|

BUUHOODLE: Culummo iyo Waxgarad si Adag uga Hadlay Fal lagula kacay Dad Reer Guuraa ah

buuhoodle

BUUHOODLE — Wax-garadka iyo Culummada Degmada Buuhoodle ayaa cambaareeyey Xiisad colaadeed oo dhimasho iyo dhaawacba sababtay oo ka dhacay deegaanka Cara-weyn oo ka Tirsan Gobolka Buuhoodle.

Caaqil Hidi Maxamed Aadan ayaa falkaas ku Tilmaamay mid fool xun, Waxaanu intaas ku daray in loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa.

Xiisaddaan Colaadeed ayaa ka billaabantay Khilaaf Dhex-maray Dad reer guuraa ah oo ay daaqsini kulmisay sida uu Shabakadda HOL u sheegay Maxamed Siciid oo deegaankaas ku sugan, isagoo Wuxuuna intaas ku daray in Rabshadahaasi isku beddeleen mid uu dhiig ku daatay.

“Dabley hubaysan ayaa mar keliya xabado ku furtay dad maqaaxi fadhiya iyadoo dhaawac uu soo gaaray saddex ka mid ah dadkaasoo mid ka mid ah uu dhaawacii soo gaaray goor dambe u dhintay, Dhammaantoodna waxay ahaayeen dad reer guuraa ah oo abaari waday,” ayuu yidhi Siciid.

Sidoo kale, falkan lagula kacay dadka abaaruhu wadaan ayaa wuxuu noqday mid aad looga xumaado, waxaana cambaareeyay qaar badan oo ka mid ah Culumada Deegaannada Widh-Widh, Buuhoodle iyo guud ahaan bulshada deegaannadaas.

“Waxgaradka degmada Widhwidh oo Cara-weyn ay ka tirsan tahay ayaa wadaa sidii dadka Reer Guuraaga ah ay Nabadi u Dhex-mari lahayd, isla markaana ay ugu Qancin lahaayeen inaan falkaas dhacay raalli laga ahayn, ayna u sii Wadan lahaayeen hayaankooda ay ku raadinayaan nolol dad iyo Duunyada ay wataan,” sidaas waxaa HOL u sheegay, Sekeriye Maxamed Ciise oo ah Suxufi deegaankaasi ku sugan.

Qaar ka mid ah bulshadda Deegaankaas ayaa waxay Qabaan in Falkaani uu yahay mid la Siyaasadeeyay; iyagoo Dusha u saaraya Hadalkii Madaxweynaha Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh oo bishii lasoo dhaafnay sheegay in haddii Somaliland ka bixi waydo deegaannadooda ay saamayn ku yeelanayso dadka Reer guuraaga ah ee  abaaruhu keeneen.

Ugu dambeyntii, Waa Falkii ugu Xumaa ee lagula koco Dad la daalaa dhacaya Baadi-goob nololeed muddo rubuc qarni ka badan inta la xusuusan yahay, Waxaana laga cabsi qabaa in ay talaabadni horseedo dhacdooyin kale waqtigan aadka u adag.

Comments are closed