Borama 28.October 2013 (SDN)- Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta C/waaxid c/raxmaan C/dulqaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay safar shaqo oo ay muddo saddex maalmood ah magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ugu maqnaayeen wafti wasiiro ah oo uu isagu hogaaminayay.
Wasiirka Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN isaga oo joogay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in u jeedada socdaalka ay ku tegeen Boorama inuu la xidhiidhay mid ay ugu kuur gelayeen heerka uu tahriibku ka marayo gobolka Awdal iyo sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa dhalinyaradana looga wacyieglin lahaa.
Cali Siciid Raygal, isaga oo ugu horayn ka waramaya u jeedada socdaalka ay ku tegeen Boorama waxa uu yidhi “ujeedada safarka aanu Boorama u tegnay waxa ay ahayd waa kii madaxweynaha Somaliland u magacaabay gudi xubno wasiiro ah, kuwaasi oo loogu talogalay ka dib markii la arkay in dhalinyaro fara badan oo reer Somaliland ahi ay badaha ku dhimanayan oo da’a kasta leh, ayaa madaxweynuhu magacaabay gudi heer qaran ah oo ka kooban xubno wasiiro leh kuwaasi oo lagu talogalay inay gobolada dalka dhamaantood ay daraasad ka soo sameeyaan ku saabsan tahriibkan waxa keenaya, waxa uu ku salaysan yahay iyo dadka tahriibayaa nooca ay yihiin iyo arrinkani halka uu salka ku hayo, arrintasi ayaanay ahayd ujeedada aanu Boorama u tagnayd. waxaana jirtay in xubnaha wasiiradda ahi ay iskala qaybiyeen oo ay gobolada dalka u kala baxeen, markaa aniga iyo wasiiro kale oo aan ka mid ahay, waxaanu nasiib u yeelanay in aanu tagno magaalada Boorama, inkasta oo ay jireen hawlo qaran oo kale oo aanu fulinay, hadana muhiimadda safarkayagu taasi ayay ahayd”.
Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in mudadii ay joogeen magaalada Boorama in ay kulamo iyo shirar la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Boorama, sida masuuliyiinta waaxyaha dawladda, ururada bulshada iyo madax dhaqameedka iyo waalidiinta ay carruurtoodu tahriibeen.
Waxaanu yidhi “dhawr qaybood ayaanu shirar la yeelanay, madaxda laamaha dawlada ayaan u la shirnay, ururada bulshada ayaanu la shirnay, dadka waalidiinta ah ee ay carruurtoodii tahriibeen ayaanu la shirnay, dadkii tahriibta ka soo noqday ama iyaga oo dhibaataysan yimid, waxa kale oo aanu la shirnay Jaamacadaha, dhamaantoodba waxaanu kala hadalnay inuu tahriibu yahay shay xaaraan ah oo aan la ogolayn, dadkuna ay dalkooda aaminaan, wadaniyadda ay u soo jeedsadaan, mustaqbalkuna uu ku jiro dalkooda, laakiin aanu ku jirin wadan shisheeye oo la tago oo bada la isku guro”.
Wasiirku waxa uu sheegay oo kale in weftiga wasiiradda ahi ay kormeer ku soo mareen qaar ka mid ah Jaamacdaha ku yaala magaalada Boorama sida Jaamacada Caamuud iyo Eelo, waxaanu tilmaamay in markii ay Jaamacadahaasi buuqanayeen tilmaamay in markii ay Jaamacadahaasi buuqanayeen maamulkooda macalimiinta iyo ardayduba ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen, “labada Jaamacadood ee Camuud iyo Eelo waanu tagnay aad iyo aad ayaana la noogu soo dhaweeyay madaxdooda macalimiinta iyo ardayduba aad iyo aad ayay noo soo dhaweeyeen, waxaanay ahaayeen dad ay ka muuqatay inay ka go’an tahay aqoonta ay halkaa ku baranayaan inay ka midho dhaliyaan oo ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan, oo ay naftooda ku anfacaan, oo aanay niyadooda ku jirin inay meel kale tagaan laakiin ay ka muuqato in marka ay Jaamacadaha ka qalinjabiyaan inay dalkooda ka shaqaystaan. hamaan laamaha dawladda ee gobolka waanu la shirnay maamulka gobolka, ka degmadda iyo isku duweyaasha wasaaradaha. Markii aanu kormeer ku soo marnay ee aanu eegnay gobolku wuxuu u muuqday mid si wanaagsan u shaqaynayay dad aad u degan oo xasilooni badani ka muuqato meel waliba shaqadeeda haysto ayuu ahaa”
Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska, waxa kale oo uu sheegay in kulamadii ay la yeesheen dhalinyarada iyo aqoon yahamiinta Boorama in ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah, kuwaasi oo ay si buuxda iskula qaateen dadkii ay la kulmeen.
Waxaanu yidhi “Labo qodob oo aad muhiim u ah ayaanu ku aragnay xog ururinta aanu wadnay, ka koowaad dadkii aqoonta lahaa ee gobolka joogay markii aanu la shirnay waxaanu isla qaadanay in shaqo abuurka ay dadku samayn karaan, oo marka dib la iskugu tago ee la isku noqdo in dalka shaqo abuur laga samayn karo ee aan meel kaleba looga baahnayn, qodobkaasi waxa uu noqday mid aanu aad iyo aad iskula qaadnay oo ay dadkii aad u fahmeen ayuu noqday. Qodobka labaad taliyaha bilaysku wuxuu noo sheegay in halkii lix bilood ka hor uu tahriibku ka ahaa 650 ilaa 700 marayay iuu ilaa 25 marayo, oo ilaa maalintii uu madaxweynuhu gudidaa heer qaran magacaabay wixii ka dambeeyay inuu tahriibku afar jibaar hoos u dhacay oo uu bishii 25 qof marayo taasi oo ah arrin guul ah”
Dhinaca kale waxaa uu wasiirku sheegay in ay mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarka ahi ka socdaan magaaladda Boorama “Horumar badan ayaa ka socda, ku beeraha ah, waxbarasho ayaa socda, kuwo dhisme ah ayaa ka socda, garoonkii waynaa ee Boorama Stadium ayaa la wadaa, mashaariicda kuwo shicib wado iyo ku dawladi wadaba way ka socdaan” ayuu yidhi wasiirka ciyaaruhu.
Borama SDN.
Qurbejoog.com
