|

Burcad badeed Soomaali ah oo Hindiya lagu maxkamadeenayo

Mumbai March 23, 2024 (QJ) -Burcadbadeeda Soomaalida ee laga dul qabtay markabka MV Ruen ayaa hadda lagu wareejiyay Booliska Mumbai, kuwaas oo la sheegay in ay u diyaarinayaan in Maxkamad la soo taago.

Soomaalida ayaa loo heystaa falal burcad badeednimo, afduub iyo in ay si xun ula dhaqmeen Hindi la sheegay in ay qabteen, sidoo kale waxaa la sheegay in ay waxyeelo u geysteen diyaarad ay leeyihaayeen ciidamada badda Hindiya.

Kooxdan oo ka kooban 35 nin oo la sheegay in dhawaan la qabtay, ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago, waxaana sidaa lagu wargaliyay safaaradda Soomaaliya ee India.

Ciidamada badda Hindiya ayaa awood ciidan u adeegsaday soo qabashada burcadbadeedda Soomaalida ah oo isku dayay inay is difaacaan, waxaana laga sii daayay markabkii ay qabteen bishii December iyo shaqaalihii la socday.

Comments are closed