|

Xasan Sheekh oo Addis ka degay iyo u jeedka safarkiisa

Muqdisho. 28 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka dagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo bookhasho rasmi ah uga bilaabantay.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole kusoo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxaa la filayaa inay labada masuul ay ka wada hadlaan xaaladaha labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashadan maanta ayaa ah tii u horreysay ee nooceeda ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dalka Itoobiya, tan iyo intii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya saddex bilood ka hor.

Abiyi Axmed ayaa kamid ahaa masuuliyiintii u horreysay ee u hambalyeeya Xasan Sheekh Maxamuud xilligii loo doortay Madaxwaynaha Soomaaliya.

Xukuumadda Abiy waxay isku dhawaayeen maamulkii Farmaajo.

Comments are closed