|

Berri oo shirka Garxajis uu ka furmayo magaalada Burco

Hargeysa. 24 October, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa maalinta berri ah ka furmaya shir ballaadhan oo ay iskugu imanayaan beel waynta Garxajis oo degta shan gobol oo ka mid ah lixda gobol ee Somaliland.

Abaabulka shirka ayaa laga dareemayaa Guud ahaan Somaliland gar ahaan magaalada Burco, iyadoo ay buuxsameen hoteelada gudaha magaalada.

Shirka oo la filayay in uu duleedka magaalada ka dhaco ayaa lagu qabanayaa Kaagi Hotel Burco iydoo Wada tashiyadii ugu danbeeyay ay socdaan hadda.

Beesha Garxajis ayaa ka shiraysa xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyadoo doorkan rabta in ay qabato talada Somaliland.

Waxa si wayn loogu dhag taagayaa waxa kasoo baxa shirkaas.

Comments are closed