|

Al Shabaab oo baahiyay muuqaalka

Muqdisho February 23, 2024 (QJ) -Shalay ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay soo bandhigeen muuqaal muujinaya nin ay sheegeen in uu mas’uul ka ahaa weerarkii dhawaan lagu qaaday xerada tababarka ciidamada Jeneraal Gordon ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Muuqaalkan oo ay shalay Al-shabaab soo bandhigtay ayaa muujinaya ninkan isagoo ku sugan deegaannada ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, taasoo uu ku sheegay inuu si la dagaalami doono dowladda Soomaaliya iyo xulafada caalamka.

Ninkan oo kooxdu ay magaciisa ku sheegtay Mustafa ayaa ka mid ahaa askar dhawaan lagu qoray xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Waxa uu ka mid ahaa tobaneeyo askari oo laga soo dhex saaray cutubkooda oo loo xil saaray ilaalinta xerada.

Saraakiisha ugu sareysa howlgalka Imaaraatka Carabta ee Koonfurta Soomaaliya ayaa wax ka yar 48 saacadood iyagoo ku sugnaa dalka, waxa ay booqdeen xerada. Dadkaan ayaa waxaa loo galbiyay Masaajidka, xilli Salaaddii Maqrib ay ka bilaabantay, waxaana la sheegay in la dilay xilli ay Salaadda tukanayeen.

Ninka wax dilay ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Bakool, gaar ahaan Degmada Xudur. Dowladda ayaa wali wada baaritaanka kiiskan culus ee musiibada ka noqotay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Comments are closed