|

Caasimada Somalia oo Qaadacday Tiro koobkii Dawlada Somalia

Muqdisho 31.May 2015 (SDN/QJ)-Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta beeniyay tiro koob dhawaan ay soo saartay wasaaradda qorshaynta ee xukuumadda Somaliya,tiro koobkaasi oo uu ku sheegay in been abuur ah oo xaqiiqada ka fog“Anaga ayaa og dadka ku nool Gobolka Banaadir waana in wax nalaga weydiiyo, nin Saterlite saaran, ma oga Tira-koob , Xamar waxaa dagan 3-Milyan iyo 600 Kun oo Barakacayaal hadalka wasaarada waa Riyo maalmeed mana Fasari naqaano riyada maalintii sidaas darteed”ayuu yidhi Guddoomiye Muungaab.

muun-1Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sheegay in riyada ah in dadka ku nool Muqdisho ay gaadhayaan hal Milyan iyo Badh aanay ahayn wax sax ah, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin, xataa haddii barakacayaasha lagu darayay yihiin 1.7 milyan oo qof.

Wasaaradda qorshaynta xukuumada Somaliya ayaa todobaadkii hore soo saartay tiro koob ay sheegtay inay dadka Somaliya ku nool yihiin 12,316 Miylan,taasi oo ay soo horjeedsadeen Somaliland iyo Puntland.

Comments are closed