGO ayaa ugu cagajugleysa in aaney baahin kareyn xaalda faashilka ah ee goobolka Sool ka jirta haatan.

Qaar ka mid ah suxuufiyiinta madaxa banaan ee Hargeysa ayaa ka hawlgala ayaa sidoo kale amarkaa iyana la dulshigay.

Waana sababta keentay in aaney bulshada reer Somaliland isweydiin cida leh masuuliyada ciidamada jabay iyo dhibaatada ka dhalan karta arintan.

Saxaafada madaxa banaan ee Hargeysa ayaa kala garaneyn tebinta xaqaaiqa dalka ka jira iyo ka horimaadka ciidamada dalka. Sidoo kale dhalintan saxaafada ka hawlgasha ayaa naloo sheegay in qaar badan oo ka mid ahi in lacago yar lagu siiyo baahinta wararka xukuumadu u dhiibto.

Shacabka Somaliland ayaan ilaa hatan xog waafi ah ka heysan in guuldaro baahsani ciidankii 30ka sano la dhisay ay si kedis u soo wejahday, isla markaana aan la ogeyn sababta ilaa haatan.

 

Comments are closed