|

Booliiska Jubaland oo soo qabtay magafayaal

Kismaayo February 23, 2024 (QJ) -Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa howlgal socday muddo 24-saac ah waxa ay ku soo qab qabteen shaqsiyaad ku howlanaa tahriibinta dadka dhalinyarada ah ee ku nool magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.

Taliska Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay 13 ruux oo ay ku jiraan 4 qof oo si toos ah uga ganacsanayay tahriibinta dadka, halka kuwa kalena ay ahaayeen dhalinyaro doonayay in ay u tahriibaan dalka dibadiisa.

Dadka la qabtay ayaa labo kamid ah waxaa laga soo qabtay deegaanka Bilis Qooqaani oo ku dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay Korneel Maxamed Cumar oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose.

Comments are closed