|

Booliiska Somaliland Oo Tallaabo Adag Ka Qaaday Maamulka Shirkadaha Laydhka & Biyaha Ee Boorama, Oo Lagu Eedeeyay Inay Diideen Qaadashada Lacagta Somaliland Shilling DAAWO

Boorama 18. September 2017 (SDN/QJ):-  Masuuliyiinta Shirkadaha bixiya adeegyada aasaasiga ee Biyaha iyo Laydhka ee lagu magacaabo SHABA iyo ALOOG ee magaalada Boorama ayaa Ciidammada Boolisku xidh-xidheen, ka dib markii ay dadweynaha magaaladaas kaga cawdeen inay ka qaadan waayeen lacagta Shillinka Somaliland, iyagoo sheegay inay ka doorbideen lacagta doolarka.

Saraakiisha ciidanka booliska degmada Boorama ayaa sheegay in dadweynuhu ay cabashooyin u soo gudbiyeen ciidamada, kuwaasoo salka ku haya in shirkadaha laydhka iyo biyuhu ay diideen qaadashada lacagta shillinka Somaliland.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Awdal Gaashaanle Dhexe Maxamed Axmed (Gacma-yare) oo Shalay warbaahinta uga warramay hawl-gal ay ku xidheen Masuuliyiinta iyo Qaar ka mid ah Shaqaalaha Shirkadaha Laydhka iyo Biyaha ee ALOOG iyo SHABA oo gaar loo leeyahay ayaa tilmaamay inay Masuuliyiinta Shirkadahaasi diideen lacagta Qaranka ee Shillin Somaliland, sidaasi darteedna loo xidh-xidhay, maaddaama bay yidhaahdeen in diidmada lacagta dalku ay tahay dembi “Saaka (Shalay) waxa noo yimid warbixinno lagaga cabanayo lacagta shillinka Somaliland oo dad badan ay soo sheegeen inay diideen shirkadaha ay ka mid yihiin Aloog ee laydhka iyo shirkadda biyaha ee Shaba, waxa xidhan dad ka mid ah dadkii lacagta qaranka ee shillin Somaliland diiday, iyagoo diiday noodhka shanta boqol iyo kunka shillin.” ayuu yidhi taliyuhu.

Gaashaanle dhexe Gacma-yare oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen xubno iyo masuuliyiin ka tirsan shirkaddahaas, waxaanu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay diidaan lacagta Somaliland, waxaanu yidhi. “Dadkaas waanu soo xidhxidhnay, sharcigaanu horgaynaynaa, dadweynaha reer Booramana waxaanu ka codsanaynaa inay nala shaqeeyaan, ganacsatada iyo shirkadaha kuwaas la midka ahna waxaanu uga digaynaa inay diidaan lacagta qaranka, waana dembi, ciddii diidana talaabo sharci ah ayaanu ka qaadaynaa, ciidanka booliskuna wuxuu ku amran yahay in ciddii lacagta qaranka ka hortimaada inuu gacan bir ah ku qabto.”

Booliisku waxa kale oo ay sheegeen in labada Shirkadood ay ka soo xidheen Lix Ruux, kuwaasi oo Shan ka mid ah laga soo xidhay Shirkad, hal Qofna laga soo xidhay Shirkadda kale.

Comments are closed