Buule Burde 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- inta la og yahay lix qof ayaa ku dhintay dad kalena way ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhashay weerar ay dagaal yahano Alshabab ahi ku qaadeen fariisomo ciidanka AMISOM & DF ay ku lahaayeen demada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan.
Masuulkan degmadaasi oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Weheliye ayaa warbaahinta Muqdihso u sheegay weerarka ay kooxda Alshabab soo qaadeen inuu ka dhashay dagaal kaasoo ka dhacay kaantaroolkii hore ee degmada iyo fariisimo ay ciidanka isku dhafan ku lee yihiin galbeedka Buulobarde.
Inkastoo dagaalkan dhexmaray labada dhinac aan laga helin war sugan hadana waxay sheegayaan wararka dadka ka imaanaya in hub culus la isku waydaarsaday degmada Buulobarde oo ay labada dhinac ee magalada laga soo galana lagana baxo ay ka fadhiyaan Alshabab.
Dadka dhintay ayaa iskugu jira dhinacyadii uu dagaalkan u dhaxeeyay Axmed Cabdi Weheliye ayaa sidoo kale sheegay dagaalka inuu socday ilaa saaka waabarigii hore balse ay kooxdii weerarka soo qaaday ay magalada ka saareen.
Dagaalkan dhexmaray ciidankan isku dhafan iyo Alshabab ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu xooganaa ee dhexmaraya waxana kooxdani magalada Buulobarde laga saaray horaanta sanadkan.
Buule Burde SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
