|

Nin Mareykan ah oo doonayay in uu Shabaabka ku biiro oo la qabtay

Nairobi December 30, 2023 (QJ) -Muwaadin Mareykan ah oo damacsanaa inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab ayaa 14-kii bishan laga soo qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Shaqsiga ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa urur argagixiso.

Waaxda cadaaladda ee dalka Mareykanka ayaa magaca shaqsiga ku sheegtay Karrem Nasr oo 23 jir ah, kaasi oo doonayay inuu xubin ka noqdo Al-Shabaab. Waxaa la shaaciyay in Nasr uu dhiirigelin ka helay weerarkii Xamaas ay October 7dii ku qaaday Israaiil.

“Sida lagu eedeeyay, Karrem Nasr waxa uu taageero agab ah u fidiyay Al-Shabaab, taas oo uu doonayay in uu ku biiro isaga oo hadafkiisu ahaa in uu noqdo mujaahid doonayay in uu ku jihaado Maraykanka iyo xulafadiisa,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Maraykanka Damian Williams.

Eedeysanaha oo looga shakisan yahay inuu ku biiri lahaa Al-shabaab ayaa bishii July ee sannadkan ka tagay dalka Maraykanka. Ka dib waxa uu ku sugnaa Masar ka hor intii aan lagu qaban Nairobi.

Ciidamada ammaanka Kenya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay shaqsigaasi, waxaana jira qorshe lagu doonayo in loogu gacan geliyo dalka Mareykanka, halkaasi oo la filayo in lagu qaado dacwado dhanka sharciga ah.

Comments are closed