London April 06 2013 (SDN)— War ka soo baxay xafiiska wasaarada arimaha dibada dalka Britain ayaa digniin loogu jeediyay Muwaadiniinta dalkaasi inay u soo safraan Soomaaliya,iyadoo wasaarada rumeysan tahay in Soomaaliya ay ku sii badanayaan weerarada argagaxa oo laga yaabo in dhibaato ka soo gaarto Muwaadiniinta Ingiriiska,sida dowlada ay sheegtay.
Muwaadin British kasta oo ku sugan Soomaaliya waa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo baxaa,iyadoo sidaasi lagu shaaciyay wasaarada arimaha dibada ay leedahay.
Wasaarada arimaha dibada Britain ayaa shaaca ka qaaday in kooxo ka tirsan Al-Qaa’ida ay hanjabaado u jeediyeen shaqsiyaadka ka soo jeeda reer galbeedka ee ku sugan Soomaaliya,gaar ahaan kuwa ka shaqeeya hay’adaha wadamada reer galbeedka.
Majirto sigaar ah goob loo magacaabay oo Muwaadiniinta looga digay laakiin waxaa loo sheegay in meel waliba oo Soomaaliya ka tirsan ay ka fogaadaan u safritaankeeda.
Dhawaan ayay aheyd markii Xukuumada London muwaadiniinta ugu baaqday inay ka soo baxaan Deegaanada Maamulka Soomaaliland oo ay amaan xumi ku tilmaameen.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa,iyadoo bishii Decembar wasaarada arimaha dibada Mareykanka ugu digtay Muwaadiniinteeda Soomaaliya inay isaga baxaan,islamarkaana ka fogaan u soo safritaanka Soomaaliya sababo la xariira amaankooda.
Mareykanka iyo Britain ayaa diblumaasiyiin ka joogin Soomaaliya kuwaasi oo caawiya Muwaadiniinta wadamada ee hadii dhibaato ay la kulmaan.
Xukuumadaha Washitong iyo Britain ayaa wali ka muujinaya xaalada Soomaaliya walaac dhanka amaanka ah,islamarkaana ahayn mid la isku haleyn karo.
