|

Burundi oo Ciidamdii ugu badnaa kala baxay Soomaaliya

Bujumbura December 30, 2023 (QJ) -Dowladda Burundi ayaa si rasmi ah u shaacisay in ciidamadeedii ugu badan ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay kala baxday gudaha Soomaaliya. Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Burundi, bixitaanka ayaa dhacay 23-kii bishii December ee sanadkan, waxaana ka qayb qaatay tiro badan oo ciidan ah oo gaaraya ilaa 734 askari, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalkooda.

Markii ay soo laabteen ciidamada Burundi ayaa waxaa Bujumbura ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi, kuwaasi oo sheegay in ay uga mahadcelinayaan ka qeyb galka nabad ilaalinta.

Burundi ayaa ciidamadeeda qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007-dii. Ka bixitaankan ayaa la mid ah qorshaha wejiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS ee gudaha Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay in ugu dambeynta ay dowladda Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigto ammaanka dalka.

Sidoo kale, sanadka 2024-ka, qorshaha guud ayaa ah in ciidamada shisheeye ee ugu dambeeya ay dalka ka baxaan gabi ahaan, si Soomaaliya ay si madax banaan u maamusho arrimaheeda amniga.

Comments are closed