|

Maxay Qabataa Sidayse u Shaqaysaa Hay’ada Waddaniga ah ee Shaqo Doon oo Mudo Dhawr Sano ah dalka ka hawl galaysay?

Hargaysa 26. March 2017 (SDN/QJ):- Hay’ada Shaqo Doon Waxay ka dhisan tahay Somaliland Waxay dhallinyaradda ka Caawisaa Sidii ay u heli lahaayeen fursado shaqo Maadaama Culayska u weyn ee dhallinyarada reer Somaliland haysataa ay tahay helitaanka Shaqo ay ku maareeyaan noloshooda iyo ta Qoysaskoodaba.

Axmed Cali Jaamac oo ah Madaxa Mashaariicda iyo Barnaamijyada ee Hay’ada Shaqo doon ayaa xogwaran uu siiyay Barnaamijka Baro oo ku dayo Muwaadinkaaga ku dayashada mudan rubuc qarnigii tegay oo uu soo qaban qaabiyo aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin oo ah waxa uu kaga warbixiyey Waxqabadka hay’adan Ujeedooyinkii loo aasaasay iyo arrimo ku taxaluqa himilada ay leeyihiin.

Axmed Cali ayaa ka hadlay Xiligii ay hay’adan la aasaasay ‘’Shaqo doon waxaa la aasaasay Sannadkii 2011-kii Waxayna ka dhalatay Mashruuc ay waday hay’ada EDC Education Development Centre oo dhiirigelinayay sidii Dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo iyo sidii loo bari lahaa Xirfado ay ku shaqo tegi karaan, Mashruucaaasi wuxuu Socday mudo afar sanno ah markii uu dhamaaday ayaa Xubnihii ka Shaqaynayay waxay Is Tuseen Maadaama Mashruucu faa’iido badan dhalay inuu isu taago hay’ad Waddani ah intii uu xidhmi lahaa sidaas ayaanu ilaa iminka hay’adani ku Shaqaysaa’’

Madaxa Mashaariicda iyo Barnaamijyada ee Shaqo Doon Waxaa Kale oo uu ka hadlay Waxyaabaha ay Hay’adani qabato Waxaanu yidhi ‘’Shaqo doon waxay samaysaa inay dhallinyarada siiso talooyin ku aadan shaqooyinka ay qaban karaan iyo Sidoo Kale inay dhallinta u samayso Xirfado ay ku shaqo tegi karaan,Markaas dhallinyarada Jaamacadaha ka baxday ayay Tababartaa Sidoo Kale Xirfado ayay u abuurtaa,Sidoo kale waxaanu Caawinaa ganacsatada oo aanu siinto talooyin ku aadan sida ay ganacsigooda u horumarin karaan waxaa Kale oo hay’adani ay leedahay qayb dhiirigelisa isla Xisaabtanka iyo Maamul wanaaga nidaamka dawladnimo’’

