|

Goorta muddo-kordhinta la samaynayo iyo mudada la kordhinayo

Hargeysa. 26 September, 2022. (QJ)- Maalinta Sabtida ee todobaadka danbe ayaa la filayaa in Golaha Guurtida Somaliland ay fadhi ka yeeshaan muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda madaxweyne Biixi, taas oo ah su’aal iyo hal xidhaale adag oo hor yaala Golaha.

Xogo kala duwan oo ay heshay warbaahinta Qurbejoog ayaa sheegaya in Saleebaan Gaal uu iska dhega tiri doono halisa ay Somaliland wajahayso isagoo muddo laba sanno ah ama ugu yaraan sanad iyo badh soo jeedin doona in loo kordhiyo xukuumada Muuse Biixi.

Weli lama hayo sababo dastuurka ku xusan oo loogu kordhiyo xilka madaxweynaha Somaliland iyadoo taa badalkeeda lagu oogi akro xil gudasho la’aan kadibna uu talada la wareegayo Saleebaan Gaal si uu dalka doorasho u gaadhsiiyo, sida uu dhigayo dastuurka Somalialnd.

Mucaaradka ayaa la filayaa in ay diidaan muddo kordhinta Muuse Biixi, isla markaana ay ku dhawaaqaan dawlad ku meel agadh ah sida uu ahaa qorshahoodu taas oo xaalka sii xumaynaysa.

Comments are closed