|

Dawladda Imaaraadka Oo La Filayo Inay Cutubyo Ciidamo Ah Usoo Dirto Somaliland & Asbaabaha soo Dedejiyey

Dubai 18. September 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa la filayaa todobaadyada soo socda inay inay Somaliland usoo dirto cutubyo Ciidamo ah, kuwasoo sheegay inuu saldhig u noqon doono Madaarka Magaaladda Berbera. Ma jiro War si cad arrinkaa daboolka uga qaaday oo kasoo baxay dawladdaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Hase-yeeshee sida lagu sheegay Warar Wargeyska Yool ka helay ilo looga qaateen ah, oo codsaday inaan la xusin, waxay tibaaxay Ciidamada kusoo jiheysan Somaliland ee dawladda Imaaraadku inay tiradoodu noqon doonto mid xadi-den ama kooban oo aan badnayn, hase-ahaatee ay fasax u gollaanaya inay gutaan wajib kastoo looga baahdo, waxanay illaha xogta Wargeysku ka helay xuseen in arrinka dootrashada iyo dareenada Bulshada Saaxil qayb ka yihiin arrimaha soo de-dejiyey Ciidamada la filayo  dawladda Imaaraadku inay keento doorashada ka hor Somaliland.

 

 

Waxa kaloo Wararka Ciidamada la xidhiidha intaa raaciyeen in Xukuumadda Somaliland amartay maamulka gobolka Saaxil iyo laamaha kale ee ku shaqadda leh sida ugu dhakhsaha badan in looga guro Madaarka Magaaladda Berbera dhamaan agabka yaal oo dhan, sida qalabka xafiisyada, Mishiinada Laydhka, gaadiidka iyo agabka kale ee dawladda ee yaala gudaha ama xafiisyada Madaarka Magaaladda Berbera, sida darteed Wararka laga helayo gobolka Saaxil, ayaa lagu sheegay dhawrkii maalmood ee u dambeeyey in Madaarka Berbera gudihiisa laga wadday oloole lagaga gurayo madaarka dhamaan agabkii dawladdu lahayd ee yaalay.

 

Geesta kale, sida xoggaha lagu sheegay arrinka Ciidamada, ayaa ka dhashay kaddib markii dawladda Imaaraadka uu waalac ka galay mawqifka adag ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iska taagay Saldhigga Iyo Dekedda Berbera gacanku hayntooda, sidaas darteenna Ciidamadooda hor-dhaca ah ay ugu talo-galeen in joogi-taankoodu uu noqdo mid ay ugu talo-galeen Lugna baqe lugna diriir, kolka sidii Doorashaddu u dhacdo mucaarid iyo muxaafid ciddii ku gelaysan doontaa oo saadaasheeddu mad-madow ka gashay.

 

Ciidamada Dawladda Imaaraadka Carabta ee sida la sheegay kusoo fool-leh Magaaladda Berbera, ayaa marka laga yimaado saameynta ay ku leeyihiin gudaha Somaliland, waxa isweydiini ka taagan tahay saameynta iyo darreenka ay ku yeelan doonaan gabi-ahaan mandaqadda Geeska Africa ee aynu ku nool nahay, taasoo marka la qiimeeyo wacyiga dalalka qaarkood ka jira, arrinka Ciidamada carbeed uu mandaqada ku noqonayo sidii dab Baasiin lagu shubay oo kale, isla markaana ciidamo shisheeye oo xilligan Somaliland la keena shido mooyee aanay shiffo u lahayn cidnaba.

Comments are closed