|

Cabdirisaaq Khaliif oo jawaab adag siiyay Saleebaan Gaal

Hargeysa. 27 September, 2022. (QJ)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka jawaabay hadalo kasoo yeedhay Gudoomiyaha Golaha Guurtida, iyo xeerka uu dib ugu soo celiyay Wakiilada.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa u sheegay Saleebaan Gaal in uu Golaha Guurtida hor geeyo xeerarka oo Isagu aanu xaq u lahayn in uu Golaha Wakiilada dib ugu soo celiyo xeerarka doorashooyinka ee ay kaabista iyo wax ka badalka ku sameeyeen.

“Mudane guddoomiye, ugu danbayntii, adiga oo ixtiraamaya dastuurka iyo xeer-hoosaadk golaha guurtida, waxaan kuu soo jeedinayaa in aad wax-ka-beddelka iyo kaasbita xeerarkan hor dhigto gole-weynaha si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan.” Ayuu Khaliif ku yidhi warqad uu u diray Saleebaan Gaal.

Somaliland waxa ka taagan muran sii xididaysanaya oo salka ku haya doorashada ururada oo Muuse Biixi uu rabo in uu dalka ka qabto iyadoo xeerkeedii aanu jirin.

Comments are closed