|

Berrigii Saleebaan Aden ”laga maarmey” ee ”Zaylici lagu badbaaday” waa taariikhda Berri

kulankii (27/5/2015) ee lagu  soo afjari lahaa  xurguftii ka dhalatay  kordhinta mudda xileedka madaxweynaha iyo golayaasha oo la filaayey in laga gaadho heshiis  loo dhan yahay oo ay wada qaataan Guurtidda, xisbiyadda (3) iyo dawladu umuu dhicin sidii laga filaayey mana burburin.
Waxaan heshiiskaas  loo dhan yahay ka suurta geliwaayey dhinaca guurtida markii Guddomiyaha Guurtidu , Saleebaan Adan , uu kiciyey siigo aan cidi dhugan  debedana  uga baxay fadhigii, markii uu ku qanciwaayey qoddobadda ay xisbiyaddu ( UCID, WADDANI iyo KULMIYE)  ku soo heshiiyeen oo ahaa afar qodob oo ay qadarin guurti  iyo xal doorasho u arkeen.
Furtuurka Saleeban iyo diidmaddiisa qodabadda heshiisku may noqon midka dhigta shirka mid lagu kala kaco oo burbura, waxase qalinka ku dugay qodobadii ay xisbiyaddu golaha layimadeen Madaxweyne ku xigeenka JSL, mudane saylici oo u sexeexay dhinicii dawladda sidaana heshiiskii ku meel mariyey kana dhigay in  laga maarmo madax buuxinta Gudoomiyaha Guurtida, loona dhutin doonin diidmadiisa in heshiis la gaadho.
Haddaba si loo laalo go’aankii guurtidda ee muddo kordhinta loona xalaaleeyey go’aanka ay wada qaateen xisbiyadda iyo xukuumaddu, waxaa ilaa beri loo ergayn doonaa  guurdida si ay u ogoladaan in ay laalaan go’aankoodii hore lana qaataan xalka xisbiyadda iyo xukumadda inteeda kale si khilaafka guud ahaan loo soo afjaro
Haddii ay beri guurtidu oo uu saleebaan  aden hor boodaayo ay  ku sii adkaystaan in ay halkoodii hore taagnaadaan (2017), waxaa loo gudbin doona Maxakamadda sarre si ay go’aankaas u laasho una meel mariso go’aanka ay Maddaxweyne ku xiggeenka  iyo xisbiyaddu wadda qaateen ee ah in ay doorashooyinku (baarlammanka iyo Madaxweynuhu) qabsoomaan December 2016.
Ceesantu baroorta ka weyne, waxay u muuqataa awood sheegashadda Saleeban Aden iyo xil kordhintiisa dawladda iyo golayaasha ee uu ku dhegan yahay mid  uu ku xumaynaayo Madaxweynaha, JSL, Axmed Maxamed, Maxamuud (Silaanyo) oo uu dadka u tusayo in uu isagu yahay kabiirka dalka arinkana u yahay  ismuujina oo u soo martay, taas oo uu waxbadan u ciilqabay in uu mar uun dalka ka taliyo tiisana lagu socdo.
 Haddaba muddane Saleebaan Aden, intii uu xilka gudoomiyaha golaha guurtida hayey, marka loo eego shir gudoonkii ka horeyey marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, marnaba muu fulin mahadho taariikhi ah oo xal iyo maslaxad dalka u ah oo lagu xasuusto. Laakiin intii uu xilka hayey waxaa dalka hadheeyey mashaakiil uu gudoomiyihii hore hal u dooni jiray Saleebaanse xil iska saarin laguna xanto in uu qaarkood lug ku leeyahay.
Waxaanse filayaa in uu xiligan kala guurka odaygu uga jeeddo in la yidhaa berrigii Saleeban Aden la ” Mariwaayey” waxayse u dhacday in ay taariikhda gashay  berigii Saleebaan aden ” Laga maarmay” ee ”Saylici” lagu reeyey.
By Mohamoud Arrale                   

Comments are closed