Axmed Cali Jaamac Waxaa kale oo uu Iftiimiyay dhibaatooyinka Shaqo la’aaneed ee Maanta haysta Dhallinta Somaliland iyo Sida ay Marxaladaas adag ugu Shaqayn karaan Waxaanu Yidhi ‘’Xogta la hayaa ee Somaliland waxay tahay in 75% Ilaa 70% in dhallinyarada da’doodu ka hoosayso 30 Jirku aanay haysan wax Shaqo ah taasi waxay ku Tusaysaa in Shaqo la’aantu ay tahay mid aad u baahsan waxaana taas soo raaca dhaqaalaha waddanka oo aad u yar Isla markaana aan Saamaxayn in tirada intaas le’eg shaqo loo sameeyo waxaa kale oo arrintaas Culays ku keenay iyadoo uu taagan yahay Suuqii la rabay inuu dhallinyarada Shaqaalaysiiyo,Sidaas darteed waxaa Caqabad noqday Sidii da’a yarta badan ee Jaamacadaha ka soo baxaysa ay u heli lahaayeen Xirfado ay ku shaqeeyaan,Waxaanu ka fikirnay Sidii aanu u samayn lahayn in Dhallinta ku Jirta Jaamacadaha in iyagoo waxbarashadoodii wata ay hadana Xirfado shaqo u abuuran lahaayeen marka ay aqoonta Jaamacadeed soo dhamaystaan, Anagu (Hay’ada Shaqo-Doon) Waxaanu hargaysa ku leenahay Xarun weyn oo ay Yimaadaan dhallinyaradda Shaqo raadiska ahi Markaas anagu Markiiba intaanu qofka CV-giisii ka qaadno ma gayno Shaqo balse marka hore waxaanu siinaa Tababar qaata Mudo 3 Todobaad ah kaas oo ka caawinaya inay qofka laftiisa ka timaado fursad uu shaqo ku raadin karo waxaa Xafiiskayaga jooga la taliyeyaal u khaas ah qofka shaqo doonka ah waxaanu qofka u Samaynaa Qaabkii uu u dhigi lahaa Codsigiisa Shaqo iyadoo aan la Buun buuniyayn laakiin wixii uu soo bartay oo keliya loo qoro Diiwaan ayaanu ku kaydinaa Waxaa noo yimaada Ganacsato iyo dad kale oo raba Cid Goobaha ay Leeyihiin ka Shaqaysa Xogta aanu hayno ayaanu u eegnaa iyo Cida uu rabo inay Shuruudaha buuxisay Kadibna Sidaas ayaanu Ganacsadihii iyo Qofkii Shaqo raadiska ahaa Isugu Xidhnaa,Markaas doorkayagu Waa Kaalmayn iyo Gacan qabasho’’

Madaxa Mashaariicda Iyo Barnaamijyada ee Hay’ada Shaqo doon waxaa kale oo uu sheegay inay Jiraan Ganacsato iyo hay’ado dad ajaaniib ah shaqo siiya iyadoo dhallinyaradoodii ay bilaa shaqo yihiin Waxaa kale oo uu xusay in Dugsiyadii Farsamada gacantu Waddanka aanay ka Jirin isagoo intaas ku daray inay hawlgalinta dugsiyada farsamada gacanta ay kala hadleen Wasaaradda Waxbarashadda oo uu Xusay inay Qudhoodu aad u danaynayaan Sidii Dhallinyarada galaysa Jaamacadaha dalka badh ka mid ah loogu leexin lahaa Iskuuladda Farsamada Gacanta,halka qaybta kalena ay jaamacadaha ka soo bartaan aqoonta takhasusaadka ah Sida Dhakhtarnimada, Injineernimada & Wixii la hal maala Waxaa Kale oo Sarkaalkani Sheegay in Mudadii ay hay’adani Dalka ka hawl galaysay ay Shaqo abuur u Sameeyeen Dhallinyaro tiro badan isagoo Sheegay inay ka Najaxeen dhallinyaro ka badan 500 oo Dhallinyaro ah oo ay u sameeyeen Xirfad Shaqo iyagoo Kaashanaya hay’ado la shaqeeya Isla markaana ay geliyeen dhaqaale dhan Lix Boqol iyo Konton Kun oo dollar waxaana ka soo baxay ayuu yidhi Fikrado waxtar leh oo bulshada faa’iido u leh Waxaanu hoosta ka xariiqay in aanay wax taageero ah ka helin dawlada balse ay rajaynayaan inay ku qanci doonto Xukuumaddu qorshayaasha ay u dejiyeen shaqo abuurista dhallinyaradda.

Waxaa kale oo Madaxa Mashaariicda & Barnaamijyada ee Hay’ada Shaqo doon Xog warankan oo aad u dheeraa uu ku sharaxay Higsiga iyo Himilooyinka u degsan hay’adan Mustaqbalka dhow iyo ka fog ee ku aadan sidii da’a yarta Somaliland ay u heli lahaayeen Shaqooyin ay noloshooda ku dabaraan isla markaana ay kaga Joogsadaan Aafada Tahriibta.

Comments are closed